Nolol Wanaag

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii 1-Aad

Dhammaysashada waxbarashada jaamacaddu waxa riyada ugu weyn ee waalidka iyo ilmihiisa midaysa. Waalidka waxaa u muuqda midhaha tacabkii uu ku dhowaad 20 sanno ilmihiisa gelinayey, dhinaca kalana waxa uu arkayaa dhammaadka itaalkii iyo tamartii ku jirtay oo gabaabsi sii noqonaya, markaasuu niyadda ku dhistaa in geedkii uu beeray (Ilmihiisa) haatan hadhac noqonayo oo uu hadhsan doono. Hadhsashada dantiisa ah oo …

Read More »

Caadooyin Qofka Ku Keeni Kara Caafimaad Darro Nafsi Ah, Xidhiidhkiisa Bulshana Burburiya

caafimaad nafsi

Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho. waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay …

Read More »

Sidee Loo Akhriyaa Wax Ku Anfaca?

WAX AKHRIS KU ANFACA: Wax kasta waad akhriyi kartaa laakiin in aad fahamtaa waa arrin kale, fahamkaasi in uu noqdo mid hoos ugu dhaadhaca maskaxdaada oo dhaqankaaga iyo ficilkaaga ka muuqdaana waa arrinta ugu muhiimsan uguna adag. Wax kasta oo aad akhrido saddexdan xeer mari: AKHRI Akhrisku waxa uu ku siinayaa maskax furnaan iyo qalbi wanaag, waxa uu ku siinayaa …

Read More »

Shaqaysiga Madaxabanaan (Freelance)

Waxaa dunida si xawli ah ugu soo badanaya in dadka shaqaalaha ahi ay ka tagaan shaqooyinka shirkadaha iyo hay’adaha dawladda ama madaxbannaan iyaga oo ka doorbidaya in ay iskood si madaxbannaan ugu shaqaystaan xirfadahooda. Sahamin ay samaysay hay’adda Edelman Intelligence ee Maraykanka oo kaashanaysa madasha ‘Upwork’ ayaa daahfurtay in kala badh dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay haystaan shahaadooyin jaamacadeed, …

Read More »

5 Qodob Oo Kaa Ilaalinaya Daalka Xilliga Shaqada

daalka xilliga shaqada, daal, caajis

Shaqada oo lagu dhex caajiso ama lagu dhex luloodaa waa arrin aad ugu badan goobaha shaqada, gaar ahaan xafiisyada, waxaana si gaar ah loo tilmaamaa xiliga duhurkii oo ah gooraha ugu fiican ee qofka hurda hore seegtaa seexan karayo. Ugu horreynba daal, caajis iyo lulo uu qofku dareemo xilliga qadadu waxa ay astaan u tahay in qofkaas jidhkiisu uu tebayo …

Read More »

7 Caado Oo Sare U Qaada Awoodda Maskaxeed Ee Qofka Iyo Garashadiisa

AWOODA MASKAXDA-5

In qofku uu dhiso quwaddiisa maskaxeed iyo garashadiisu waxa ay fure u noqon kartaa in uu ka guulaysto caqadaha iyo taakooyinka nolosha sidaas waxaa lagu sheegtay Amu Morin oo ah dhakhtar uku xeeldheer cilminafsigu mar ay dhowaan u warrantay shabakadda Moto times. Iyada oo tirisay dabeecado iyo tilmaamo ay sheegtay in inta badan laga dhoy la’ yahay oo cidda maalin …

Read More »

Qodobo Qofka Ku Dhaqma Siinaya Hurdo Fiican Habeenkii, Subaxdiina Firfircooni

hurdo fiican, hurdo macaan

Qormadaan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaya in uu subaxda hore hurdada ka tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dardar iyo tamar ah u gelaya. Haddaba qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Jazeera afka hooyana aan usoo rogaynay waxa ay u dhignayd sidan: Hurdada ka hor: Soddonka daqiiqo ee ka horreeya …

Read More »

Sababaha Keena Wahsiga Badan & Qaababka Looga Adkaan Karo

Wahsiga badan: Hamiga iyo hadal-haynta ku noolaanshaha nolol farxad leh oo ka faaruqa wal-wal iyo walbahaar waa yoolka dad badani hiigsanayaan hase ahaatee gaaritaanka yoolkaas waxaa ka sokeeya waddo qodxanyo leh taas oo cabsi galisa dadka intiisa badan. Waxaa dad badan noloshooda ku gadaaman qanaaco la’aan, tabasho iyo aaminsanaan in ay nasiib xun yihiin taasna waxay ku kaliftay inaysan nolosha …

Read More »

Caadooyin Lagu Arkay Dadka Guulaystay Oo Ku Dhaqankoodu Uu Caawin Karo In…

waqtiga, dadka guulaystay,

Dadka oo dhami waxa ay haystaan waqti isku mid ah, sannadkoodu waa 365 maalmood, maalin kastaana waa 24 saacadood, laakiin waxa ay ku kala tagaan sida ay uga faa’idaystaan waqtiga iyo sida ay hawlahooda mudnaanta u kala siiyaan. Maaraynta waqtiga, iyo in waqtiga ugu yar hawsha ugu badan la qabtaa, waxa ay ka mid tahay sababaha waxsoosaarka qofka kordhiya, himiladiisa …

Read More »

Waxyaabaha Cajiibka Ah Ee Ay Ku Kala Duwan Yihiin Ragga Iyo Dumarka

Akhriste, Weli ma ka fakartay faraqa iyo kala duwanaanta dhinaca abuurka ah ee u dhexeeya ragga iyo dumarka?! Haddii ay jawaabtaadu ‘HAA’ tahay, waxa aynu maanta kuu haynaa jawaabta su’ashaas, waxaanu cadadkan maanta kuugula wadaagaynaa daraasad cilmiga noolaha ah (Biology) oo ka waramaysa qodobbo xiise badan oo ay aad ugu kala duwanyihiin ragga iyo dumarka. – Ilmuhu marka uu ku …

Read More »

Isbedellada Cajiibka Ah Ee Ku Dhaca Dabeecadaha Gabadha Markay Hooyo Noqoto

dabeecada gabadha, hooyo, hooyonimada,

Hooyonimadu waxa ay beddeshaa hab nololeedka gabadha. Tusaale ahaan hurdada, jadwal-hawleedkeeda iyo xitaa dabeecadaha iyo dhaqannada lagu yaqaanno. Waxa aanay furtaa daaqad cusub oo ay gabadhu ka dheehato adduunyada iyo faham hor leh oo ka duwan kii ay hore uga haysatay nolosha. Maqaal ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay wargeyska Amandu ee Talyaaniga ka soo baxa ayaa qoraaga Claudia Lamy …

Read More »

Ducada Ay Tahay In Uu Akhristo Qof Kasta Oo Hadafyo Leh

Cali Ibnu Abi Daalib RC ayaa waxa uu imaanayaa Nebiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu wuxuu ku oranayaa Rasuulkii Ilaahayow ii dardaaran, wax i bar, i tusaalee, i tilmaan. Daawo ducada loo akhristo hadafyada: Qofka dhalinyarada ah waxa uu leeyahay riyooyin aad u balaaran, aragtiyo tiro badan, tamar aad u fara badan ayaa ku jirta laakiin waxaa …

Read More »

Sida Ugu Habboon Ee looga Hortago Wahsiga Iyo Caajiska!

Wahsiga iyo caajiska waa dareen is-dhigasho kaasoo sababa in qofku uusan samayn shaqo u baahan xili gooni ah. Waa dareen khiyaali ah kaasoo ka imaanaya maskaxda. Fariintaan ayaa shaqsiga ku dhalinaysa inuu ka labalabeeyo gudashada ama qabashada shaqada sugaysa. Dareenkaan ayaa keena dib u dhaca iyo horumar la’aanta shaqsiyeed. Waxaa la aaminsan yahay in dareenkani uu ku yimaado marxalado kala …

Read More »

11 Morning Routines That Will Make You Highly Productive

morning routine, productive habits

Creating productive morning habits can set a positive tone for the rest of the day and boost your overall productivity. Here are some habits you can incorporate into your morning routine: Wake Up Early: Try to wake up early, giving yourself enough time to ease into the day without feeling rushed. This provides a calm and focused start to your …

Read More »