Sida Ugu Habboon Ee looga Hortago Wahsiga Iyo Caajiska!

Wahsiga iyo caajiska waa dareen is-dhigasho kaasoo sababa in qofku uusan samayn shaqo u baahan xili gooni ah. Waa dareen khiyaali ah kaasoo ka imaanaya maskaxda. Fariintaan ayaa shaqsiga ku dhalinaysa inuu ka labalabeeyo gudashada ama qabashada shaqada sugaysa. Dareenkaan ayaa keena dib u dhaca iyo horumar la’aanta shaqsiyeed. Waxaa la aaminsan yahay in dareenkani uu ku yimaado marxalado kala duwan kuwaaso hoos u dhigaya go’aan qaadashada iyo ku dhiiranaanta shaqada ee shaqsiga.

Kahor inta aan la xalin ama aan laga guuleysan nolosha wahsiga iyo caajiska ku dhisan waxaa muhiim ah sababta loo sameeyo ama uu ku yimaado wahsigu. Sababahaan ayaa waxaa kamid ah, cabsida laga qabo shaqa, dareemida culeyska ay leedahay shaqadu, sababaynta adkaanshaha natiijo kasoo bixi kara shaqada, daalka, qanaaco la’aanta lagu qabo shaqada, rajo xumada, walwalka, iyo mashquulka saa’idka ah.

Dhamaan sababaha keena wahsiga ama caajiska ayaa looga guuleysan karaa hal hadaf oo laga yeesho nolosha iyadoo la dabaqayo oraahda ah “waxaynu u dadaali karnaa si aan u yarayno xanuunka una siyaadino farxadda”. Dadaalkaan ayaa muhiim u ah dabargoynta wahsiga, waxuuna keenayaa natiijo lagu qanco taasoo laga gaaro wahsiga.

Cadee hadafkaaga nolosha

Go’aan ka qaadashada hadafka nolosha waa mid aan sahlanayn. Waxaa lagama maarmaan ah in shaqsigu uu dajiyo qodobada uu aaminsanyahay inay hormuud u noqon karaa hadafkiisa sida go’aan uu ka qaato waxbarashadiisa, waxuu doonaya inuu mustaqbalka noqdo, dhaqaalaha uu doonayo inuu samaysto, wajiga uu kula dhaqmayo bulshada, safarada iyo muuqaalka jirka iyo waxii lamidka ah. Waxaa haboon in la dajiyo shanta ama sadixda qodob ee ugu muhiimsan dhamaan goolasha ama hadafyada laga leeyahay nolosha, qodobada kale ee aan muhiim ka ahayn ayaa laga dhigan karaa rajo, halka kuwo muhiimka u ah guusha nolosha ay yihiin biyo kama dhibcaanka. Samaynta qorshe noocaan ah ayaa la aaminsanyahay inuu yareeyo wahsiga iyo shalaytada qofka.

Qorshee maalintaada

Cilmi baaris lasameeyey ayaa lagu ogaaday in go’aaminta hawlaha shaqo ee maalintii ay haboontahay in ladajiyo habeenka ka horeeya. Qofka ayaa seexda isagoo maskaxda ku haya qorshaha uu ku dhaqaaqayo ama shaqada u taala waaberiga. Waxaa la aaminsanayahy in tani ay yareyso wahsiga iyo isku dhexyaaca shaqada iyo kala horeeysiintooda.

Seexo xili hore habeenkii

Hurdada la seexdo habeenkii ayaa faa’ido balaaran u leh caafimaad qabka jirka iyo maskaxda. Waa mid ka dhigaysa jirka mid uu kabuuxo tamar uuna shaqsigu dareemo nasniino iyo nashaad. Maskaxda iyo jirka qofka ayaa awood u helaya inay wajahaan shaqo kasta oo adag. Seexashada xiliga hore ee habeenkii ayaa ka mid ah qodobada lagu yareyn karo ama lagu dabar jari karo wahsiga

Soofee/nasi maskaxdaada

Awooda saxda ah ayaa ah mida maskaxda. Waxaa muhiim ah in waqti nasasho laga qaato shaqada lana soofeeyo awoodo fikirka iyo hal abuurka shaqada. Nasniinada maskaxda ayaa ka qayb qaadata in hawlaha shaqo ee yaala loo qabto si fudud. Tusaale ahaa waxaa muhiim ah inuu arday walba qaato waqti u dhaxeeyo shan ilaa shan iyo toban daqiiqo markasta oo uu wax akhriyo mudo kusiman afartan iyo shan daqiiqo ilaa Hal saac. Tan ayaa maskaxda siinaysa nasasho waxayna awood u helaysaa inay sii wado wax akhriskha ama shaqada kale ee uu qofku qaban lahaa.

Ha khasbin nafta

Kahortagida wahsiga macnaheedu maahan inaad joogtayso ama aad isku daydo inaad qabato shaqo adoo aad u daalan ama nacaya inaad qabato. Waxaa muhiim ah inaad u nasato oo aadan ku degdegin qabashada shaqadaas, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara inaadan u qaban sida ugu haboon ama ay naftaadu kasii qaado qanaaco la’aan taaso bilow u noqon karta inaad gebi ahaanba joojiso shaqadaas ama aad niyadda ka nacdo

Wahsiga ayaa waxaa kale oo looga hortagi karaa habab ay kamid yihiin, kalsooni lasiiyo nafta, isbarida go’aan qaadashada, ku dhiiranaanta shaqada, iyo jeclaanshaha shaqada uu qofku samaynayao. Inkastoo aysan ahayn arin dadka oo dhami sameeyaan hadana waxaa fiican in mararka qaar lagu abaal mariyo nafta waxyaabaha ay jeceshahay ee wanaagsan sida dalxiiska safarada iyo waqti la qaadashada dadka la jecelyahay.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *