Quruxda

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah qaybaha ee jirka waxa uu baahan yahay in si wanaagsan loo daryeelo. Waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad marsato kuma filna maqaarkaaga waxaa ka sii muhiimsan qaadashada cuntooyinka maqaarka uroon ee hodanka ku ah fitamiinnada si loola dagaallamo cudurrrada maqaarka ku dhaco, quruxda maqaarkana sare …

Read More »

5 Hab Oo Loola Dagaallamo Calaamadaha Gabowga

astaamaha gabowga, cimri degdega, duqnimada

Dabayaaqada dhalinyaronimada illaa inta uu da’da isu dhiibayo, waxa ugu badan ee uu qofku ka warwaraa waa gabowga, waxa aanu dagaal la galaa calaamadihiisa, oo uu ugu horreeyo coodhcoodhku. Sidaa awgeed shirkadaha soo saara waxyaabaha la isku qurxiyaa waxa ay lacag badan ka sameeyaan iibka kiriimada iyo dawooyinka jidhka giijiya ee midabka iyo muuqa dhalinyaronimada ilaaliya. Dawooyinka la adeegsadana waxaa …

Read More »

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

haaraha wajiga,

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu waa dhibco madmadow ama ka beddelan midabka maqaarka kuwaas oo badanaa ku samaysmaan daamanka iyo dhafoorka.  Inkastoo haaruhu aysan dhibaato caafimaad keenin balse waxay sababi karaan yax-yax waxayna dhaawici karaan kalsoonida qofka. Dadka haaraha leh waxay ka xishoodaan in wejigooda la arko.  Waxaa kaloo haaraha …

Read More »

Asbaabaha Keena Finanka Iyo Siyaabaha Looga Hortago

finanka, finan wajiga, nabraha

Maqaarka wuxuu leeyahay godad yaryar, godadkaan yaryar ee maqaarka ayaa waxaa xiri kara saliidda uu soo saaro jirka, sidoo kale waxaa xiri kara bagteeriyo iyo wasakh. Marka ay godadka maqaarka xirmaan waxaa kaa soo baxaya qofka finan. Finanku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qabsada maqaarka. Inkastoo ay finanku ahayn xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa lakiin waxay …

Read More »

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

cuntooyinka, dawada,

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga mid ahi aanay ogeyn in dawo ahaan loo isticmaali karo, ma’aha in cunistooda oo keliyi dawo tahay, balse sida oo kale maris ahaan loogu adeegsan karo dawo. Loren Bowen oo ah qoraa u dhalatay dalka Maraykanka oo ku xeeldheer caafimaadka ayaa dhowaan iftiimisay in ay …

Read More »

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay …

Read More »

Sababaha Keena Baraha Madow Ee Maqaarka Ku Samaysma

baraha madmadow, wajiga, findoobka

Baraha madow iyo coodhcoodhka maqaarka sababtoodu ma’aha gabowga oo keliyi, balse waxaa jira sababo kale oo qofka ku keeni kara xitaa isaga oo aan gaadhin da’dii gabowga. Waxaa ka mid ah fallaadhaha qorraxda oo in badan maqaarka ku dhaca, fin doobka oo qofka ku xumaada ama aan si habboon loo daweyn, dhibaato dhinaca hormoonnada ah, xanuunnada maqaarka ku dhaca, iyo …

Read More »

5 Qaab Oo Loo Daahiyo Soo Shaac Bixidda Calaamadaha Gabowga

calaamadaha gabowga, gabow

La dagaalanka calaamadaha gabowga oo inta badan dadka ku bilowda da’da afartanaadku waxa ay ka mid tahay arrimaha kharashaadka ugu badan dunidu ku bixiso. Kiriimo, farsamooyin qurxineed iyo qalniinno dhammaantood lacago badani ku baxaan ayaa ay dadku kula tacaalaan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tallaabooyin ay khubaradu ku talinayaan in qofku u raaco dagaalkiisa ka dhanka ah gabowga, weliba …

Read More »

Jirka Qalalan Ama Kor Qallaylka Iyo Qaababka Looga Takhalusi Karo

jirka qalalan,

Jirka qalan waa cillad ay dad badan ka sheegtaan. Waxa ugu badan ee keena waa qanjirrada saliidda soo saaro ee loo yaqaanno “sebaceous glands” oo shaqada yareeya ama howlgab noqda, waxaa ku xigga isbadallada cimillada uu qofka ku nool yahay, sida dabaysha iyo qabowga siyaadada ah. Waxaa kaloo keeni kara waxyaabaha la isku qurxiyo iyo saabunaha la isticmaalo iyo xittaa …

Read More »

Sida Loo Joojiyo Timaha Go’aya 10 Maalmood Gudahooda

timaha go'aya, timaha daata, dawada timo daadashada

Timaha go’aya waa dhibaato ay dad badani ka sheegtaan, siiba haweenka. Hadaba waxaan idin kula wadaagaynaa dawo guri lagu joojin karo timo daadashada weliba 10 maalmood gudahooda. Dawadan dabiiciga ah ayaa ka kooban labo shay oo keliya waxayna kala yihiin qoondar iyo saliid qumbe. Midhaha qoondarka iyo saliida qumbaha waa labo shay oo waxtar ballaadhan u leh timaha, isku darkoodana …

Read More »

Scrub Dabiici Ah Oo Jirka Nuuriya Kana Qaada Qolofta Iyo Madowga

maqaarka jirka

Marka jirkeenna ay soo gaaraan dhibaatooyinka dibadda ka yimaada sida dhaawaca fallaaraha qorraxda ee loo yaqaanno “UV rays”, hawada wasakhaysan iwm, waxa uu maqaarku lumiyaa midabkiisii asalka ahaa, taasina waxay keentaa in midabka uu isbedelo iyo madow uu fuulo. Sida oo kale, marka ay maqaarka ku uruuraan unugyada dhintay, wajiga oo dhan wuxuu u ekaadaa mid jacdadsan oo qallalan. Sidaas …

Read More »

Waxyaabaha Caawiya In Timaha Gadhka Ee Ragga Ay Si Fiican U Baxaan

timaha gadhka, raga garka leh

In kasta oo rag badani ay gadhka sidiisaba ula col yihiin, shaqo maalmeedkoodana ay ka mid tahay in ay joogto u xiiraan, haddana waxaa jira kuwo badan oo sababo kala duwan u jecel in gadhka ay deystaan ama qaybo ka mid ah ka tagaan, sida la ogyahayna muddooyinkan dambe gadhka oo la’ la baxaa waxa ay ka mid tahay xarrakada …

Read More »

Saliidaha Timaha Nafaqeeya, Caawiyana In Ay Si Fiican U Baxaan

saliida timaha, saliidaha timaha bixiya,

Timaha waxaa ku dhaca cillado kala duwan sida inay daataan, jajabaan, cirro yeeshaan, qalalaan,  midabkoodu isbedelo ama inay agool yeeshaan, waxaa la isku raacsan yahay in sida ugu haboon ee looga hortagi karo cilladaah ay tahay in la mariyo saliidaha dabiici ah. Mudo dheer ayay haweenku u adeegsan jireen saliidaha dabiiciga ah daweynta cilladaha timaha la xiriira iyo kobcinta quruxdooda. Saliidaha …

Read More »

Faaidada Ukunta Ay U Leedahay Koritaanka Timaha Iyo Caafimaadkooda & Sida Loo Isticmaalo

ukunta timaha,

ukunta waxa ay ka hortagtaa timo daadashada, waxayna leedahay nafaqooyin muhiim u ah daryeelka timaha. Ukunta waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu fiican ee wanaajiya caafimaadka timaha. Waxa ay xambaarsan tahay barootiinno, isku-dhisyada faytamiin B iyo macdano sidaas awgeed waxa ay caawisaa koritaanka timaha. Faaidooyinka ukuntu ay leedahay timaha: Koritaanka timaha: Ukunta waxaa ka buuxa barootiino iyo nafaqooyin kale, waxa ay …

Read More »

Waxyaabo dabiici Ah Oo Ilkaha Caddeeya, Quruxdoodana siyaadiya

sida loo cadeeyo ilkaha,

Waxyaabo kala duwan ayaa keeni kara midabka ilkaha oo isbeddela, sababaha ugu caansan waxaa ka mid ah nadaafad darrada afka, cabitaannada qaarkood sida shaaha, kafeega iyo soodhada, sigaar nuugista iyo dawooyinka qaarkood. Hadaba haddii aad raadinayso waxyaabo fudud oo dabiici ah oo aad ku caddeyn karto ilkahaaga, waxa uu Daryeel Magazine halkaan kugula waadayaa habab adiga oo gurigaaga jooga aad …

Read More »