Health

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

ilowga badan, hilmaanka,

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu weynaado, sababtuna waa shaqada maskaxda qaybteeda ‘Prefrontal cortex’ oo shaqadeedu daciifto. Waa maskaxda qaybteeda hore ee foodda ka hoosaysa, waxa aanay qaabilsantahay waxyaabaha fikirka la xidhiidha, sida qorshaynta, go’aan qaadashada, arrimaha dareenka la xidhiidha. Waxaa lagu naanaysaa maamulaha maskaxda, iyo in maskaxdu si habsami ah …

Read More »

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi la’aanta oo ah cillad ay ka sheegtaan rag badan.  Daraasaddaan cusub ayaa lagu arkay in jimicsiga fudud uusan ka yaraysan dhanka waxtarka dawada fiyaagrada (Viagra). Waxaa intaas dheer, jimicsigu waxa uu leeyahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan.  Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sarena u qaada …

Read More »

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah qaybaha ee jirka waxa uu baahan yahay in si wanaagsan loo daryeelo. Waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad marsato kuma filna maqaarkaaga waxaa ka sii muhiimsan qaadashada cuntooyinka maqaarka uroon ee hodanka ku ah fitamiinnada si loola dagaallamo cudurrrada maqaarka ku dhaco, quruxda maqaarkana sare …

Read More »

Asbaabaha Keena Midabada Indhaha Oo Isbedela

Bu’da iyo wiilka indhaha aadamuhu waxa ay leeyihiin midabbo kala duwan, laakiin boqolkiiba 70 dadka qaaradaha adduunka oo dhan, midabka indhahoodu waa bunni. Marka si gaar gaar ah loo eego midabka indhaha dadyawga adduunkana waxaa la sheegaa in boqolkiiba 95 dadka Jabbaan, dadka asalka ah ee Shiinaha, dadka bariga dhexe, Koonfurta Ameerika, Koonfurta Yurub iyo dadka gobalak Oceania, loo yaqaanno …

Read More »

Astaamaha La Yaabka Leh Ee Niyad Jabka

niyad jabka, isku buuqa,

Ilowsho badan Niyad jabka waxaa laga yaabaa inuu yahay sababta aad u dareemeysid xusuus ceeryaaman ama ilowsho badan. Daraasad ayaa sheegeysa in niyad jabka raaga ama walwalka uu kor uqaadi karo hormoonka kortisol, oo ah hormoon yareyn kara ama wiiqi kara qeybta maskaxda ee ku shaqada leh xusuusta iyo wax barashada. Nasiib wanaag hadii la daweeyo niyad jabka waxaa soo …

Read More »

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

indho ololka,

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro badan; oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo khatar caafimaad calaamad u ah. Sida lagu sheegay warbixin ay arrintan ka qortay shabakadda Aljazeera, iskaashatadani waxa ay sababaha indho ololka u qaybisay sidan: SABABAHA FUDUD ee indho ololka Sababaha fudud ee ay Iskaashatadu sheegtay in ay …

Read More »

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

caafimaadka kilyaha

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale ee ubucda. Kilyaha iyo uurkujirta kale waxaa kala saara ama u dhaxeeya xuubka loo yaqaan beritoniyam kaasoo ah xuubka ku dahaaran ama ku wareejisan xubnaha loo yaqaano uurkujirta. Cabirka kilidiiba waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 5inch, Kilida bidix ayaa ka sareysa kilada midig sababtuna waa …

Read More »

Hababka Sare Loogu Qaado Caafimaadka Kelyaha, Loogana Hortago Kelyo Xanuunka

caafimaadka kelyaha, kalyo xanuunka,

Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka iyo dheecaannada dheeraadka ah, waxa ay nidaamiyaan cadaadiska dhiigga, waxayna sameeyaan unugyada dhiigga cas. Si kasta ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka kelyaha islamarkaana keeni kelyo xanuun, waxaana arrimahaas ka mid ah; hab nololeedka xun iyo cudurrada raaga. Haddaba Daryeel Magazine, …

Read More »

Muhiimada U Leeyahay Jimicsiga Kegel Iyo Sida Loo Sameeyo

jimicsiga,

Jimicsiga kegel waa mid fudud oo loogu talo galay in lagu adkeeyo murqaha ku jira miskaha, murqahaan waxay gudaha ku hayaan xubnaha taranka ee ku jira miskaha. Awooda murqaha ku jira miskaha haddii ay daciif yihiin waxaa imaan kara koontorol xumo ku timaada saxarada iyo kaadi haysta, mar hadii aad fahamtid sida loo sameeyo jimicsiga Kegel, waxaad ku sameyn kartaa meel …

Read More »

Hababka Sare Loogu Qaadi Karo Caafimaadka Afka

caafimaadka afka, ilkaha

Ma ogtahay in caafimaad afka laga dheehan karo caafimaadkaaga guud ahaan iyo in dhibaatooyinka soo wajaha afkaaga ay si toosan iyo si dadban u saameyn karaan jirkaaga intiisa kale. Si aad uga badbaadid dhibaatooyinkaan baro xirirka ka dhaxeeya caafimaadka afka iyo kan guud ahaaneed. Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Si la mid ah meelaha qaar ee jirkaaga, afkaaga waxaa ku …

Read More »

Waa Maxay Killi Bedelid, Yaa Se U Baahan In Loo Bedelo?

kilyaha oo la bedelo

Marka ay kiliyahaaga howl gabaan, waxaa loo baahan yahay dawo lagu bedelo shaqadi ay killiyahaaga u qaban jireen jirkaaga. Waxaa jiro laba nooc oo dawo ah oo lagu daweeyo howl gabka kilyaha, waxey kala yihiin kilyo dhaqis iyo killi bedelid. In kastoo bedelidda ay keento xurnimo iyo tayo sare oo nolosha ah marka lala barbardhigo kilyo dhaqis. Waa maxay killi bedelid? Marka …

Read More »

Maxaa Sababo Kaadida Oo Ku Gubta Ama Ku Xanuujiso, Sidee Se Loola Tacaalaa?

kaadida oo ku gubta, kaadida xanuunka badan

Kaadida xanuunka badan ama gubta bukaanka siiba marka uu qofku kaadinayo, waa calaamad lagu garto infekshin ku dhaca habka kaadi mareenka qofka. Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay xaaladan lasoo daristo marka la bar bar dhigo ragga, balse taas micnaheedu maahan inaysan raggu dareemin xaaladan, ragga da’doodu wayn tahaay ayaa badanaa ka cabta xaaladan. Maxaa sababa kaadida oo …

Read More »

5 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Aragga Indhaha

aragga indhaha, caafimaadka indhaha

Cilmi baaris ahaan waxaa la arkay in xiriir weyn uu ka dhexeeyo nafaqada iyo caafimaadka isha. Qaadashada cunnooyinka uroon indhaha waxa ay si weyn u kobcinaysaa una xifdinaysaa aragga isha. Waa kuwaan cunnooyinka u fiican aragga. Karootada: Karootada waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo “beta-carotene” oo ah nooc faytamiin A ah taas oo u wanaagsan aragga. Maadadani waxa ay caawisaa …

Read More »

Ayaamaha Ciidda Iyo Caafimaadka: Talooyin Anfacaya Bukaanka Ciidaya & Dadka…

macmacaanka ciida, caafimaadka,

Bisha soon waxa ay dhammaataa qofka oo la qabsaday hab-nololeed dhinaca cuntada u badan oo ka duwan kii uu la soo qabsaday bilihii soonka ka horreeyey oo dhan. Soonka dartii hab-dhiska dheefshiidku waxa uu la qabsadaa in aanay maalintii dhan soo marin cunto ama cabbitaan, taas oo u ah nasasho maalintii ah, marka saacadda afurku soo dhowaato ayaanu dib u …

Read More »

Guuxa Dhagaha Laga Maqlo: Sababaha Keena, Noocyadiisa Iyo Sida Dabiibo

guuxa dhagaha, xanuunka dhegta,

Guuxa laga maqlo dhagaha (Tinnitus) waa dhibaato caan ah saameysana dad badan. Guuxa laga maqlo dhagaha ma ahan xaalad caafimaad ee waa astaan salka ku haysa xaalado kale sida dhagoolnimada la xiriirta gabowga, dhaawaca dhegta ama cillad ka jirta habka wareega ee dhiiga. In kastoo xaaladaan ay tahay mid dhib badan, inta badan kama dhigna iney tahay xaalad halis ah. …

Read More »