Nolol Wanaag

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

akhriska duuusta,

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla markaana ugu xawaaraha badan. Laakiin cod dheer oo wax lagu akhriyaana waxa ay leedahay faa’idooyin ay ka mid yihiin carruurta oo ah dhinaca waxbarashada iyo xasuusta, iyo nafsad ahaan oo ay ku beerto furfurnaanshiyo bulsho. Halka ay dadka waaweyn u leedahay faa’idooyin ah xoojinta awoodda …

Read More »

Jooji 4-taan Arrimood Ee Waqtiga Kaa Lumiya Maalin Kasta

waqtiga, waqti lumiska,

Marka aad dhameysid akhriska casharkaan ku saabsan sida loo isticmaalo waqtiga, waxaad heleysaa hadiyad waqti ah oo aad ku sameyn kartid waxyaabo badan oo aad u baahan tahay. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad ka takhalustid afar shey si aad u joojisid khasaarinta waqtiga. Jooji booqashada badan ee internetka Waxaa marba marka ka sii dambeysa fududaanaya booqashada …

Read More »

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato cimridhererka iyo in aynaan da’da u jabin. Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda North Western ee dalka Maraykanka ayaa baadhis cilmiya oo ay arrintan ku sameeyeen ku xaqiijiyey in hab-nololeedka qofka iyo cuntooyinka uu cunaa ay u horseedi karaan cimridherer iyo in aanay da’du fadhiisin ama sabab …

Read More »

Is-Aqoonsi Waa: Waa Cudur Ku Dhaca Dadka Guulaysta

‘Impostor syndrome’ Waa xaalad nafsadeed lagu arko boqolkiiba 70 dadka guusha ka gaadha nolosha. Waxa uu qofku dareemayaa in aanu mudnayn guulaha uu gaadhay. Kalsoonidarro badan ayaa ku abuurmaysa, waxa aanu cabsi ka qabaa in dadka ku xeerani ay ogaadaan in aanu u qalmin sumcadda iyo magaca uu bulshada ku dhex yeeshay iyo heerka aqooneed iyo garasho ee ay ka …

Read More »

Siyaabaha Ugu Fiican Ee Loo Joogteeyo Qaab Dhismeedka Jirka

Qaab dhismeedka jirka, jir dhiska,

Dhisnaanta jirku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka cayilka ama dhimida culeyska jirka ayaa u baahan waqti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidiiay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isugu dayayaan …

Read More »

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay …

Read More »

Sababaha Keena Wahsiga Iyo Shaqo Dib U Dhigashada & Hababka Loola Dagaallamo

wahsiga badan

Imisa jeer ayaa ay kugu dhacday in buug ama qoraal kale oo aad xiisaysay haddana aad dib u dhigatay akhriskiisa, adiga oo nafta u sheegaya in hadda aanad waqti kugu filan haysan. Wahsiga, shaqo dib u dhigashada iyo maahsanaantu waxa ay ka mid yihiin caadooyinka iyo dhaqannada ay inta badan ee dadka dunidu maanta ka cawdaan. Caalimka cilminafsiga ee William …

Read More »

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Arday wanaagsan oo guulaysta

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”. Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo. Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo …

Read More »

6 Qodob Oo Sare Loogu Qaado Caafimaadka Iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

caafimaadka maskaxda

Waxaa waajib ah in qofku uu iska xilsaaro ilaalinta iyo wanaajinta caafimaadka maskaxdiisa, si uu u dhiirrigeliyo in unugyo cusubi ay kobcaan, ugana hortago hoos u dhaca maskaxda ku yimaadda mar kasta oo qofka da’diisu ay sii weynaato. Waxa aynu si gaar ah u eegaynaa dhinaca nafaqada iyo cuntada, maadaama oo nooca iyo xaddiga cuntada aynu maalin kasta cunnaa ay …

Read More »

Haddii Aad Raadinayso Farxad Sannado Ah Lacag Ururso, Haddii Aad Doonayso Mid Weligeed Ahna Dadka Baahan Caawi

Waxaa jira halkudheg afka Shiinaha ku jira oo yidhaahda, “Haddii aad doonayso farxad saacad ah, qadada kaddib seexo. Haddii aad doonayso mid maalin dhan ahna kalluumaysi u bax. Haddii aad raadinayso farxad sannad ah, waxa aad u baahan tahay lacag, laakiin haddii aad doonayso mid noloshaada oo dhan ah, qof caawi” Cilmibaadhiso caafimaad ayaa daahfurtay in qofka oo caawiya dadka …

Read More »

Hababka Loo Kaydsado Fikradaha Iyo Hindisayaasha Ku Soo Dhaca Maskaxda

fikradaha, fikrad, fikirka maskaxda,

Waxa aynu maraynaa duni xawaaraha horumarka ay ku socoto iyo isbedellada togan iyo taban ee joogtada ahi ay u ekeysiiyeen, in waqtigu uu intii hore ka dheeraynayo. Cadaadis dhinac kasta oo nolosha ah taabanaya ayaa joogto ugu sii kordha qof kasta, arrimahaasi waxa ay qasab ka dhigayaan in qofku uu joogto maskaxdiisa uga faaruqiyo hadba wixii afkaar iyo hindiseyaal ah …

Read More »

Talo Ku Socota Darawal Kasta

darawalka, gaadhiga, baabuurta,

Qaraxa taayirku waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilalka gaadiidka, gaar ahaan marka safarrada lagu jiro oo uu keeno isku dhac gaadiid ama in gaadhigu uu qallibmo (Gaddoomo). Qaddar lama baajiyo, waxa se muhiim ah in qofka darawalka ahi uu barto dhammaan hababka badbaado ee uu kaga hortegi karo khatartaas, waxaa ka mid ah in uu barto …

Read More »

7 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Samayn Marka Aad Cadhaysan Tahay & Sababta

cadho, cadhada, xanaaqa,

Qof kasta oo garaadkiisu sarreeyaa waa uu garan karaa in cadhadu ay tahay xaalad daciifnimo ah oo uu qofku maro, haddii kale waxa aynu cadhada ku macnayn karnaa dareen raadayn taban ku yeesha caqliga oo sida badan qofka ku dirqiya in uu qaato go’aamo qaldan ama khatar ah, sidaa awgeed qof kasta oo cadhooda talada u horreysa ee la gudbooni …

Read More »

Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Raalligelinta??

raali galin

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelinta ay u fiican tahay caafimaadka nafsadeed ee qofka iyo xidhiidhka bulshada, haddana dadka qaar waa ay ku adagtahay. In ay is illowsiiyaan ama ay si badheedh ah uga warwareegaan ayaa kala fudud in ay raalli gelin siiyaan cid ay ku gefeen. Daraasado badan oo ay xeeldheereyaasha cilminafsigu arrintan ku sameeyeen …

Read More »