Caadooyin Ay Tahay Inaad Iska Goyso Inta Aanay Da’daadu Gaadhin 35

Qofku qaladaad badan ayaa uu gala inta uu nool yahay, inta badanna qaladaadkaasi waxa ay raad taban kaga tagaan caafimaadkiisa jidheed iyo ka nafsadeed labadaba, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ay saamayn ku yeeshaan dadka ku xeeran.

Qoraaga Yana Yakovenko oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ayaa maqaal ay dhowaan ku faafisay shabakadda FPR waxa ay ku tirisay caadooyin ay sheegtay in ay ku fiican yihiin in qofku uu joojiyo inta aanu gaadhin da’da 35 sano jirka, waxaana ka mid ah:

Riyada iyo dunida mala-awaalka ah

Dad badan ayaa diida riyada iyo mashquulka caalamka malo-awaalka ah, iyaga oo u arka in aanay wax faa’iido ahi ku jirin. Laakiin dadkaasi waxa ay ka jaahil yihiin in riyada iyo niyeysigu ay kaalin muhiim ah ka qaataan dhismaha shakhsiyadda qofka.

Waxaa intaas dheer in qofku haddii uu dadaalkeeda la yimaaddo uu awoodi karo in uu inbadan oo riyadaas ka mid ah u rogo xaqiiqo la taaban karo. Marka ay sidaas tahayna riyada noocan ahi waxa ay raad togan ku yeelataa nolosha shaqo iyo xirfadeed ee qofka iyo xitaa shakhsiyaddiisa. Qof aan riyo lahayn waa ay ku adag tahay in uu garto galdalooladiisa iyo meelaha uu u xooggan yahay, mana yelean karo yoolka noloshiisu bartilmaameedsan karto. Inta aanad 35 sano jir gaadhin jooji dhaqanka ah in aad iska ilaaliso riyada nolosha.

Hurdada Cashada ka hor

Hurdada habeenkii ee waqtiga cashada ka horreysaa waxa ay leedahay caawaaqi taban oo tiro badan. Ha ku dagmin aragtida beenta ah ee ay dadka qaar ku sheegaan in hurdada waqtigaas ahi ay jidhka u kordhiso tamar. Waxa aanad ogaataa xaqiiqada ah in hurdada waqtigaas la seexdaa ay kordhiso cadaadiska nafsadeed ee qofka, raad aan fiicnayna ku yeelato dareenka saacadeed ee abuurka ah oo Alle ku abuuray maskaxda si ay ugu jaangoyso hawlaha shaqo ee jidhka qaybihiisa.

Mar kasta oo ay qofka da’ u korodho waxa ku sii bata dareenka daalka oo toddobaad kasta bilowgiisa la kowsada. Waa muhiim in qofku uu yeesho jadwal go’an oo uu fulintiisa kudadaalo, taas oo jaangoyn u ah waqtiyadiisa cuntada iyo xilliga hurdadiisa. Waxa ay taasi caawisaa nidaaminta hawlaha shaqo ee qaybaha jidka mid kasta u gaarka ah.

Ka fogoow khilaafaadka:

Muranku sidiisaba waxa uu ka mid yahay caadooyinka foosha xun ee dila xidhiidhada uu qofku bulshada la leeyahay. Laakiin dadku waxa ay marar badan isku qaldaan muranka iyo doodda, in qofku uu ka dareen celiyo waxa uu diiddan yahay ayaa mararka qaarkood muran loo fahmay. Waxa se la ogaaday in haddii aad ka dheeraato ka dareen celinta waxa aad diiddo in ay nafta ku yeelato raad taban oo caafimaadka nafsiga ah. In qofku uu dood iyo muran ka soo celin waayo waxa uu qabaa, waxa ay ku abuurtaa cadho daran iyo ka xumaanshiyo laabtiisa guba oo ku sii kordhinaya uun culayska.

Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay ku talinayaan in ay qurux badan tahay in si deggen looga dareen celiyo qofka habdhaqankiisa ama hadalkiisu aanu ku raalligelin. Laakiin waxaa la ogaaday in dareencelinta oo baraha bulshada la mariyaa sida muddooyinkan dambe inta badan dhacdaa waxa ay keentaa khataro kale oo bulsho iyo nafsadeed, sidaa awgeed haddii aad 35 gaadhay ka dheeroow in aad baraha bulshada ee Internet ka ku faafiso dareen iyo ficil kasta oo aad dood diidma ah ka qabto, taas beddelkeeda raadi in aad si maangal ah toos dadka dood ugala yeelato.

Uur ku taallada:

Inta badan waxa aynu illownaa in dhammaan arrimaha raadka taban ee nasiga ah innagu reebaa ay dhibaato ku keenaan jidhkeena. Uur ku taallada arrimo badan ayaa sababa, yasid uu qofku kala kulmo bulshada ku xeeran, ama diiqad iyo cidhiidhi gaar ah oo la saaro ayaa ka mid ah.

Uur ku taalladu waxa ay burburisaa nafsadda iyo shakhsiyadda qofka, waxa aanu ka hor istaagaa in uu ku raaxaysto noloshiisa. Inta aanad da’da 35 gaadhin ku dadaal in aad ka bogsato wixii culays ku keenaya naftaada oo dhan.

Maamul xumada maaliyaddaada:

In qofku uu awoodi kari waayo maaraynta iyo maamulka kharashaadka uu galayo iyo is waafajinta dakhliga iyo kharashku waa dhaqan fiican in uu ku joogsado inta la da’ yar yahay. Caadaysiga maamul xumada maaliyaddu waa dhaqan qofka qabatima ay ku adagtahay in uu joojiyaa. Ku dadaal in aad yari ku barato maamulka maaliyadda. Wixii maamul xumo maaliyadeed kaaga jiraana yaanu kula soo dhaafin da’da ka horreysa 35 sano jirka.

Fadhiiso oo xisaab cad u samee dakhliga ku soo gala iyo kharashaadka kuu yaalla ee ay tahay in aad joogto u daboosho, sida oo kale qiyaas kharashaadka kadiska ah ee aad bil kasta qaadi karto, adiga oo ku salaynaya dakhligaaga. Madhxiska baro, naftana u diyaari in ay kayd yeelato.

Naftaada ood jeclaan weydo

Waa ceeb in qofku uu noqdo danayste naftiisa uun ka fikira, laakiin ogow dhinaca kalana in naftaada oo aad jeclaataa ay muhiim u tahay quruxda iyo dhammaystirnaanta noloshaada, iyo xitaa guulaha aad jeceshay in aad gaadho. Haa, in aad miisaanka saayidka ah la dagaalanto, in aad quruxdaada jidheed iyo xaragada labiskaaga wanaajiso iyo in aad caafimaadkaada ka shaqaysaa waa naftii oo aad jeclaatay, waana jacayl loo baahan yahay oo aanad la’aantii nolosha sida ay tahay ugu raaxaysan karin.

Inta aanad 35 jir dhaafin iska jacaylka nafta ee danaystenimada, xaasidnimada iyo dadka kale hayntooda oo aad eegtaa ay ka mid tahay. is bar in aad ceebahaaga oo dabcan badan, kaga mashquusho eegmada ceebaha dadka kale. Iskana jir adiga oo da’dan gaadhay in ay weli kugu sii jirto dabeecad ah u quudhi waa aad eegto waxa saaxiibkaa haysto ama guusha uu gaadhay adiga oo ka xun.

Xidhiidh dhammaaday ha ku sii dheggenaan

Xidhiidhku waa u muhiim caafimaadka iyo farxadda nolosha, xidhiidh fiican oo aad la yeelato lammaanahaaga, qoyskaaga, saaxiibkaa iyo guud ahaan bulshadu waxa ay u fiican tahay noloshaada, halka gooni joogga iyo faquuqnidu ay khatar ku yihiin nolosha.

Laakiin ha ka baqan keli joogga, adiga oo wehel la’aan ka cabsanaya ha isku sii dhejin xidhiidh aad ogtahay in uu fashilaad ku dambaynayo. Ogoow inta uu ku yeelo xidhiidh aanad raalli ka ahayn iyo dhaawaca caafimaad ee uu ku gadhsiiyaa marnaba kama badanayo dhaawaca keli joognimadu ku gaadhsiiso.

Xidhiidh aad ogtahay in aanu waarayn, ama xitaa madow kaaga jiro mustaqbalka halka uu ku dambaynayo, waxa aad ka qaaddaa niyadjab joogto ah, iyo murugo aan dhammaan oo noloshaadu ku jirto. Inta aanad 35 sano jir gaadhin dhinac isaga tuur cabsida kelinimada, oo jooji xidhiidh kasta oo aanad hubin in uu guul ku dhammaanayo, kuna dadaal in aad bilowdo xidhiidho, qaddarka Alle ayaa og ee aad adigu is leedahay waad hubtaa in ay jidkii guusha ku socdaan.

Xanuun maalmo aad u adkaysato iyo marxalad murugo leh oo aad maalmo kaga gudubto ayaa ka fiican murugo iyo calool xumo aad la noolaato xilli aanad waxba ka qaban karin, dhaawacna naftaada iyo caafimaadkeeda ay ku yihiin.

Shaqo ku magaag

Haddii aad aragto qof shaqada ku magaagsan, oo aan jeclayn in uu nolol kale yeesho, ama waqti kale oo firaaqo ah samaysto, ha moodin shaqo jacayl iyo karti badnaan, balse u aqoonso xanuun ay tahay in la daweeyo. Saacado badan oo aad shaqada joogto macnaheedu ma’aha in aad shaqo badan qabatay, waanay dhacdaaba qof waqti kaas ka yar shaqada geliyaa in uu kaa waxsoosaar bato.

Waxsoosaarka badani waxa uu ku yimaaddaa arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo waayoaragnimada aad u leedahay shaqada aad qabanayso, xeeladaha shaqo gudasho ee aad leedahay iyo hannaanka aad shaqada qabashadeeda u marayso, dhugmada iyo soo jeedka maskaxdaada, xaaladdaada nafsiga ah iyo niyadda aad shaqada u hayso, caafimaadkaaga jidheed iwm. Markaa ku dadaal in aad arrimahaas saxdo, shaqadana aad u samayso nidaam hawlgudasho oo aad raaci karto.

Waqti badan oo aad shaqada ku qaadata awaxa uu keenaa cadho badnaan, dulqaad yaraan, sakati iyo qulub nafta ku abuura xasilooni darro. Ku dadaal in aad fasaxyo joogto ah yeelato maalmo toddobaadka ka mid ah iyo sannadkiiba. Inta aanad 35 sano jir dhaafin naftaadana bar in ay mararka qaarkood ka fikirto wax aan shaqada ahayn ama nolosha kale ee kugu xeeran iyo waayaha qoyskaaga. Ku dadaal in aad yeelato jadwal shaqo iyo nidaam shaqo oo isaga oo aan dhaawac caafiamad kugu keenin waxsoosaar yeesha.

DIYAARIYE: KAMAAL MARJAAN

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *