7 Arrin Oo Ay Tahay Inay Joogteeyaan Bukaannada Qaba Sonkorowga

Nolol wanaag iyo dadka qaba sonkorowga:

Marka uu qofku la nool yahay sonkoroow, waxa uu cuno iyo inta uu jimicsado ayaa ah arin farqi ku sameyn karta heerka caafimaad. Sidaa darteed waa muhiim in loo fara dhuubnaado cunnada loo doorayo qofka qabo sonkoroowga, iyo heerka looga baahan yahay iney dhaq dhaqaaqaan.

Ma ahan arin ka caawineysa in xaddiga sonkorta dhiiga ay xakameysan tahay oo kaliya, waxay hoos udhigeysaa halista xanuunka faalugga iyo xanuunada wadnaha.

Xisaab cabirka karbohaydaredka:

Cunnooyinka sida roodhiga, baastada iyo bariiska waxay aad u saameeyaan heerka sonkorta ku jirta dhiiga, waxaa fiican in cunnidooda la yareeyo oo lagu badalo borotiinada iyo galeyda, digirta, iwm.

Is baridda dabeecada cunnada wanaagsan:

Waxaa fiican in saxanka badh laga dhigo qudaar sida isbinaj, ansalaato, karooto/dabacase, ama yaanyo. Haafka kala ne in loo qeybiyo bariiska bunniga ah iyo bataati, hilibka digaaga iyo midka aan cadiinta lahayn, sidoo kale in la cuno dufanka fiican sida afagaadhada, iyo in la yareeyo cusbada

In si caqli ah loo cuno cunnooyinka fudud:

Sodhada iyo cabitaanada la soo baceeyay, waxa si aan caadi ahayn ugu badan sonkorta, cusbada waana kuwo ay ku yartahay fitaminada iyo macdanada. Hadii aad dareentid gaajo xiliga cunnada ka hor, cun cinabka, qaraha ama kaarotada/dabacase

Dhaqaaq:

Dhaq dhaqaaqa ka dhiga wadnaha mid soo tuura dhiig, sida socodka, dabaasha waa arin caawineysa in shaqada hormoonka insulin ee uu uqabto jirka ay hagaagto. Dhaq dhaqaaqa waxaad ku bilaabi kartaa si tartiib tartiib ah sida 5 ilaa 10 daqiiqo, kadib kor uqaad oo isku day ilaa 30 daqiiqo maalin kasta, isku day inaad sameysid 5 maalin todobaad kasta, hadii aad isku dayeysid inaad lumisid misaan, isku day inaad dhaq dhaqaaqa ama jimicsiga aad gaarsiisid 60 daqiiqo.

Dhis awooddaada:

Inaad kor uqaadid awood daada iska cabin waxay ka dhalataa in murqaha aad taba bartid, waana arin kor uqaadeysa caafimaadka lafaha, sidoo kale waxay caawineysaa in la xakameeyo sonkorta ku jirta dhiig.

ka dhig jimicsiga wax aad ku raaxeysan kartid:

Qasab ma ahan in jimicsiga uu noqdo mid caajis ah, waxaad qaban kartaa shaqada guriga.

Booqo dhaqtarka indhaha 6di bilba mar:

sababtoo ah xanuunka sonkoroow waa mid dhaawaca xididdada yar yar ee indhaha, sidaa darteed waa muhiim in uu dhaqtar ku sameeyo qiyaas iyo ka hortag waxyeelada xanuunkaan uu ku keeni karo indhaha

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *