Parenting

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku gudo jiro waxbarashadu waa in uu noqdo arday waxbarashada ku fiican oo ka dhex muuqda ardayda dhiggiisa ah, isla markaana tacliinta uu baranayaa ay noqdo mid uu mustaqbalka ku intifaacsado noloshiisa. Laakiin nasiib darradu waxa ay tahay in inta badan ay waalidka ka qaldan tahay …

Read More »

Sababaha Keena In Ardaygu Uu Waxbarashada Naco

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu soo badanaysa oo ah in ardayga yari uu waxbarashada naco ama niyadda ka sii jeediyo ama uu dugsiga tegitaankiisaba naco. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri kaga waramayaan sababaha keeni kara dhibtan, taas oo marka la garto fure u …

Read More »

Buugta Caruurta Loo Akhriyo Hurdada Ka Hor Waxay Muhiim U Tahay….

buugta caruurta

Cilmibaadhisaha laga sameeyey waxtarka uu akhrisku aadamaha u leeyahay, waxa ay ka marag kaceen muhiimadda uu carruurta da’da yar u leeyahay akhrisku, waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqda faa’iidada ay leedahay in waalidku uu ubadkiisa hurdada ka hor wax u akhriyo. Qormadan waxa aynu ku soo koobaynaa cilmibaadhis uu Mark Kelly ku sameeyey faa’iidooyinka akhrisku u leeyahay ilmaha, …

Read More »

Faa’iidooyinka Akhrisku U Leeyahay Carruurta

Caadaysiga akhrisku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dhinaca nafsadda iyo maskaxda ah, waxa aanu kobciyaa aqoonta, fahamka, maskax furnaanta iyo il-dheeraanta qofka. Sidaas awgeed ma jirto dabeecad ka fiican in waalidku uu ilmihiisu inta uu yar yahay ku barbaariyo wax akhriska. Xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in wax akhriska uu ilmuhu ka helo faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin: …

Read More »

Waalidka Dabeecadahaan Isku Arka Ha Ogaado In Uu Ku Fashilmay Barbaarintii Caruurta!!

waalidka barbaarinta caruurta,

Hooyadu waxa ay dhibaato iyo culays nafsadeed, jidheed iyo caafimaad kala kulantaa uurka ilmaheeda, waxaa intaas u dheer masuuliyadda ka saaran dhowrista iyo ilaalinta ilmaha uurkeeda ku jira. Ilaalintaasi waxa ay saamayn ku yeelataa hurdadeeda, cuntadeeda, dhaqdhaqaaqeeda jidheed iyo nolosheeda oo dhan oo sagaalka bilood ee ay ilmaha siddo sababta ilmahaas isla beddesha si ay u ilaaliso. Aabaha marka laga …

Read More »

Ficillada iyo Hadallada Sababa In Ilmuhu Quus Iyo Niyad Xumo Ku Barbaaro

waalidka ilmaha,

Waalidnimadu waa nafhurid iyo daryeel, inta badanna waalidku waa uu ka soo baxaa kaalintaas, isaga oo marmarka qaarkood aan dareensanaynba in uu waajibkaas gudanayo. Laakiin duruufaha nololeed ee qofka ku xeeran iyo waayaha adduun waxa ay marar badan keenaan in xaaladaha nafsiga ah ee waalidku marayaa ay sababaan in uu hoos uga dhaco kaalinta waalidnimada fiican ee laga filayey. Waxa …

Read More »

8 Arrimood Oo Ilmahaaga Ka Dhigi Kara Mid Mustaqbalka Masuuliyadiisa Kasoo Baxa

Waxa muhiim ah in aynu mar walba ogaanno in korinta ilmuhu aanay ahayn keliya mid jidheed ee ay ugu muhiimsan tahay ilmaha oo loo diyaariyo in uu mustaqbalka qaadi karo masuuliyad xitaa isaga oo da’ yar. Haddaba haddii aad jeclaan lahayd in ilmahaagu noqdo mid masuuliyaddiisa qaadan kara isla markaana noqda mid naftiisa ku tiirsanaan kara waxa aad raacdaa talooyinka …

Read More »

Barbaarinta San: Su’aalo Ay Tahay In Aad Ilmahaaga Maalin Kasta Weydiiso

Korniinka ilmuhu waxa ay u baahantahay aqoon, shaqo iyo feejinaan badan, maadaama oo duruufaha uu yaraantiisa la noolyahay iyo deegaanka ku xeerani ay yihiin kuwa jaangoynaya qofka uu mustaqbalka noqonayo. Waalidku waa inuu maalin kasta ilmaha siiyo waqti yar oo uu la sheekeysto, isaga oo weydiinaya su’aalo la xidhiidha nolol maalmeedkiisa. Su’aalahaasi waxa ay ilmaha ku abuurayaan, kalsooni, iyo dareen …

Read More »

Sidee Loo Xalliyaa Xinfiltanka Walaalaha Iyo Loolanka Joogtada Ah ee Dhexeeya

Caruurta walaalaha ah,

Xinflitanka iyo loollanka u dhexeeya carruurta walaalaha ah oo marar badan gaadha in ay gacanta ka wada hadlaan, waa mid aan dhammaad lahayn. Mararka qaarkood waxaa dhacaysa in ay ku sigtaan in wax kastaa uu khilaaf ka dhex abuuro, waaba suurtagal haddii uu fahmayo in uu midkood isaga oo walaalkiisa kale ka ashkatoonaya odhan lahaa, “Waxa uu neefsanayaa hawada aan …

Read More »

Cilladda Ay Ilmaha Ku Dhashaan Ee Down Syndrome Iyo Daryeelka Ay U Baahan Yihiin

Cillada Down syndrome waa cillad ku dhacda jirka iyo maskaxda kana soo bilaabata khalad ku yimaada hida sidayaasha dhalashada ilmaha kahor. Caruurta qabta cillada Down syndrome waxay leeyihiin qaab ka duwan kan caruurtaa caadiga ah. Waxay leeyihiin, waji fidsan iyo qoor gaaban. Sidoo kale waxay qabaan dhinaan xaga maskaxda ah. Taasoo ay ku kala duwanyihiin caruurta qabta cillada Down syndrome. …

Read More »

Carruurta Hadalku Ka Dib Dhaco: Sababaha Keena Iyo Xalka, Qeybtii 2-Aad

caruurta hadalku ka daaho

Siyaabaha loo daweyn karo: Mar kasta oo goor hore la ogaado dhibaatada hadalka ka haysata ilmaha, waxaa fududaada daweynta, waayo in waqti hore xaaladda wax laga qabto ayaa ka fudud in goor dambe lala tacaalo. Sidaas awgeed waalidku waa in uu si dhow ula socdo xaaladda ilmihiisa. Hababka caawin kara in ilmaha laga daweeyo xaaladdan waxaa ka mid ah: 1. …

Read More »

Carruurta Hadalku Ka Dib Dhaco: Sababaha Iyo Xalka (1)

caruurta hadalku ka daaho, hadalka ilmaha,

Sida caadiga ah sannadka koowaad ayaa uu ilmuhu bilaabaa isku dayga hadalka ah ereyo iyo xarfo dhawaqoodu fududyahay, tusaale ahaan ‘Baaba’ ama ‘Maama’, iwm. Marka uu 3 jir gaadhana waxa uu bilaabaa in uu hawraar iyo ereyo macne buuxa leh yidhaahdo. Da’ kasta iyo hadalka ilmaha laga filayo: – 9 Bilood: Codad hadal u eeg, laakiin aan macno samaynayn, waxakale …

Read More »

Marka Jacaylka Hooyada Uu Noqon Karo Cudur Halis Ku Ah Mustaqbalka Ilmaha!

Isla marka uu ilmuhu dhasho waxaa bilowda xidhiidh maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysta oo u dhexeeya isaga iyo hooyadii. Waxa uu marara qaarkood gaadhaa heer ay hooyadu diido in ilmaheedu uu indhaheeda ka fogaado ama waqti yar ka maqnaado, xitaa haddii ay noqonayso saacadaha uu hurdo. Marmarka qaarkood waxaa dhacda in ilmaha ay ka hor istaagto ciyaarta iyo xarakaadka …

Read More »

Si Aad U Dhisto Maskaxda Ilmahaaga, Fuli Qodobadan!

maskaxda ilmaha,

Xilliga ugu badan ee maskaxda ilmuhu kortaa waa Afarta sano ee ugu horreeya cimrigiisa. Marka la is barbar dhigo koritaanka maskaxda ee 4 sano ee u horreeya iyo inta ay maskaxdu korto inta hadhay ee nolosha qofka waxa ay khuabrada caafimaadku caddeeyeen in Afartaa sano ay korto boqolkiiba 50, boqolkiiba 50 ka hadhayna ay korto inta hadhay ee cimriga qofka. …

Read More »