Carrab Weynaanta Akhriska: Sababaha Keena, Dhibaatada Ka Dhalan Karta Iyo Sida Loo Dhabiibo

Caqabado tiro badan ayaa uu ilmuhu la kulmaa inta uu ku dhex jiro geeddiga waxbarashada. Waxaa ka mid ah in boqolkiiba 5 illaa 10 ka mid ah carruurta adduunka ay ku dhacaan xaalado ah carrab weynaan dhinaca akhriska ah, qoraalka oo ku adkaada ama xisaabta oo ay maskaxdoodu u furmi weydo. Taas macnaheedu waa in fasal kasta oo waxbarasho laga filan karo 2 illaa 3 arday oo dhibaatadaas qaba.

SABABAHA KEENI KARA:

Waxa ay xeeldheereyaashu ogaadeen in xaaladahani ay ku badan yihiin carruurta ku dhasha muddo ka yar sidkooda dabiiciga ah, sida carruurta toddoba ku dhalayga ah.

Ilmaha oo qoyskiisa ama dadka ku xeerani aanay akhriska iyo qoraalka ku fiicnayn, ama aanu ka arag xiise gaar ah oo ay akhris/qoraalka iyo guud ahaan waxbarashada u hayaan.

Xaaladda nafsiga ah ee ilmaha ama caafimaadkiisa maskaxeed oo aan fiicnayn.

Macallinka ilmaha u bilaabay akhris/qoraalka oo aan ku tababarnayn habraaca waxbarista carruurta waxbarashada bilaabaysa.

Mararka qaarkood waxa ay ku timaaddaa sababo la xidhiidha koritaanka dareenwadayaasha ilmaha, oo mararka qaarkood isbeddellada dhacayaa ay saamayn ku yeeshaan maskaxda qaybaheeda fahamka akhriska iy oqoraalka caawiya.

CALAAMADAHA

  • Xawaaraha akhriska oo gaabis ah.
  • Ereyada uu ilmuhu akhriyayo oo uu isku dhex daadiyo.
  • Hingaada akhriska iyo qoraalka oo uu aad u qalqaldo.
  • Kala saarista ereyada isu eeg oo ku adkaata, ama uu isku qaldo marka uu akhriyayo.
  • Ilmaha oo si gaabis ah oo hubsiimo badani ka muuqato wax u akhriya ama ku dul istaaga ereyada uu akhriyayo – Sababta arrintan keenaysaana waa ilmaha oo ka cabsi qaba in uu fahmi waayo waxa uu akhriyayo.
  • Ilmaha oo mararka qaarkood cod dheer wax ku akhriya isaga oo ka baqaya in uu fahmi waayo ama codadka iyo dhaqdhaqaaqa ku xeerani ay ka qasaan fahamka.

DHIBATADA KA DHALATA CARRAB WEYNAANTA AKHRISKA / AKHRISKA OO ILMAHA KU ADKAADA:

  • In ilmuhu uu maskax ahaan awoodi kari waayo in uu nidaamiyo ama si quman u cabbiro afkaartiisa.
  • In uu xafidi kari waayo xogta uu arko.
  • In ay hoos u dhacdo dhugmadiisu, ama lagu arko waxa loo yaqaanno maahsanaanta maskaxda.
  • In uu fahmi waayo waxa uu akhriyayo isaga oo haddana afka uu akhriyayo garanaya isla markaana akhriyi kara.

DABIIBKA

  • Ilmuhu kama maarmayo in la tuso xeeldheere cilminafsiga carruurta aqoon u leh.
  • In ilmaha loo geeyo dhakhtar baadha caafimaadkiisa maskaxda gaar ahaan dareenwadayaasha.
  • In ilmaha loo geeyo dhakhtar indhaha cabbira.
  • In laga shaqeeyo xoojinta xusuusta ilmaha;
  • In la siiyo tababarro dhinaca ku dhawaaqista ereyada isku noqnoqda ama isu eeg.
  • In lagu tababaro fahamka ereyo isku qasan oo aan nidaamsanayn, ama in uu kala sooco ereyo isu eeg oo isku dhex qasan, taas oo dhisaysa soo jeedka maskaxeed ee ilmaha, dhawaqa iyo aragga ereyada.
  • In dib loogu noqdo hab qoraalka ilmaha. Lagana caawiyo wanaajinta farta iyo qaab qoraalka labadaba, kaas oo ay ka mid tahay in la hubiyo qaabka uu qalinka u qabsado iyo barashadiisa xuruufta.
  • In la kobciyo aqoonta ilmuhu u leeyahay afkiisa hooyo; ku hadalka akhriska iyo qoraalkaba.
  • In la hubiyo in macallinka ilmaha waxbarayaa uu ku tababaran yahay xeeladaha iyo aqoonta ay tahay in lagu caawiyo ilmaha xaaladdan oo kale ku jira, taas oo ay ka mid tahay in uu awood u leeyahay maskax dhiska iyo tababarka ilmaha ee dhinaca maskaxda iyo niyadda ama nafsadda oo ay ugu mudan tahay in ilmaha loo xiise geliyo akhriska iyo qoraalka.

RAJADA:

Xaaladdan ilmuhu waa uu ka bogsan karaa haddii uu gacan qabasho fiican ka helo macallinka iyo guriga labadaba. Isla markaana la siiyo caawimada uu u baahan yahay ee uu bixiyo dhakhtarka loo geeyo iyo talooyinka ku xusan qoraalkan

TALO WAALIDKA KU SOCOTA:

Waxaa muhiim ah in waalidku uu si hoose ula socdo wabarashada ilmihiisa si uu goor hore u ogaado haddiiba ay dhacdo in dhibaatadani ay ilmihiisa haysato. Taasi waxa ay fududaynaysaa in xal la raadiyo inta aanay xaaladdani saamayn ku yeelan waxbarashadia ilmaha, oo ay ka mid tahay in uu waxbarashada naco.

Waxa kale oo muhiim ah in waalidku aanu ilmaha ku canaanan xaaladdan, waayo ma’aha mid ku imanaysa sababta ilmaha balse waa mid ka baxsan awooddiisa.

Le Fegaro – Pascale Senko

-Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *