Ahmiyadda Ay Leedahay In Aroorta Hore Hurdada Laga Tooso

aroorta hore, subaxda hore, hurdada

Dhaqannada kala duwan ee dunidu, waxa ay isku waafaqsanyihiin, in aroor hore toosku uu ka mid yahay tiirarka muhiimka u ah guusha.

Dad kala duwan oo guulo ka gaadhay himilooyinkooda nolosha, ayaa iyaguna isku waafaqay in afarta aroornimo oo la tooso subaxdii ay ka mid tahay sababaha muhiimka ah ee guusha ay gaadheen.

Xeeldheeraha Maraykanka ah ee Steve Burns, maqaal uu ku qoray shabakadda New Trader U waxa uu ku qodobbeeyey faa’idooyinka ay leedahay goor hore toosku, iyo sida ugu habboon ee uu qofku isu bari karo in uu 4 aroornimo tooso.

Haddaba, faa’idooyinka aroor hore tooska waxaa ka mid ah:

Waxsoosaarka shaqo ee qofka oo kordha, dardar iyo firfircooni dheeraad ah oo uu shaqada u yeesho, waqti dheeraad ah oo uu u helo dhammaystirka hawlaha u yaalla. Caafimaadka nafsiga ah oo fiicnaada, iyo hal-abuurka iyo curinta maskaxeed ee qofka oo kordha.

TALO:

Ku dadaal in aad toosto salaadda subax, kaddibna aanad dib u seexan. Habeenkii goor hore seexo. Hurdada duhurka kaddib waxa ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo aad u tiro badan, ku dadaal in aad seexato inta u dhexeysa 45 daqiiqo illaa ugu badnaan 2 saacadood.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *