Daryeelka Carruurta

Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan

Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah. Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga …

Read More »

Da’da Aabuhu Saamayn Ayaa Ay Ku Leedahay Caafimaadka Ilmaha Uu Dhalayo?

Cilmibaadhiso caafimaad oo ay samaysay xarunta caafmaadka ee jaamacadda Standford ayaa muujiyey in ragga da’doodu weyntahay ay khatar ugu jiraan in ay dhalaan ubad caafimaadkoodu aanu buuxin. Waxaa hore loo aaminsanaa in caafimaadka ilmuhu uu si weyn ugu tiirsan yahay caafimaadka hooyada, laakiin cilmibaadhistan cusubi waxa ay caddaysay in caafimaadka labada waalidba uu saamayn ku leeyahay caafimaadka ilmaha ay dhalayaan. …

Read More »

Qaladaad Sun Ka Dhigi Kara Dawada Ilmahaaga Aad Caafimaad Ahaan U Siineyso

daawada caruurta

Caadi ahaan dawadu waa saaxiibka koowaad ee ruux kasta oo buka ama qof uu jecel yahay ka bukaa kula dadaalo in uu caafimaad ka raadiyo, laakiin in badan oo innaga mid ah ayaa aan dhaadsanayn in ay jiraan khaladaad marka ay dhacayaan qofka falaya iyo dadka ku xeeran oo xitaa mararka qaarkood dhakhtarku ku jiraa aanay sharaysan oo dhaca marka …

Read More »

Ahmiyadda Cunnada Isku Dheellitiran Ay U Leedahay Caruurta

nafaqo, caruurta

Ma ogtahay in carruurtu ay baahan yihiin nafaqo la mid ah tan dadka waa wayn ay u baahan yihiin? Carruurtu kama maarmi karaan in ay helaan cunno caafimaad leh oo isku dheellitiran si ay si wanaagsan ugu koraan uguna kobcaan. Nafaqo darrada waxa ay caruurtu ka qaadi karaan miisaan yari xaad dhaaf ah. Cunista Cunno isku dheellitiran waxaa laga helaa …

Read More »

Goormee Caruurta Laga Jari Karaa Qanjaha Ama Qumanka?

qumanka caruurta

Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay da’doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna ama caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu. Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka …

Read More »

Astaamaha Jooniska Ka Dhasha Caanaha Naaska Hooyada & Daaweyntiisa

jooniska, caanaha naaska, caruurta,

Joonis ama maqaarka iyo indhaha oo huruud u ekaada waa xaalad ku badan ilmaha yar yar ee dhashay ee naaska nuugaya. Dhab ahaantii, ilaa 60 boqolkiiba dhalaanka yar yar  ayuu ku dhacaa jooniskaan dhalashadooda maalmo yar un kadib. Xaaladan waxay dhici kartaa marka ilmaha dhiigooda uu ku jiro xaddi ama tiro badan oo ah dheecaanka loo yaqaan bilirubin. Dheecaanka bilirubin waa shay …

Read More »

Ahmiyada Nafaqada Caruurta Iyo Cunnooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Nafaqeeyo

nafaqada caruurta, cuntooyinka caruurta

Caruurtu waxay u baahan yihiin nafaqo lamid ah mida dadka waawayn ay helaan. Qof walba wuxuu u baahan yahay nafaqo si jirkiisu uu u joogteeyo caafimaad qabka. Balse caruurtu waxay dadka waawayn kaga duwanyihiin jirkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah, sababtoo ah jirkooda wuxuu sameynayaa koritaan joogto ah. Ilmaha aan helin nafaqo kufilan waxaa ku dhici kara xanuuno …

Read More »

Cuntooyinka U Fiican Korniinka Caruurta Ee Caawiya Inay Dheeraadaan

Ma’ Ogtahay in nidaamka nafaqo ee qofku helayaa sida uu miisaanka xidhiidh ula leeyahay, si la mid ahna uu joogga qofka ugu leeyahay?! Jacaylka aadamuhu u qabo dhererku waa arrin laga siman yahay rag iyo dumarba. Waxa aana cilmi ahaan la og yahay in hidde-sidayaashu ay masuul ka yihiin jaangooyada joogga qofka, laakiin iyada oo ay taasi jirto, haddana lama …

Read More »

Cilladda Ay Ilmaha Ku Dhashaan Ee Down Syndrome Iyo Daryeelka Ay U Baahan Yihiin

Cillada Down syndrome waa cillad ku dhacda jirka iyo maskaxda kana soo bilaabata khalad ku yimaada hida sidayaasha dhalashada ilmaha kahor. Caruurta qabta cillada Down syndrome waxay leeyihiin qaab ka duwan kan caruurtaa caadiga ah. Waxay leeyihiin, waji fidsan iyo qoor gaaban. Sidoo kale waxay qabaan dhinaan xaga maskaxda ah. Taasoo ay ku kala duwanyihiin caruurta qabta cillada Down syndrome. …

Read More »

Carruurta Hadalku Ka Dib Dhaco: Sababaha Keena Iyo Xalka, Qeybtii 2-Aad

caruurta hadalku ka daaho

Siyaabaha loo daweyn karo: Mar kasta oo goor hore la ogaado dhibaatada hadalka ka haysata ilmaha, waxaa fududaada daweynta, waayo in waqti hore xaaladda wax laga qabto ayaa ka fudud in goor dambe lala tacaalo. Sidaas awgeed waalidku waa in uu si dhow ula socdo xaaladda ilmihiisa. Hababka caawin kara in ilmaha laga daweeyo xaaladdan waxaa ka mid ah: 1. …

Read More »

Carruurta Hadalku Ka Dib Dhaco: Sababaha Iyo Xalka (1)

caruurta hadalku ka daaho, hadalka ilmaha,

Sida caadiga ah sannadka koowaad ayaa uu ilmuhu bilaabaa isku dayga hadalka ah ereyo iyo xarfo dhawaqoodu fududyahay, tusaale ahaan ‘Baaba’ ama ‘Maama’, iwm. Marka uu 3 jir gaadhana waxa uu bilaabaa in uu hawraar iyo ereyo macne buuxa leh yidhaahdo. Da’ kasta iyo hadalka ilmaha laga filayo: – 9 Bilood: Codad hadal u eeg, laakiin aan macno samaynayn, waxakale …

Read More »

Cuntooyin Khatar Ku Ah Caafimaadka Caruurta Oo Ay Tahay Inaan La Siinin

caafimaadka caruurta,

Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu faafiyey Shabakadda ‘Bright Side’ ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa shaaca ka qaadday in jiraan cuntooyin badan oo aynu si joogto ah u isticmaalno, innaga oo u aragna in ay wax ka tarayso caafimaadka, laakiin aan ka warqabin in ay jiraan daraasado cilmiya oo muujinaya in ay khatar ku yihiin caafimaadka caruurta yaryar. Waxaa ka …

Read More »

Cilladda Cunugga Madaxiisa La Ruxay (Shaken Baby Syndrome)

Cilladda cunugga madaxiisa la ruxay oo caafimaad ahaan loo yaqaano “Shaken Baby Syndrome” waa cillad halis ah oo dhaawac u gaysata maskaxda dhalaanka yar yar. Waxay cilladani dhacdaa marka waalidka ilmaha dhalay ama qof kale oo wayn uu si xoog ah u ruxo madaxa ilmaha yar, taasoo sabbabaysa in dhaawac halisah uu soo gaaro unugyada maskaxda, dhaawaca maskaxda ilmaha soo …

Read More »

5 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Ilmahaaga U Diidin Iyo Sababta

Culimada cilminafsigu waxa ay sheegaan in marka aad ilmahaaga u samayso xuduud aanu ka gudbin karin, in ay ku beeranto shucuur xasilooni iyo ammaan ah oo uu si aan warwar lahayn hawlihiisa u guto, laakiin cilmibaadhiso cusub ayaa sheegaya natiijo taas ka duwan oo ah xakamaynta badani ay ilmaha ku keento xasilooni la’aan hoosna u dhigto heerka xirfadda ilmaha looga …

Read More »