Astaamaha Jooniska Ka Dhasha Caanaha Naaska Hooyada & Daaweyntiisa

Joonis ama maqaarka iyo indhaha oo huruud u ekaada waa xaalad ku badan ilmaha yar yar ee dhashay ee naaska nuugaya. Dhab ahaantii, ilaa 60 boqolkiiba dhalaanka yar yar  ayuu ku dhacaa jooniskaan dhalashadooda maalmo yar un kadib. Xaaladan waxay dhici kartaa marka ilmaha dhiigooda uu ku jiro xaddi ama tiro badan oo ah dheecaanka loo yaqaan bilirubin. Dheecaanka bilirubin waa shay midabkiisu huruudi ama jaale yahay kaasoo la soo saaro marka la burburinayo unugyada dhiiga cas si loogu badalo unugyo cusub.

Caadi ahaan, dheecaanka bilirubin wuxuu soo dhex maraa beerka, kadibna beerku wuxuu kusii shubaa xiidmaha si uu uga qayb qaato dheefshiidka cuntada. Balse, Ilmaha yar yar ee dhawaan dhaladka ah beerkoodu badanaa maahan mid samayskiisu u dhameystiran yahay waxaana dhici karta inuusan awood u yeelan beerku inuu dheecaanka bilirubin ka saaro dhiiga. Hadaba hadii dheecaanka bilirubin uu ku bato dhiiga, wuxuu fariisan karaa maqaarka. Taas ayaana sababaysa in maqaarka iyo indhaha qofka qaba cagaarshowgu ay ugu ekaadaan huruud ama jaale.

Jooniska naas nuuga ama jooniska ilmaha dhashay ku dhacaa waa nooc joonis ah oo la xiriira naas nuujinta. Wuxuu badanaa dhacaa hal isbuuc kadib dhalashada ilmaha. Xaaladan waxay badanaa ilmaha sii hayn kartaa ilaa iyo 12 isbuuc, balse nasiib wanaag malahan dhibaatooyin danbe oo caafimaad, mar hadii ilmuhu ka buskoodana khatar kale oo caafimaad malahan.

Maxaa sababa jooniska caanaha naaska?

Dhakhaatiirtu ma garan wali waxa sababa jooniska caanaha naaska. Balse, waxaa lala xidhiidhin karaa in uu jiro shay kujira caanaha naaska kaas oo diidaya in borotiinada qaarkood ee kujira beerka dhalaanku ay burburiyaan dheecaanka bilirubin. Waxaa kaloo lala xidhiidhin karaa xaaladan arimaha qoyska oo ay macquul noqon karto in ay dhaxal tahay.

Saan horay ugu soo sheegnayba jooniska caanaha naaska waa xaalad dhif ah in ay dhacdo, xataa hadii ay dhacdo maahan khatar caafimaad waana wax badanaa iskood iskaga taga. Waa caadi in hooyadu ay naaska sii nuujiso ilmaheeda xataa hadii ay ku aragtay joonis.

Waa maxay astaamaha lagu garto?

Calaamadaha lagu garto jooniska caanaha naaska waxay badanaa ilmaha kasoo muuqdaan markay isbuuc dhalan yihiin. Waxaa kamid ah calamaadahaas;

  • Maqaarka iyo indhaha intooda cad oo huruud ama jaale u ekaada
  • Daal
  • Miisaan yari
  • Oohin aad u qaylo dheer

Sidee loo daweyn karaa jooniska caanaha naaska? 

Wax halis ah kuma jirto in ilmaha la siiyo naaska haduu xataa qabo jooniska. Xaaladaan waa mid  kumeel gaar ah taasoo aan saamayn ku lahayn naas nuujinta. Jooniska dhex dhexaadka ah ama kan khafiifka ah waxaa lagula tacaali karaa guriga. Dhakhtarkaagu wuxuu kuu sheegi karaa inaad ilmaha nuujisid waqti kabadan intii hore. Taasoo ilmahaaga ka caawin karta in jirkiisu iska saaro dheecaanka bilirubin kuna daraan saxarada ama kaadida.

Hadii nooca jooniska haleelay ilmahaaga uu yahay mid khatar ah waxaa badanaa lagu daweeyaa wax loo yaqaan “Phototherapy”, ilmaha waxaa lagu shidayaa iftiin khaas ah oo ka duwan kuwa caadiyan aan guryaha u isticmaalno ugu yaraan 2 bari. Layrkaas wuxuu badalayaa qaabka uu u samaysan yahay dheecaanka bilirubin taasoo u ogolaanaysa jirka ilmuhu inuu iska saaro dheecaankaas.ilmaha waa in loo xidhaa muraayado ama ookiyaale ka difaaca layrka badan ee indhaha kaga dhacaya si looga hortago dhaawac indhaha kasoo gaara dhalaanka.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *