Goormee Caruurta Laga Jari Karaa Qanjaha Ama Qumanka?

Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay da’doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna ama caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu.

Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka dhakhaatiirka Sanka, Dhegaha iyo Dhuunta (ENT) ee dalka Jarmalka.

Dhinaca kalana waxa ay sheegeen in qanja xanuunka soo noqnoqdaa uu abuuro xaalad u nuglaanshiyo bakteeriyada iyo jeermiga ah, taasina ay keeni karto in xanuunku u gudbo xubnaha kale ee jidhka. Waxa aanay sababi kartaa kelyo xanuun iyo caabuq ku dhaca Haniyeyaasha Wadnaha (Halbawlayaasha dhiigga ku haba Wadnaha).

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen, ilmaha laga jaro qanjaha in muddo 14 maalmood ah laga ilaaliyo cuntooyinka iyo cabbitaannada sababi kara dhiig baxa, sida shaglaydhka (Jokolayt), roodhida ama khubuska adag, iyo sharaabbada soodhaha leh.

Turj: Kamaal Marjaan

Aljazeera

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *