Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. Si kastaba ha ahaatee in cunno adag ku bilaabo waa muhiim marka uu dhaafo 6 bilood jir.

Marka ilmaha uu dhaafo 6 bilood, baahidiisa nafaqo waa ay siyaadaa, caanaha naaskuna ma dabooli karaan nafaqada uu baahan yahay. Haddii aan la siinin cunno adag oo caafimaad leh, waa ku dhacaya xadiid yari taas oo keenaysa dhiig yari.

Haku bedelin cunnada caanaha naaska, waa in labadaba la isku siiyaa.

Sidee ku ogaan karaa in ilmahaygu diyaar u yahay qaadadashada cunto adag?

waxaa jira calaamado ku tusinaya in ilmahaagu diyaar u yahay cunto ku bilaabista, waxaana ka mid ah:

  • Maamulista madaxa: Waa in ilmuhu awoodo inuu si toos ah u maamulo madaxiisa oo uu toosin karo sidoo kalana isku dheelitiri karo
  • Carrabka: waa in ilmuhu  uu tufi karo cuntada isagoo adeegsanaya carrabka.
  • Fadhiga: Waa in ilmuhu fariisan karo marka la caawinayo si ay u fududaato wax liqistu.
  • Calalinta: si loogu bilaabo cunto adag waa in ilmuhu awood u leeyahay dhaqdhaqaaqa calalinta oo ay wada shaqeeyaan afka iyo carrabka iyo nidaamka dheefshiid oo uu cuntada u riixi karo hunguriga. ilmaha si fiican u bartay wax liqista waxaa lagu gartaa waxaa yaraada dhareerka ama cayga afka.
  • Miisaanka oo kordha: Cunugga diyaarka u ah cuntada adag waxaa lagu gartaa inuu miisaankiisa labajibaarmo ugu yaraanna waa inuu jiraa 4 ilaa 6 bilood.
  • Amateetkiisa oo kordha: Wuxuu u muuqdaa inuu gaajeysan yahay xitaa hadii 10 mar la nuujiyo naaska maalintii.
  • La raamsiga waxa aad u cunayso: hadii ilmahaagu uu isha la raaco waxaad cunayso waxay muujinaysaa inuu diyaar yahay cunto cunista. Waxaa dhici karta inuu mararka qaarkood kugu qabsado qaadada iyo baaquliga aad wax ku cunayso.

Sidee cunuggayga ugu bilaabaa cuntada adag?

Waxaad ku bilaabi kartaa cunooyinka adag oo shiidan sida caadada ah waxaa lagu bilaabaa mushaali ama shurbad. Sidoo kale waxaa la siin karaa baradhada macaan, mooska iyo bocorka.

Marka ugu horreysa nuuji cunagga. Kadibna sii 2 qaado oo cunto adag oo shiidan ah, hadii aad go’aansato inaad ku bilowdo mushaalida ku qas biyo qandac ah. Sii adigoo isticmaalaya qaado/malqacad jilicsan oo caag ah si aad uga foogaato in dhaawac uu gaaro cirridkiisa.

Marka hore ku bilow inaad cunto siiso hal mar maalintii. Caruurta qaar waxay u baahan yihiin waqti dheer si ay ula qabsadaan calalinta iyo liqista cuntada.

Sii nafaqo isku dheelitiran sida siiriyaalka, barootiinta, furuutka iyo khudrada.

Todabaad kasta cunno cusub bar.

Sidee ku ogaan karaa in ilmahaygu uu dhargay?

Waxaad ku garan kartaa calaamadahaan soo socda:

  • In ilmuhu isku liiciyo kursiga.
  • Inuu cuntada ka jeesto.
  • Hadii uu bilaabo inuu qaadada ku ciyaaro macnaheedu waxaa weeye waa dhargay.
  • Hadii uu diido inuu afka kala qaado.

Ma u baahanahay inaan cunugga u wado naaska ama masaasada?

Haa, ilmuhu wuu u baahan yahay caanaha naaska ilaa uu ka gaarayo ugu yaraan hal sano. Wuxuu ka helayaa fiitamiinno, birta iyo borotiin u sahlan dheefshiidka.

Meeqa jeer ayaan cunuggayga maalintii siin karaa cunto adag?

Marka ugu horreysa hal mar maalintii. marka uu gaaro 6 ilaa 7 bilood wuxuu u baahan yahay 2 cunto maalintii. 8 bilood marka uu gaaro waa inuu awoodi karo inuu cuno 3 cunto oo adag maalintii. 8 bilood jirka cuntada u cuno maalinta caadiga ah waxay noqon kartaa isku dar ka kooban:

  • Caanaha naaska
  • khudaarta cagaaran
  • furuutka
  • Xoogaa borotiin ah

Waxaa jira cuntooyin aan ku  haboonayn in la siiyo ilmaha 1 sano ka yar, tusaale ahaan malabka waxaa ku jirta nooc bakteeriyada ka mid ah  oo khatar ku ah caruurta yaryar.

Akhriso: Cuntooyin Khatar Ku Ah Caafimaadka Caruurta Oo Ay Tahay Inaan La Siinin

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *