Cuntada Oo Lagu Sumoobo, ASTAAMAHA IYO DADKA U NUGUL!

Cuntada aan cunno markay ay lee dahay wasakh ka timid ilma qabatada sida bakteeriyada, fayruska iyo dulinka waxay keentaa cunto ku sumoowga taas oo sii kororta marka ay sii badato tirida ilma qabatada.

Astaamaha cuntada oo lagu sumoobo.

Cunto ku sumowga waxa la xariira astaamo iyo calaamado badan kuwaas oo lamid noqon kara sida calaamadaha cuduro kale iyo xaalado kale oo jirka intiisa kale kajira. Cunto ku sumowga astaamahiisa waxa ay ku xiran yihiin nooca ilma qabatada. Astaamaha qaar waxaa ka mid ah

  • Shuban
  • Tabar dari
  • Madax xanuun
  • Calool xanuun
  • Matag
  • Qandho yar
  • Lalabo

Yaa halis ugu jira cunto ku sumowga?

Qof kasta noloshiisa waxuu cunnada ku sumoobaa ugu yaraa hal mar.
Waxaa halis ugu jira iney cunnada ku sumoobaan

  • Dumarka xiliga ay uurka lee yihiin
  • Caruurta
  • Dadka Da’da ah
  • Dadka uu difaaca jirkooda uu daciifka yahay

Maxaa sababa cunto ku sumowga?

Sababta ugu weyn waa wasakh la socota cunnada ama cabitaanada oo aan si fiican loo diyaarin inta aan lacabin ka hor, sidoo kale waxaa sababi kara in lagu sumoobo cunnada hadii aan cunnada sida hilibka iyo qudaarta aa si fiican loo dhaqin inta aan la kar karin ka hor waxaa cunnada soo raaci kara wasakh ay la socoto ilma qabato.

Sidee looga hortagi karaa in cunnada lagu sumoobo?

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in lagu sumoobo cunnada ayaa ah in laga ilaaliyo cunada wasakhda, cunoooyinka qaar sida loo diyaariyo ayaa adkeyn karta in laga ilaaliyo wasakhda. Cunto ku sumowga waxaa lagu yareyn karaa::-

  • In laaga taxadaro habka iyo qaabka loo diyaarinaayo cunnada
  • In si buuxda loo dhaqo khudaarta iyo ansalaatada
  • In la hubiyo in cunnooyinka dhan ay wada daboolan yahiin
  • In si fiican loo kar kariyo hilibka inta aan la gurin ka hor ama lacunin.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *