Xanuunka Loo Yaqaanno Burunkiito, Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa

Burunkiito waa caabuq ku dhaca labada dhuumood ee u dhexeeya hunguri cadaha iyo sambabada, kaas oo hawada gaarsiiya labada sambab. Waxaana loo qaybiyaa laba qeybood oo kala ah, midka koowaad oo ah midaan waqti badan aan qaadan (acute bronchitis) iyo kan labaad oo ah mid raaga muddo badan (chronic bronchitis).

Dadka qaba xanuunkaan waxay caan ku yihiin qufac iyo xaako adag taas oo noqon karta mid bilaa midab ah.

Midka koowaad waxaa inta badan la arkaa marka qofku uu ku dhacohargab, kaasoo soo noqnoqda lana darsa qufac joogta ah in mudo. Waa mid qarsooma ama aragtidiisa iyo dareenkiisaba la waayaa markii bukaanku daawo qaato. Balse midka labaad waxuu raagaa in mudo dheer taasoo keenta in lagula tacaalo daaweeyn waqtiyaysan. waana mid kamid ah labada nooc ee xanuunada la isku dhaho Chroni Obstructive Pulmonary Disease.

Waa maxay astaamaha lagu garto burunkiitada?

kuu doonaba ha ahaadee calaamadaha burunkiito waxaa kamid ah:

  • Qufac
  • Xaako midab la’aan, cagaaran ama jaalle
  • Mararka qaar waxaa laga yaaba in lagu arko dhiig badan
  • Xuurto
  • Daal
  • Qaadashada hawada oo yaraata
  • Qandho, iyo culays laga dareemo xabadka.

Qaybta labaad (chronic) waxaa lagu gartaa markii qofku qufacayo mudo kusiman ilaa sadix bilood.

Maxaa sababa burunkiito?

qaybta koowaad waxaa sababa feyruska keena hargabka ee loo yaqaano influenza, mana lagu daweyn karo daawooyinka loo yaqaano qalajiyaasha. Qaybta labaad waxaa sababa inta badan:

Waxaa kaloo la ogaaday in laab jeexu uu saamayn ku lee yahay bilowga caabuqaan, sidoo kale difaaca jirka oo hooseeya waxay keenaysaa in uu qofku iska difaaci karin hargab taasoo sababta in uu yimaado caabuqaan ugu danbayn.

Dhibaatooyinka uu caabuqaan keeni karo waxaa kamid ah xanuunka loo yaqaano oofwareen kaasoo noqon kara halis caafimaad oo hor leh, waxaana muhiim ah in la daweeyo intuusan keenin dhibaato caafimaad oo cusub.

Akhriso: Astaamaha Oof Wareenka (Pneumonia) Iyo Sababaha Keena

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *