Sababaha Keena Cudurka Laleemada, Astaamihiisa Iyo Sida Looga Hortagi Karo

Cudurkaan waa cudur Ku dhaca maskaxda kaasoo wax yeeleeyo dhaq dhaqaaq iyo socodka qof. waa cudur si tartiib tartiib ah ku bilowda, taasoo mar marka qaarkood aad arki kartid qofka oo gacmihiisa mid kamid ahi ay ruxmayso ama lalleemoonayso. Cudurkaan lalleemo kaliya makeeno balse laleemada waa waxa koowaad ee lagu garan karo.

Sanadaha ugu horeeya ee cudurkaan qofka bilowga ku yahay waxaa laga yaabaa inaan qofka wax calaamad ah laga dareemin, wax laleemo ah inaadan isku arag waa macquul, lakin waxaa kaloo dhici karta in codka qofku yara naaquso.

Cudurkaan wax dawa ah oo lagu cirib tiri karo ilaa hada lama hayo balse waxaa jira dawooyin yarayn kara calaamadihiisa.

Astaamaha cudurka Laleemada

Dadka qaba cudurkaan wayku kala duwanyihiin calamaadihiisa. Calamaadaha cudurkaan waxay badanaa ku bilowdaan hal dhinac, dhinacaas ayayna si xoog ah ugu aafaan.

Astaamahiisa waxaa kamid ah;

  • Laleemo ka bilaabata gacmaha ama faraha, waa gariir tartiib tartiib ku bilowda. Waxaa kaloo badanaa uu qofka qaba cudurkaan uu caan ku yahay in gariirkaas dhaco marka qofku nasanayo.
  • Socodka oo gaabis noqda, waxaa yaraanaya awoodii aad socodka ku kordhin lahayd, orodka, talaabada dheer  iyo socodka xawliga ahaaba waa kaa dhamaanayaan hadaad dhibane u noqoto cudurkaan.
  • Murqaha oo soo kaga, taasoo adayg ka dhigaysa socodka iyo dabacsanaanta xubnaha jirka, waxayna taasi qofka ka dhigaysa mid jujuuban sidoo kale xanuun ayay u keenaysa murqaha.
  • Qofka oo soo gota iyo isku dheeli tirnaanta jirka oo dhunta
  • Qofka cudurkaan qaba waxaa ka dhuma awoodii uuku samayn jiray dhaq dhaqaaqyada aan cidna xukumin ee dabiiciga ah sida, il-biligsiga, dhoola cadaynta, ama laalalinta gacmaha xiliga socodka.
  • Hadalka oo isbadala ayaa ah calaamad kale oo lagu garto cudurkaan, waxaa dhici karta in qofku si jilicsan u hadlo, ama si xawli ah, ama in qofku shig shigo hadalka.
  • Qoraalka oo dhib ku noqda bukaanka maadaama aysan laleemada gacmihiisa iyo farahiisu u ogolaanayn.

Sababaha cudurka Laleemada:

Cudurkaan waxaa sababa dhaawac ama burbur soo gaara unugyada dareemayaasha maskaxda.

Dhamaan calaamadaha lagu arko dadka qaba cudurkaan waxaa keena maqnaanshaha unugyada maskaxda ay ka maqanyihiin booskooda. Unugyada dareemayaasha ee maskaxda aadanuhu waxay qabtaan shaqooyin muhiim u ah jirka. Sidaa daraadeed hadii qaar kamid ah dhintaan ama la waayo waxaa meesha ka baxaysa shaqadii ay jirka u hayeen. Dhamaan calaamadaha lalleemada waxaa sababay inay soo baxaan waa maqnaanshaha unugyada dareemayaasha maskaxda ee soo dayn jiray fariin sidayaal la yiraahdo dopamine. Hadaba marka cadadka dopamine-tu hoos u dhaco waxay sababysaa in shaqada maskaxdu hoos u dhacdo, kadibna calaamadaha lalleemada ayaa soo baxaya.

Ilaa hada si toosa looma garanayo waxyaalaha dhabta ah ee sababa cudurkaan lalleemada, balse waxaa jira qodobo dhawr ah oo loo aaneeyo inay keenaan cudurkaan. Sida;

  • Inay tahay dhaxal oo qoyskiina ay qabi jireen kadibna uu dhaxal ahaan kuugu soo gudbay, balse qodobkaan dadkoo dhan ma saaameeyo.
  • Deegaanka ayaa asna laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho cudurkaan.

Yaa khatar ugu jiri Kara cudurkaan?

Dadka qaarkood way uga badan karaan bulshada kale marka laga hadlayo ku dhicida cudurkaan, tusaale ahaan cudurkaan wuxuu badanaa ku dhacaa dadka waayeelka ah, sidoo kale dadka waalidkood qabeen cudurkaan waa uga dhawyihiin dadka kale qaadida cudurkaan, ragu way uga badanyihiin dumarka, sidoo kale dadka ku nool meelaha suntu ku badantahay ama in badan meel sumaysan joogay khatar ayay ugu jirayn cudurkaan.

Dhibaatooyinka kale ee uu keeno cudurkaan:

  • Fikirka oo qofka dhib ku noqda, wax fikir ah ma awoodaan dhibane yaasha cudurkaan.
  • Niyad jab iyo isbadalo murogo wata sida, cabsi iyo dhiiranaan la’aan.
  • Cunto liqida oo kugu adkaata.
  • Hurdo la’aan, inuu qofku soo kaco saq dhexe, qaraw iyo riyooyin cabsi leh ayuu bukaanku la kulmi karaa xiliga hurdada.
  • Kaadida oo uusan qofku xajiin karin.
  • Calool istaag sababtoo ah dheefshiidka oo daciifa.
  • Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca marka qofku kor u istaago taasoo sababysaa in indhuhu madoobaadaan bukaanka.
  • Daal, xanuun jirka oo dhan ah iyo ka so la aan ayaa ayaguna qofka ku dhici kara.

Sidee looga hortagi karaa cudurka laleemada?

Maadaama waxa sababay cudurkaan aan si toosa loo aqoon, in laga hortagaana waxay noqotay wax ilaa iyo hada aan lagaran karin, balse waxaa jira baaritaano caafimaad oo sheegaya in walaxda la yiraahdo ”Kaafiin” Caffeine oo laga helo kafeega iyo shaaha, ay yarayso khatarta ah inuu kugu dhaco cudurkaan, sidoo kale shaaha cagaaran waa kamid waxyaalaha loo malaynayo inay yareeyaan.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *