Astaamaha La Yaabka Leh Ee Niyad Jabka

Ilowsho badan

Niyad jabka waxaa laga yaabaa inuu yahay sababta aad u dareemeysid xusuus ceeryaaman ama ilowsho badan. Daraasad ayaa sheegeysa in niyad jabka raaga ama walwalka uu kor uqaadi karo hormoonka kortisol, oo ah hormoon yareyn kara ama wiiqi kara qeybta maskaxda ee ku shaqada leh xusuusta iyo wax barashada. Nasiib wanaag hadii la daweeyo niyad jabka waxaa soo roonaanaya dhibaatooyinka xusuus ee la xiriira niyad jabka

Isticmaalka internet badan

Ma waxaad door biddaa isdhex galka bulshada ee ka dhaca internetka? Ku qasaarinta waqti badan isticmaalka internetka waxay calaamad unoqon kartaa niyad jab. Waxaa lagu gartay daraasad, in uu jiro xiriir ka dhexeeya heerka sare ee niyad jabka iyo isticmaalka badan ee internetka.

Xad dhaaf u cunidda iyo cayilka

Waxaa la ogaaday dhalin yarada ka sheegta niyad jabka iney unugul yihiin iney cayilaan, waana arin halis ku ah wadnaha, sidoo kale niyad jabka waxaa lala xiriiriyaa xad dhaaf u cunidda, daweynta niyad jabka wuxuu caawin karaa dhibaatooyinkaan

Jeeb siibid

Saddex qeybood qeyb ka mid ah jeeb siibayaasha waxaa la aamin san yahay iney qabaan niyad jab. Dadka niyad jabsan waxay dareemaan awood la’aan iyo dulaynimo. Sidaa darteed jeebsiibiddu waxay siiney saa dareen ah awood iyo muhiimad, sidoo kale waxay siin kartaa fursad ay wax ku soo gataan oo ay naftooda ku xasiliyaan

Dukaameysi

Dukaameysigaaga ma mid xad ka bax baa? Dadka niyad jabsan waxay caan ku yihiin wax iibsasho soo boodo ah. Sidoo kale waxay astaan u noqon kartaa dadka leh labo dabeecad oo kala duwan.

Dhabar xanuun

Daraasad ayaa jirta  oo tusineys in niyad jabku uu halis u yahay dhabar xanuun qeybta hoose ee raaga. Waxay tusineysaa in 42 boqolkiiba dadka qaba dhabar xanuun qeybta hoose iney horaantooda dareemeen niyad jab. Sababtoo ah niyad jabku waa mid inta badan la iska indha tiro ama aan baaritaan caafimaad lagu helin, sababtoo ah dadka lama xiriiri yaan wax xanuun ah, sidoo kale dhabar xanuunku wuxuu sababi karaa niyad jab

Shucuur laga bad badiyay

Inta badan dadka niyad jabsan lagama dareemo wax shucuur ah, mararka qaarna waxaa lagu arkaa dareen laga bad badiyay, waxay noqon karaan dad si fudud ku xanaaqa ama ku colloobi kara. Waxaa laga yaabaa iney ka bad badiyaan dareen xanaaq, awood la’aan, murugo ama cabsi. Muhimaddu waa is bedel dabeecad oo degdeg ah.

Qamaar

Dadka saa’idka u jecel qamaarka waxay inta badan la dhiban yihiin niyad jab waana sababta keentay iney isku dhaafiyaan qamaarka

Sigaar cabid

Niyad jabku wuxuu sii laba laabaa halista sigaar cabidda, sidoo kale cabidda sigaar wax ka yar 5 daqiiqo waxey calaamad u tahay niyad jab.

Daryeel la’aanta naf taada

Dayacaadda daryeelka noloshaada mid ka mid ah calaamadaha niyad jabka iyo qiimaha nafta oo yaraada, waxaa laga yaabaa dayacaada iney tahay mid yar sida, rumay la’aan, daryeel la’aanta xanuunada raaga sida wadna xanuun, sonkoroow iyo ka boodidda inaad la tasho dhaqtar.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *