Dabeecadaha La Yaabka Leh Ee Fardaha

Guud ahaanba ma yeedhaanku waxa uu leeyahay dhaqanno bulsho iyo dabeecado gaar ah oo uu kaga soocan yahay xayawaanka kale. Dabeecadahaas qaarkood waa kuwo aadamaha qudhoodu leeyahay haba ka yara duwanaadaan ee, ama waa kuwo ay tahay in aadamuhu uu wax ka barto oo uu kaga daydo wanaaggooda awgeed.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dabeecadaha Faraska:

Farduhu sida aadamaha iyo noole kalaba waxa ay leeyihiin dareen caashaq, waxa se yaab leh in labka farduhu uu jeclaado dheddig keliya, oo aanu mid labaad baahi ugu tegin xitaa haddii ay dhimato mataantiisu.

– Fardaha dheddig waxa ay jecelyihiin hooyonimada iyo in ay ubad dhalaan. Waxaana lagu tiriyaa xayawaanka sida aadka ah u koolkooliya dhashooda.

– Fardaha waxaa lagu tilmaamaa xayawaan neceb dulmiga, oo ka dhiidhiya haddii lagula kaco, sida oo kalana jecel in ay ka difaacaan cidda ay saaxiibka dhow la yihiin ama daryeelka ku qabaan oo dabcan u badan cidda dhaqaysa. Waxa taas ka sii yaab badan in farduhu ay leeyihiin dareen cadho ay u qaadaan cidda ay nacabka u arkaan, iyo in ay ka aargoostaan cidda ay awoodi karaan ee dhib ku samaysa. Farasku waxa uu xayawaannada kale qaarkood kala mid yahay in aanu abidkii illaawin qofka xumeeya, sida aanu u illaawin qofka wanaajiya ee saaxiibka ka dhigta oo aanu weligii hoojin.

– Farduhu waa xayawaan dulqaad badan oo adkaysi u leh rarka iyo in saacado iyo maalmo badan uu sida qofka. Waxa se taas ka sii yaab badan in ay iska ilaaliyaan dhibaataynta cidda fuushan, ama in ay dambaabidheeyaan marka uu qofka fuushanaa ka dhaco.

– Farduhu waxa saaxiib wacad ilaalin badan, oo aad isaga ilaaliya in ay xumeeyaan qofka hore wanaagga ugu sameeyey. Tusaale ahaan faraska sida fiican loo tababaray, haddii uu dareemo in saaxiibkii cadow ku daba jiro, waxa uu bilaabaa in aanu mar keliya orodka joojin si kasta oo u uu daalo.

– Farasku xilliga colaadaha, haddii uu dhinto qofka dhaqan jiray ee fuushanaa, waxa uu markaba si degdeg ah uga baxsadaa furinta colaaddaa, si uu maydka uga illaaliyo in cadowgu uu qabto. Waxa aanu maydkaas geeyaa gurigii iyo qoyskii uu kala yimi.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *