Isbedellada Cajiibka Ah Ee Ku Dhaca Dabeecadaha Gabadha Markay Hooyo Noqoto

Hooyonimadu waxa ay beddeshaa hab nololeedka gabadha. Tusaale ahaan hurdada, jadwal-hawleedkeeda iyo xitaa dabeecadaha iyo dhaqannada lagu yaqaanno. Waxa aanay furtaa daaqad cusub oo ay gabadhu ka dheehato adduunyada iyo faham hor leh oo ka duwan kii ay hore uga haysatay nolosha.

Maqaal ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay wargeyska Amandu ee Talyaaniga ka soo baxa ayaa qoraaga Claudia Lamy ay ku eegaysaa isbedellada yaabka leh ee gabadha ku dhaca marka ay hooyo noqoto.

1. HOOYANIMADU WAXA AY BEDDESHAA HURDADA GABADHA:

Xiisaha ay hore ugu qabtay hurdada iyo xeeldheerida hurdada ay seexan jirtayba waa ay tagaan. Waxaana ku soo kordha dareen maskaxeed oo si kasta oo ay u huruddo haddana ay la socon karto xaaladda ilmaheeda si aanay daryeelkiisa iyo ilaalintiisa uga seexan.

2. CABSI HOR LEH IYO GEESINIMO AANAY HORE U LAHAYN:

Waa laba xaaladood oo is burinaya oo labadaba ay hooyonimadu gabadha ku soo kordhiso. Waxa ay barataa macnaha runta ah ee cabsida si ay mar kasta ula socoto khatarta ku iman karta ilmaheeda. Waxa aanay si xeeldheer u sii odorosi kartaa khatar kasta oo cabsi gelinkarta ilmaha.

Haddana waxaa ku abuuranta geesinimo aanay hore u lahayn. Haddii ay hore xitaa difaaca nafteeda aanay ku dhiirran jirin, markan waxaa ku abuurma dareen ay u badheedhayso wax kasta oo khatar ah si ay ilmaheeda uga badbaadiso.

4. RAAXO NAC IYO JACAYL KA AWOOD BADAN:

Gabadhu marka ay ilmaha koowaadba dhasho waxaa ku bilowda jacayl aan xad lahayn oo ay ilmaha u qaaddo. Naf hur iyo waqigeeda oo dhan in ay siiso ilmaheeda ayaa uu jacaylkaasi baraa. Waxa ay gaadhaa heer ay qawaddo waqtiga ay la qaadato ilmaheeda oo si waqti intaas ka sii badan ay ugu hesho ay hurdada goor hore ka toosto.

4. CARRUURNIMO DAMBE:

Hooyonimadu waxa ay gabadha dib ugu celisaa noloshii carruurnimo. Waxa ay samaysaa wax kasta oo ay hore carruurnimo ugu taqaannay, markasaa si ay ilmaha u maaweeliso ay samaysaa falal iyo codad ama hadallo aan marka caadiga ah ka suurtagaleen.
Waxa ay ilmaheeda ula dhaqantaa hab qofka aan dareensanayn hooyanimada ula muuqda macno darro iyo carruurnimo.

5. WAXA AY DAWEYSAA XUSUUS XUMADA:

Hooyonimadu waxa ay xoojisaa xusuusta gabadha. Waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan isbedello dhinaca hormoonnada ah oo hooyanimada ku lammaan, kuwaas oo xoojiyo hooyonimada. Waxaa la fishaa in hooyonimadu ay xoojiso xusuusta gabadha, laguna arko in ay xitaa dib u xasuusato waxyaabo badan oo aanay hore si fudud ugu xasuusan jirin.

6. LACAG IYO ADDUUNYO JACAYL DHAMMAA:

Inkasta oo aadamuhu nolosha fiican iyo lacagta jecelyahay, dumarkana si gaar ah raggu ugu xantaan in lacagtu ay lahashadooda tahay. Waxa ay khubaradu sheegayaan gabadhu marka ay hooyo noqoto in uu hoos u dhaco xiisaha ay u qabto wax kasta oo aan ilmaheeda ahayn. Lacagta iyo adduunkaa ka mid ah wax yaabaha ilmaha koowaadba jacaylkoodu la dhinto.

Si kasta oo ay u adduun iyo lacag jeclayd ama nolol ladan ugu soo kortay, maalinta ay hooyo noqoto haddii ay ladnaantaas weydo dulqaad iyo in ay nolosheeda si caadiya u sii wadato ayaa ay diyaar u tahay, iyada oo waa keliya ee ay ku fikiraysaa yahay sidii ay u qurxin lahayd mustaqbalka ilmaheeda.

dukaamaysiga iyo wax iibsigii ay jeclayd hoos ayaa uu u dhacaa xiisahoodo, maaliyadda soo gashana in ay nafteeda wax ugu iibiso waxa ay ka doorbiddaa in ay ku iibiso waxa danta u ah ilmaheeda ama uu xiisaynayo, xitaa haddii baahida uu u qabaa ay ka yartahay baahida ay iyadu wax iibsiga u qabto.

7. XIISIHII DAMAASHAADKA IYO MUNAASABADAHA:

Haddii haween lagu ogaa xiisaha damaashaadka iyo ka qaybgalka xafladaha, waxa ay taasi la dhammaataa gaashaantinimada gabadha ama ugu yaraan inta ubadka aanay yeelan. Haddii se ay hooyo noqoto wax kasta waxaa uga horreeya in ay ilmaheeda daryeelkiisa ka agdhowaato.

8. DULQAAD:

Samir yari haddii lagu yaqaannay, ama ay diidi jirtay in laga qaso nolosheeda gaarka ah iyo la shawrista nafta. Taasi waa ay ku eegtahay hooyonimada ka hor. Buuq, rabshadda, oohinta iyo dhawaqa aan dheguhu u adkaysan Karin ee ubadkeeda ayaa ay sida muusigga u dhegeysataa iyada oo aan dareemayn dhib iyo in ay culays ku yihiin.

9. DHAMMAADKA RIYADEEDII QOFEED

Riyo kasta oo ay gabadhu leedahay iyo si kasta oo ay u jeceshay in ay gaadho himilo humaaggeedu u muuqdo, marka ay hooyo noqoto waxa ay ku qasbanaataa in ay dib ugu noqoto jidkii ay u maraysay ama u mari lahayd gaadhista himiladaas. Waxaana u soo baxa go’aan cusub oo ah in ay himiladaas raadinteeda ku sii socon karto oo keliya haddii aanay ka hor imanayn daryeelka, korinta iyo ka agdhowaanshiyaha ilmaheeda.

Diyaariy: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *