Cudurka Sonkorowga: Sababaha Keena, Dhibaatooyinkiisa Iyo Sida Looga Hortago

Cudurka sonkorowga waa cudur ku dhaca dheef shiidka, wuxuuna sababaa iney sonkorta ku jirta dhiiga ay ka badato xadki loogu talagalay, cudurka sonkorowga wuxuu qaataa xili dheer si ay calaamada hiisa usoo baxaan.

Waa maxay muhiimada sokorta ku jirta dhiiga (Glucose)?

Jirka bani aadamka waxa uu ubaahan yahay enarji si xubnaha kala duwan ee jirka ay ushaqeeyaan, unugyada jirka waxay enarji ka helaan cuntada aan cuno, marka aan cunteyno cunada waxaa lagu burburiyaa dheef shiidka, waxaa la loo badalaa enarji ay unugyada jirka ay isticmaali karaan.

Unugyada waxay shidaal ahaan u isticmaalaan maada la yiraahdo Glucose taasoo ah sonkor, marka dheef shiidku uu cuntada ubadalo Glucose, waxaa la soo raacsiiyaa dhiiga si loo geeyo unugyada jirka, hadaba si ay Glucose ugasho gudaha unug walbo waxaa loo baahan yahay in hoormon la yiraahdu Insulin inuu goob joog ku yahay dhiiga waliba asagoo ah xadi saxan.

Hormonka insulin waxaa la soo daayaa markasta oo aan wax cuno waxaana soo daaya Qanjirka loo yaqaano Ganaca (Pancreas), cudurka sonkorowga wuxuu imaanayaa marka ganacu uu san soo deyn wax insulin ah amaba uu soo daayo xadi insulin aad uyar taasoon ku filnayn jirka oo dhan, kadib Glucose wuxuu buux dhaafinayaa dhiiga sababtoo ah hormoonka insulin oo aan goob joog ahayn amaba xadigiisu ku yarhay jirka, Markaas waxaa kor ukac ku yimaada cabirka Glucose ee ku dhex wareegayo gudaha xididada dhiiga, marka ay sidaas dhacdo waxaa meshaan ka bilaawda cudurka loo yaqaano sonkorowga amaba macaanka.

Imisa ayuu ukala baxaa cudurka sokorowga?

Wuxuu ukala baxaa saddex qeybood oo waa weyn

  1. Sokoroowga nooca 1 aad (Type 1 diabetes)
  2. Sokoroowga nooca 2aad (Type 2 diabetes)
  3. Sokoroowga uu sababo Uurka (Gestational diabetes)

Maxaa sababa noocyada kala duwan sonkoroowga

Sokoroowga nooca 1 aad waa hiddo oo waxaa laga dhaxlaa waalidka.
waxaa sababa unugyada khaaska ah ee ganaca ee soo saara hoormoonka insulin oo aan soo saarin wax insulin ah, sababtoo ah difaaca jirka ayaa si qaladan u burburiya unugyada khaaska ah ee ganaca kuwaasoo shaqadoodu tahay soo saarida hormoonka insulin, Sokorow nooca 1 aad wuxuu inta badan ku dhacaa dadka yar oo aan da’dooda gaarin 25 sano, wuxuuna saameeyaa 10% marka loo fiiriyo guud ahaan cudurka sokoroowga.

Sokoroowga nooca 2aad wuu ka duwan yahay nooca 1 aad sababtoo ah ganaca wali waxa uu awood uleeyahay inuu soo daayo hormoon insulin, laakin xadka hoormon ka ayaa aad uga yar xadka sax da ah kumana filna hormoonka jirka oo idil ama unugyada ayaa ka caaga iney jawaab celin ku sameeyaan insulinta lasoo daayay.

Sokoroow nooca 2aad ayaa ah kan ugu badan ee dadka ku dhaca wuxuuna saameyaa 90% dadka uu ku dhaco cudurka sonkoroowga, inta badan wuxuu kudhacaa dadka da’doodu ka weyn tahay 45 sano, Sonkoroow nooca 2aad ayaa ah kan ay inta badan bukaankada sonkoroowga ay qabaan
Waxaa kaloo jira Sokoroow ku dhaco dumarka marka ay lee yihiin uurka, waxaana sabab hormoonada jirka oo is bedel balaaran ku yimaado xiliga uurka, laakin waa ay ka bogsoodaan cudurka kadib marka ay dhalaan.

Waa maxay astaamaha cudurka sonkorowga

  • Kaadi siyaada ah (polyuria)
  • Harraad badan (polydipsia)
  • Gaajo badan (polyphagia)
  • Aragga oo tashwiish gala
  • Madax xanuun joogta ah
  • Daal badan
  • Boogta oo aan dhaqsan bogsan

Calaamadaha sonkoroowga mararka qaar waxay qaatan waqti badan si lagu ogaado.

Sidee looga hortagi karaan?

Ilaa iyo hada majirto wadooyin looga hortagi karo nooca 1aad, Laakin waxaa jira qaabab looga hortagi karo sonkoroowga nooca 2aad, waxaana ka mid ah qaababka looga hortagi karo.

  • Culeyska jirka oo aad looga taxadaro
  • Jimicsi joogta ah (ugu yaraan 30 daqiiqo inaad socotid maalin kasta)
  • Cunidda cunno isku dheeli tiran
  • Cunidda hilibka oo la iska yareeyo
  • Joojinta balwadda sigaarka.
  • Yareynta cunidda macmacaanka
  • Yarenta cunidda cunooyinka dufinta badan

Dhibaatooyinka uu sababi karo cudurka sonkorowga:

Cudurka sokoroowga wuxuu horseedaa cudurro badan oo khatar ah waxaana ka mid ah:

  • Cudurada wadnaha (dhiig karka, wadnaha oo istaaga)
  • Maskaxda oo dhiig ku furma (Stroke)
  • Arag beelka sokorowga (Diabetic retinopathy)
  • Neerfaha oo cudur ku dhaco (Diabetic neuropathy)
  • Murqaha oo daciifo
  • Kilyaha oo fashilma (Diabetic nephropathy)

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *