Sababahaan Awgood Jooji Sigaar Cabida

sigaar cabida, sigaarka

Ka guuleysiga qabatinka maadada nicotine

Daraasad ayaa tilmaameysa in 70 boqolkiiga dadka sigaarka caba ay jeclaan lahaayeen iney iska gooyaan cabidda sigaarka. Hasa yeeshee dadka inta badan isku daya iney iska jaraan kuma guuleystaan isku daygooda ugu horeeya. Sababtuna waxay tahay qofka ayaa jir ahaan iyo dareen ahaanba ugu tiirsan maadada nicotine ee ku jirta sigaarka.

Dadka inta badan isku daya iney iska jaraan sigaar cabida waxey dareemaan saameynta uu ku lahaa nicotine, waana mid isbedel ku keeni karta noloshood. Marka ugu horeeya ee la joojiyo sigaar cabida waxaa la dareemaa niyad jab, walwal, xanaaq, hurdo la’aan, madax xanuun, daal iyo rabitaanka cunnada oo siyaada. Hadii aad rabtid inaad iska joojisid cabidda sigaarka waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa saameynta joojinta sigaarka oo aadna si fiican u qorsheysataa si ay kugu fududaato iska joojinta sigaarka.

Waa maxay faa’idada ku jirta in la joojiyo sigaar cabida?

Dadka inta badan ku guuleysta iney joojiyaan sigaarka, waa dad ay si dhab ah uga go’an tahay. Inaad meel ku qortid faa’idooyinka dhow iyo kuwa fog ee ku jira joojinta sigaarka waxey kaa caawin kartaa inaad u heysid niyad wanaagsan sidi aad ku joojin lahayd. Sidoo kale waa muhiim inaad xusuusatid sababta dhabta ah ee aad u rabtid inaad isaga jarto cabidda sigaarka.

Faaidooyinka in la joojiyo sigaar cabida waxaa ka mid ah:

  • Halista in kansar uu kugu dhaco oo hoos u dhacda, xanuunada sambabaha, wadna qabad, faalug iyo dhibaatooyinka aragga
  • Fursadaha dhiciseynta oo yaraada iyo in ilmaha ay ku dhashaan misaan yar
  • Neef aan shiireyn iyo ilko cadcad
  • Lacag kuu badbaada
  • Midabka faraha iyo cidiyaha oo wanaagsanaada
  • Jirka oo ka yaraada shiirka
  • Neef qaadashada oo kuu wanaagsanata
  • Dadka ku agjooga oo aadan u horseedin sigaarka
  • Aqbalaad guud oo kaaga timaada dadka shaqada bixiya

Sidee baa loo qorsheeyaa sida la isaga joojin lahaa sigaar cabida?.

Abuursita qorshaha aad isaga joojineysid waxay kaa cawin kartaa sida aad ugu guuleysan laheyd joojinta sigaarka. Marka hore waa inaad doorataa waqtiga aad rabtid inaad joojisid, dadka qaar isla marki ayey joojiyaan halka kuwo kale na ay markasta yareeyaann inta xabo oo ay cabaan ilaa iyo maalinta ay gebigiisaba ay jarayaan.

Waa muhiim inaad tolkaaga iyo asxaabtaada la socodsiisid taariikhda aad go’aansatay inaad joojisid. Tani waxey kaacaawineysaa in lagugula xisaabtamo iyo sidoo kale in tolka iyo asxaabta ay kuu noqdaan taageero wanaagsan.

Inta aan la gaarin taariikhda aad go’aan satay waa inaad gebi ahaanba meesha ka saartaa waxyaabaha sida sigaarka, sigaar lagu damiyaha, qarxisada ama jansiigarka. Sidoo kale waa muhiim inaad tuurtid wax walba oo ku soo xusuusinaya sigaar.

Waa fikir wanaagsan ah inaad la timaadid qorshe kaa mashquulin kara jamashada sigaarka gaar ahaan marka aad cunteysid kedib.

Waxaa laga yaabaa inaad marar badan isugu sheekeysid inaad hal xaba un shidaneysid ama hal mar un aad jiideysid. Hasa yeeshee ogoo waa mid intaa ka badan karto. Waxa wanaagsan inaad ka fogaatid sigaar cabid oo idil. Waa inaad diirada saarataa hamigaaga, waxaad is gudoon siin kartaa hadiyad maalin kasta oo aad ka fogaatid sigaarka.

Abuurista caadoyin wanaagsan

Joojinta cabista sigaarka waxay u baahan tahay inaad isbedel xaga nolosha ah sameysid. Himilada waa inaad caado xun ku bedeshid mid wanaagsan oo aan caafimaadka wax u dhibeyn. Waa inaad ka fogaataa kafeyga iyo maandooriyaasha, sababtoo ah waxey kiciyaan jamashada sigaarka, sidoo kale waxaad u baahan tahay inaad ka fogaatid shaqooyinka lala xiriiriyo sigaarka iyo sigaar cabayaasha inta aad ka xaqiijineysid inaad gebi ahaanba joojisay sigaarka.

Waxaa ah wax ku caawin karo, sameynta xirfadaha sida wax hagaajinta, jimicsiga, akhriska buugaagta. Sidoo kale jimicsiga wuxuu kaa caawin karaa inaad ka guuleysatid jamashada iyo hoos udhaca walwalkaaga sidoo kale maareynta miisaankaaga. Sigaarka oo la joojiyo wuxuu mararka qaar fududeyn karaa in misaanka uu siyaado.

Taageerada

Waxaa jira habab badan oo kaa caawin kara joojinta sigaarka. Dawooyin qaar ayaa jira oo loogu talagalay iney dhimaan astaamaha jir ahaaneed ee ka dhasha joojinta sigaarka waxaana kamid ah:

  • Nicotine replacement therapy NRT: waa mid ku timaada xanjo iyo wax la isku buufiyo
  • Bupropion: dawo loogu talagalay iney yareyso niyad jabka, taas oo hoos udhigi karta jamashada nicotine.

Talo

Joojinta sigaarka waxey tartan gelin kartaa dareenka qofka, sidaa darteen waa muhiim inaad heshid taageero maskaxeed.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *