Maxaa Sabab U Ah Dhiciseynta Ilmaha (Miscarriage)?

Dhicinta waxay dhacdaa inta badan nuska hore ee uurka, sababta dhiciseynta ilmaha (Miscarriage) wey ukala duwan tahay dumarka, in kastoo sababta aan la ogeyn mararka qaar. Dumarka uurka leh waxaa muhiim u ah iney ogaadaan waxyaabaha sababi kara xaaladaan, si ay uga baaraan dagaan ama ay isaga ilaaliyaan khataraha lala xiriiriyo dhiciseynta.

Noocyada dhicinta ilmaha

Dhicinta waa erey loo isticmaalo uurjiifka oo khasaara, waxaa jira noocyo kala duwan oo sababa, dhakhaatiirta waxay ukala qaadaan sida hoos ku qoran

  • Ogxaanta oo aan korin: ugxaan bacrimisan oo ku dheggan minka, laakin koriimada uurjiifka ma bilaabaneyso
  • Dhiciseyn buuxda: walxihi uurka oo dhan oo jirka laga soo saaray
  • Ugxaanta oo meel qaldan ku dhegta: ugxaanta bacrimisan oo ku dhegtay meel aan ilmo galeenka ahayn
  • Dhiciseyn aan dhameystirneyn uurjiifka oo dhintay ayada oo hooyadu aysan ogeyn
  • Dhiciseyn soo noqnoqota dhiciseyn soo laalaabato, laba mar am aka badan, uurka oo dilma 3da bil ee ugu horeysa
  • Halis ku soo socota uurka dhiigbax iyo calool majiir oo tilmaamaya dhiciseyn lama filaan ah

Maxaa sababa dhiciseynta

Si uurka uu u hormaro waxaa loo baahan yahay jirka hooyada inuu siiyo sahay hoormoono iyo nafaqo ah oo ku fila cunuga, uurjiifkana waa in uu si saxan u koraa inta lagu guda jiro uurka, hadii labadaan arin aysan dhicin, waxaa laga yaabaa in uurka uu dilmo xili hore

Waxyaabaha kale ee sababo dhiciseynta waxaa ka mid ah

  • Qalad ka dhaca hidda sidaha
  • Qaab nololeed aan wanaagsaneyn, sida cayilka iyo isticmalka dawooyinka qaar
  • Da’da hooyada oo weyn ama aad u yar
  • Jug
  • Xanuunka qanjirka thayrod oo aan la daweyn
  • Sonkoroow
  • Infekshan

Waa maxay astaamaha

Astaama wey ku kala duwan yihiin waxayna la xiriirtaa marxaladda uurku uu marayo, tusaale mararka qaar waxaa laga yaabaa in uurku uu dilmo ayadoon hooyadu ogeyn iney uur leedahay, calaamada qaar waxaa ka mid ah

  • Dhabar xanuun khafiif ah ama daran
  • Dhiigbixid daran
  • Cad iyo xinjiro isla socdaan oo kasoo baxa hooyada
  • Calool xanuun daran
  • Calool majiir

Waa muhiim in aad dhaqtar la xiriirtid sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aad isku aragtid calaamadahaan

Yaa halis ugu jira

Inta badan dhiciseynta waa dabiici, hasayeeshee waxaa jirka khataro qaar oo herseedi kara dhiciseynta, waxaana ka mid ah

  • Da’ ka weyn 35 sano
  • Jug soo gaarta jirka
  • Isticmaalka dawooyinka qaar iyo maandooriyaasha
  • Isticmaalka qaxwada badan

Sidee baa looga hortagaa

Waa muhiim in hooyadu ay leedahay qorshe uurqaadisha kadib marka ay ilma kasoo dhacaan, in loo diyaargaroobo uurka waxaa ka mid ah in la xaqiijiyo in jirka uu diyaar uyahay oo hoormoonada iyo nafaqada jirka uu isku dheelitiran yahay, dhaqtarka waxaa laga yaabaa in uu sameeyo wiisito sheegi karta sababta keentay dhiciseynta.

Dhaqtarka waxaa laga yaabaa in uu kula taliyo in hooyadu aysan uur qaadin in muddo ah si jirka uu usoo kabsado, sidoo kale waxaa macquul ah in wiisito goos goos ah laga qaado hooyada muddada ay uurka leedahay.

Hadii uurka uu yahay kii ugu horeeyay ay hooyadu qaado, waa muhiim in laga taxadaro inuusan dilmin, ayadoo la iska yareynaayo cabidda qaxwada, iyo in la qaato vitamino, sidoo kale waa muhiim in hooyadu ay sameyso jimicsi fudud. Waa in aad la tashataa dhaqtarka marka hore

Talo:

Dhiciseynta ma ahan arin xaqiijineysa ineysan hooyadu uur qaadi karin mustaqbalka, inta badan dumarka waxay dhalaan ilmo ayagoo soo dhiciseeyay waa hore.

Dhiciseynta waa dhacdo dhaxdin leh oo wadata dareemo kala duwan, waa muhiim in lamaanaheeda uu u sheego in dhiciseynta inteeda badan ay ka dhalato waxyaaba dabiici ah oo aan hooyadu ku xiriirin, sidoo kale waa muhiim in lamaanaha ay qorsheeyaan uurka dambe si loo xaqiijiyo hormoonada, nafaqada iyo guud ahaan caafimaadka hooyada inuu heer sare ayahay.

Barocaafimaad

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *