Niyad Jabka (Depression)

Niyad jabka waa xaalad caafimaad oo u baahan in il gooniya lagu eego, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay xanuun lala tacaali karo iyadoon loo isticmaalin dawo, balse hadii heerkiisu siyaado ama qofka niyad jabsan gaaro heer uu xataa noloshiisa halis galiyo waxaa lagama maarmaan ah in loo xaliyo qaab baaritaan caafimaad ku salaysan,

cilmi baaris la seemayay ayaa sheegaysa in uu niyad jabku ku badan yahay haweenka, iyadoo mid kamida shanti haweena ahba la sheegay inay dareento niyad jab, waliba xiliyada dhiiga ama dhalmadayska. Raga 10kii nin ba waxaa la sheegay inuu mid niyad jabsan yahay.

Astaamaha niyad jabka

Dadka niyad jabsan ma wada lahan calaamadahan hoos ku xusan, waxayna ku xiran tahay heerka niyad jabkooda

  • Xasuusta oo lunta
  • Go’aan qaadasho xumo iyo in uu lumo il saarida ama niyad ku hayntu
  • Daal ama xuurto iyo awood dari joogta ah
  • Qofka oo dareema inuu danbiile yahay
  • Rajada shaqsiga oo hoos udhac wayni ku tmaada
  • Ka cabsi la’aan geerida
  • Hurdo la’aan
  • Cunno xumo ama si aad ah wax ucunid
  • Madax xanuun
  • Xanaaq joogta ah
  • Dulqaad yari
  • Hamiga oo yaraada.

Maxay yihiin qodobada la xiriira niyad jabka?

Arimaha qoyska. warbixin ayaa sheegaysa in haduu uu jiro khilaaf qoyska dhexdiisa ah ama tacsi, ay saamayn karto niyada shaqsiyada kamidka ah qoyska, waana suuragal in qof qoyska ka mid ah uu dareemo niyad jab.

Faraxumeyn. Sidoo kale xusuus xun xiliga ilmuhu uu yar yahay maskaxdiisu waxay duubtaa badanaa waxaa uu u soo joogay wanaag iyo xumaanba, hadii dhacdo xun sida kufsi uu lasoo kulmay waxay saamaynaysaa noloshiisa inta ka hartay waxayna keeni karta niyad jab raaga.

Walwalka. Sidoo kale waxuu kamid yahay qodobada sahla inuu yimaado niyad jab, badanaana waxaa lagu xaliyaa qaab daawo ah haduu walwal jiro.

Khamriga. Dadka caba khamriga ama leh balwad kale sida sigaarka ama qaadka waxay la darsaan xaalad niyad jab.

Nolosha. Haduu qofku uusan guursan ama kali yahay, ama ay tahay haweenay la furay waxaa dhici kara niyad jab, dadka isqaba ama lamaane haysta waa ku yar yahay niyad jabku, sidoo kale hadii qofka uu dhaqaalihiisu yar yahay ama noloshu ku adag tahay waxaa la darsi kara niyad jab.

Jinsiga. Dadka la haybsooco ama unugulka mar walba waxay uga dhawyihiin niyad jab dadka kale ee aan la takoorin, waayo maskaxdooda waxaa ka dhaadhacsan inay yihiin laga fiicnayaal, niyad jabkuna waa xanuun maskixiyan ah.

Talo

Niyad jabku waa xaalad taxadarkeeda u baahan, si aad uga hortagto iska ilaali wax dhaawici kara sharafkaaga iyo maskaxdaada, lana noolow dad wanaagsan oo marwalba niyada kuu dhisa, ahna saaxiib ama ehel.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *