HURDO LA’AANTA: Asbaabaha Keena Iyo Xalka

Hurdo la’aanta (insomnia) waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto iney qofku ku adkaato inuu hurdo ama uusan hurdada ka dhergin, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamadahaan midkooda ama kuligood

  • Iney adag tahay qofka inuu hurdo
  • Inuu soo tooso marar badan habeenki/ iney adag tahay inuu kulaabto hurdada
  • Inuu soo tooso aroor hore subaxdi
  • Inuu weli daal dareemo marka uu soo tooso

Noocyada hurdo la’aan

  • Hurdo la’aan Primary ah waa xaalad caafimaad oo saameyneysa hurdada.
  • Hurdo la’aan Secondary ah waxaa kajira jirka xaalad caafimaad oo si toos iyo si dadban u sababeysa hurdo la’aan sida neef caabuqyada gala goys yada, laab jeex, iyo kansar, waxaa kaloo sababi kara daawooyinka qaar.
    hurdo la’aanta ayaa ku kala duwan muddada uu qofku dareemo, waxay ukala baxdaa hurdo la’aan jirta muddo gaaban sida hal habeen ilaa hal isbuuc, hurdo la’aanta joogta ah waxaa lagu ogaadaa hadii qofku uu hurdo la’aan dareemo 4 maalmood ilaa bilooyin.

Maxaa sabab hurdo la’aanta?

Waxyaabaha sababa hurdo la’aanta mudda gaaban  waxaa ka mid ah.

  • Walwal nololeed la taaban karo sida ( shaqo la’aan, dhimashada qof aad jeceshahay, iyo furiinka )
  • Xanuun
  • Raaxa la’aan xaga jirka iyo shucuurta
  • Walxaha jawiga sida ( buuq, iftiin badan, iyo cimilo kulul am qaboow)
  • Dawooyinka qaar ayaa khalkhal gelin kara hurdada
  • Jadwalka qofka oo is bedelo ( sida inuu diyaarad ku safro)

Waxyaabaha sababo hurdo la’aanta joogtada ah waxaa ka mid ah:

  • Niyad jab iyo/ ama walbahaarka
  • Walwal joogta ah
  • Xanuun am raaxa la’aan xiliga habeenki

Astaamaha hurdo la’aanta?

  • In qofku hurdoodo xiliga maalinta
  • Inuu qofku dareemo daal guud
  • Dabeecad xumo
  • Ufiirsasho la’aan iyo xasuus xumo

Talo:

Hurdada ma ahan shey sahlan oo la dhayalsado, sababtoo ah hurdada waxay aasaasi utahay caafimaadka jirka iyo maskaxda, hadii ay hurda la’aantu daba dheeraato waxaa iman kara qofka inuu ku dhufto ama maskaxda ay khalkhal gasho, hurdada waxay saxdaa kiimikooyinka uu jirka isticmaalo maalin kasta, hadii qofku uusan hurdin kiimikooyin kaan waxay halis gelin karaan habsami u socodka shaqada jirka iyo tan maskaxda ba.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *