Maxaa Jidhka Ku Dhacaya Marka Qofka Uu Joojiyo Sigaar Nuugista?

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dadka sigaarka cabba ay ku dhacdo xaaladda loo yaqaanno “brain atrophy”. Waxaa dhimanaya unugyada maskaxda, waxaana inta badan ka dhasha xanuunnada maskaxda ee ay ka mid yihiin illowga badan iyo maskaxda oo awoodi weyda in ay si habsami ah hawlaheeda u maamusho. Waxa kale oo ay keentaa asaasaqa, suuxdinta, xanuunka Parkinson’s iyo khalkhalka maskaxda.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in xaaladdan oo maskaxda xajgmieeda yaraynaysaa ay sii korodho maalin kasta oo uu qofku sigaar nuugo. Halka, qofku marka uu sigaar nuugista joojiyo, ay maskaxdu joojinayso soo ururka. In kasta oo aanay marnaba dib uga soo noqonayn hoos u dhaca ku yimid.

Xarunta caafimaadka Cleveland Clinic ee Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay isbedellada qofka ku dhaca marka uu joojiyo nuugista sigaarka.

– 20 ka daqiiqo oo keliya marka sigaarka laga maqnaado, waxaa hoos u dhaca wareegga dhiigga iyo garaaca Wadnaha. Waxaana kor u kaca xaraaradda gacmaha iyo cagaha hoose.

– 8 saac kaddib, waxaa dabiici ku soo noqda Carbon Dioxide ka dhiigga, waxaana kordha heerka ogsajiinta ee dhiigga. Waana bilowga caafimaad wanaagga.

– 24 saacadood kaddib, waxaa hoos u dhacda u nuglaanta wadne istaagga.

– 48 saac kaddib, dareen wadayaasha qofka ayaa la qabsada sigaar la’aanta. Waxa ay illaawaan maadadda sunta ah ee Necotine ee sigaarka ku jirta. Waxaana dabiici ku soo noqda dareenka urta iyo dhadhamada ee qofka sigaarka nuuga oo marka hore ay daciifiso sigaar nuugistu, ama dadka qaar kaba kaxayso.

– 72 saac kaddib, waxaa dabca neefmareennada oo marka hore uu sigaarku qallaf ku keeno.

– 1 illaa 3 bilood: Waxaa soo kabta habdhiska wareegga dhiigga oo wanaagsanaada, waxaana kor u kaca awoodda jidhku u leeyahay u adkaysiga jimicsiga.

– 1 ilaa 9 bilood: waxaa yaraada qufaca, neef-qabashada, samboorka, burburka iyo daalka, iyo neefta oo cidhiidhi noqota. Xaaladahaas oo dhammaantood lagu arko dadka sigaarka nuuga.

Waxaa korodha tamarta guud ee qofka. Waxaana kor u kaca awoodda sambabadu u leeyihiin la macaamilka xabka iyo balqanka, iyo in ay si fudud isaga soo nadiifiyaan. Waxaana yaraada caabuqa.

– 5 sano: Marka uu qofku ka maqnaado sigaarka waxaa hoos u dhacda khatarta ah in uu dhiigfuranka maskaxdu ku dhaco. Dhiigfuranka maskaxda ayaa la aaminsanyahay in uu aad ugu sii badanyahay dadka sigaar cabka ah.

– 10 sanno kaddib, waxaa kala badh hoos u dhacda khatarta ah in kansarka sambabadu uu qofka ku dhaco. Waxa kale oo yaraada u nuglaanshiyaha kansarka noocyadiisa ku dhaca afka, hunguriga, Kaadi haysta, keliyaha iyo ganaca.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *