Waalida Schizophrenia: Sababaha Keena, Astaamaha Lagu Aqoonsado Iyo Sida Loo Daweeyo

Waalida schizophrenia waa xanuun maskaxeed khatar ah kaasoo saamayn balaaran ku yeesho fakarka iyo tusaalaynta bukaanka. Xanuunkaan waa mid kamid ah kuwo ugu badan ee ku dhaca maskaxda waana mid ay la socoto khiyaali iyo iska dhaadhicinta waxyaabo xaqiiqada aad uga fog.

Waalida noocaan ah ayaa badanaa ku dhacda bukaanada uu hareeyo shakiga aadka u fara badan ee ay ka qaadaan qaar ka mid ah bulshada gaar ahaanna saaxiibada aadka ugu dhaw iyo deegaanka.

Waalida schizophrenia waa mid lala tacaali karo balse aan lahayn daawo lagu ciribtiro taas ayaana ka dhigtay mid kamid ah xanuunada loogu walwalka badan yahay ee soo wajaha maskaxda. Xanuunkaan ayaa sidoo kale aan lahayn sabab gooniya oo loo aanayn karo walow ay jiraan qodobo lala xiriirin karo inuu qofku noqdo mid u nugul waalida schizophrenia.

Sababaha keena waalida Schizophrenia

Waalidaan malahan sabab gooni ah si toos ah loogu aanayn karo, waxaase jira qodobo si dadban loola xiriiriyo, qodobadaan ayaa ah isku darka arimo la xiriira dhaxalka, bulshada iyo deegaanka. Waxaa la aaminsan yahay in waalidaan tahay mid la iska dhaxli karo taasoo ay macquul tahay inay ku dhacdo shakhsi kamid ah qoyska hadii uu horey u jirey qof qabay waalidaan oo isla qoyska ah.

Waxaa kaloo la aaminsan yahay in khalkhal ama isku dheeli tirnaan ku timaada habka ay maskaxdu isagu gudbiso fariimaha ka samayn kiimikaalada uu kamid yahay sababa loo aanayn karo bilowga waalida noocaan ah. Ilmaha ku dhasha miisaanka hoose ama dhasha isaga oo aan sadkiisa dhamaysan, ayaa lagu tilmaama mid ay fududahay inuu qaado waalida noocaan ah. Waxaa jira qodobo kale oo la xiriira bulshada iyo deegaanka oo ay kamid yihiin walwalka xad dhaafka ah, shakiga iyo isticmaalida maandooriyayaasha.

Astaamaha lagu garto waalidaan

Waalidaan ayaa waxay astaamo iyo calaamo badan la wadaagtaa xanuunada kale ee ku dhaca maskaxda. Sida caadiga astaama xanuunkaan ayaa loo kala saaraa astaamo kusoo siyaada bukaanka ( +ve) iyo astaamo caadi ahaa oo uu horey u lahaa balse inta xanuunkani ku dhacay ay ku timid naaqusitaan (-ve). Astaamaha kusoo siyaada waxaa kamid ah:

  • khiyaaliga
  • Tusaalaynta waxyaabo aan jirin
  • Isbadal ku yimaada qaabka hadalka, socodka iyo fakarka qofka.

Astaamaha ka naaqusma bukaanka waxaa kamid ah inuu noqdo:

  • Mid ka dhex baxa bulshada iskana dhaadhiciyo in la raadinayo ama lagu daba joogo
  • Waxuu aaminayaa bukaanku waxyaabo ku furaya shaki aan caadi ahayn, sida in la sixrey ama ay daba socdaan koox ama shaqsi noloshiisa khatar galinaya.

Dhamaan astaamahaan ayaa ah kuwo lagu yaqaano waalida schizophrenia.

Daaweynta

Waalidaan malahan daawo u gooniya oo si toos ah loogu dabiibi karo balse waxaa jira daawooyin kala duwan oo lagula tacaalo. Bukaanka ayaa waxaa muhiim u ah daawooyinka ka dhigaya mid nasta oo seexda hurdo ku filan. Waxaa sidoo kale jira daawooyin isku dheeli tiraya kala saraynta kiimikaalada maskaxda kuwaasoo faaido balaaran u leh bukaanka qaba waalida noocaan ah.

Qaababka dabiiciga ah ee loo yarayn karo xanuunkaan ayaa waxaa kamid ah in bukaanku lagu hareereeyo asxaab wanaagsan kuwaasoo waqti badan siiya la joogidiisa. Marwalba oo ay badato waqtiga uu bukaanku ka dheeraado bulshada inteeda kale waxaa kusii badanaya waalida iyo shakiga.

Waalida schizophrenia waa mid lala tacaali karo balse aan lahayn daawo lagu ciribtiro taas ayaana ka dhigtay mid kamid ah xanuunada loogu walwalka badan yahay ee soo wajaha maskaxda. Xanuunkaan ayaa sidoo kale aan lahayn sabab gooniya oo loo aanayn karo walow ay jiraan qodobo lala xiriirin karo inuu qofku noqdo mid u nugul waalida schizophrenia.

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *