Faa’iidooyinka Akhriska Uu U Leeyahay Caafimaadka Jidhka Iyo Maskaxda

Sannad kasta maanta oo kale 9 August, waxaa dunida oo dhan looga damaashaadaa ‘Maalinta Caalamiga ah ee Mucaashaqiinta kutubta / Akhriska’.

Maalinta oo kale waxaa ay dadyowga dunidu ku xusaan in ay iibsadaan buug fiican oo ay akhriyaan, in ay tagaan rugaha akhriska iyo in ay ku begaan iibsiga buuggaagta ay hadba u baahan yihiin.

Dalalka qaar naadiyada akhriska iyo dhalinyarada jecel dalaacashada kutubta aya isugu yimaadda munaasabado xus ah, tartanno akhriska ah, doodo buuggaagta la idhiidha iyo wacdiyo lagu dhiirrigelinayo wax akhriska.

Anigu waxa aan maanta ku xusayaa in aan idinla wadaago talooyinkan iyo xogtan akhriska la xidhiidha:

Akhrisku waxa uu xoojiyaa caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, faa’iidooyinka cilmi ahaan la xaqiijiyey in laga helana waxaa ka mid ah:

Waxa uu dhisaa garaadka qofka.

Waxa uu kobciyaa dareenka iyo caadifadda qofka:

tusaale ahaan in maskaxdu ay awood sare u yeelato fahamka dareenka, qaab fikirka iyo aaminsanaanta dadka kale, waa arrinta uu cilminafsigu u yaqaanno “Theory of mind”

Waxa aanu xoojiyaa awoodda uu qofku u leeyahay xidhiidhka bulshada, ilaalinta iyo buuxinta kaalinta uu ka qaadanayo xidhiidhada bulsho.

Akhrisku Afka ayaa uu hodan ka dhigaa:

Qofka akhriska badan ama da’ yaraan akhriska ku bilaabaa waxa uu hodan ku noqdaa ereyo, hal-ku-dhegyo, hal-qabsiyo, qaab dhismeedyo hadal iyo hannaanka cabbiraadda afkaarta, taas oo aan ku koobnayn afka uu wax ku akhriyo, balse ula guurta xitaa afka kale ee uu ku hadlayo.

Dhakhaatirita xarunta Cleveland clinic ee dalka Maraykanka ayaa waalidiinta kula dardaarmay in ay ilmahooda wax akhriska u bilaabaan marka uu caano nuugga yahay, una wadaan illaa uu waxbarashada aasaasiga ah dhammaysanayo. In ilmuhu ku garaadsado iyada oo buug loo akhriyayaa, waxa ay sababtaa in uu u arko in ay tahay caado noloshiisa ka mid ah muhiimna ay tahay in uu weligeed sii wado.

Akhrisku waxa uu ka hortag u yahay hoos u dhaca garashada qofka ku timaadda marka uu weynaado.

Haddii aad doonayso in da’du aanay dhaawac gaadhsiin awoodda garasho ee maskaxdaada, fahamkaaga, xasuustaada iyo shaqada maskaxdaada oo dhan, imika caado ka dhigo in aad wax akhrido.

Akhrisku waa Dawo nafsadeed:

Cilmibaadhis 2009 kii la sameeyey waxaa lagu ogaaday 30 daqiiqo oo akhris la caadaystaa in ay dejiso dhiigkarka, daweyso khalkhalka ku dhaca garaaca Wadnaha, isla markaana qofka ka saarto cidhiidhiga nafsiga ah iyo xaaladaha nafsadeed ee qulubka, sakatiga iyo warwarku ay ka mid yihiin.

Daraasad sahaminteeda la waday muddo 12 sanno ah ayaa lagu ogaaday qofka oo caadaysta in uu hal ama laba saac toddobaadkii wax akhriyaa in ay keento cimri dherer, marka la barbar dhigo kuwa aan waxba akhriyin.

Akhrisku waa Hurdo wanaag:

Waxa ay dhakhaatiirtu qireen in akhrisku uu sababo in qofku uu seexdo hurdo nidaamsan oo xeeldheer. Waxa ay ku talinayaan in qofka hurdadu ku yar tahay uu habeenkii wax akhriyo. Akhrsika (Gaar ahaan marka warqad laga akhriyayo / aan laga akhriyeyn aaladaha teknoolajiyadda sida Tablet ka) waxa uu keenaa lulo iyo in hurdo dheer la seexdo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *