Dadka Boqolkiiba 8 Keliya Ayaa Ku Guulaysta in Ay Yoolkooda Gaadhaan

Sannad kasta curashadiisa, dadka badankoodu waxa ay dejistaan qorshayaal ay doonayaan in ay ku gaadhaan himilooyin iyo yoolal noloshooda ay u dejisteen. Laakiin sahamin ay samaysay jaamacadda Maraykanka ee Scranton ayaa lagu ogaaday in dadkaasi ay %92 ku guuldarraystaan rumaynta yoolashaas. Kelidoodna ma’aha ee waa sida ay u badan yihiin hawlaha iyo qorshayaasha ay dadku dejistaan.

Su’aashu waxa ay tahay maxaa ay boqolkiiba siddeedaasi sameeyaan ee 92 ka guuldarraystay ka maqan. Qormadan oo aynnu ka soo xigannay madasha Almiidaan (Aljazeera) waxa aynu ku dul istaagaynaa tallaabooyin ay xeeldheereyaashu sheegeen in lagaga badbaadi karo guuldarradaas.

?. Qor yoolkaaga:

Haddii aanad yoolashaada u qorin si faahfaahsan oo aanu madow ku jirin, adiga oo qeexaya tubta aad u marayso, sida aad ku helayso ilaha loo baahan yahay, iyo wadiiqooyinka yaryar ee marar loo baahanayo in la qaado si loo gaadho, waxa aad ku riyoonaysaa himilo gaadhisteedu kaa dheertahay.

2. Kaalmo raadis iyo talo doon midna ha ka khajilin:

Qof kasta oo yool lihi waxa uu u baahanyahay kaalmo iyo cid uu garab ka helo si uu u gaadho yoolkiisa. ku dadaal in aad hesho deegaan iyo duruufo ku dhiirrigelinaya, kuguna kaalmaynaya in aad aad sida ugu habboon diiradda ugu hayso yoolkaaga, dhugmada aad u leedahayna aanay mar keliya maahin.

Sida oo kale waa in aad hesho dad kugu xeeran iyo deegaan aad ka helayso talada iyo tilmaamta aad u baahato.

3. Yoolkaagu ha noqdo mid bir ku go’an

Waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in %90 uu guulaysto yoolka marka hore la saxartiray, ee si loo bisleeyo si qayaxan oo aan fasiraado iyo humaag kale qaadanayn. Tusaale ahaan, inaad tidhaahdo sannadka dhammaadkiisa 20 kg ayaan miisaankayga ka ridayaa, waxaa ka saxan in aad tidhaado, ‘Bil kasta 3 kg ayaan ridayaa, maalin kastana 20 daqiiqo ayaan lugaynayaa’.

4. Ka Fogoow Dib U Dhigashada Hawsha

Hawl inta aanad gelin waa in aad si cad u qeexdo hawshan kuu taallaa waxa ay tahay, sida ay kala horreysiinteedu u kala mudan tahay, iyo xayndaabka waqtiga aad haysato in aad ku dhammaystirto hawl kasta.

– Shaqada aad qabanayso u kala jejebi qaybo iyo qorshe hawleedyo yaryar, kuna dadaal in qayb kastaa ay noqoto mid sideeda loo maarayn karo, loogana shaqayn karo si marka loo dhammaystiro qaybta kale loogu gudbo.

– Halkii marba hal shaqo oo keliya qabo, waayo hawlo kala duwan oo aad hal mar isku dhex bilowdaa waxa ay keentaa natiijo taban.

5. Tijaabi xeerka (Qaacidada) maalinlaha ah ee 52/17

Marka shaqo la qabanayo waxaa loo maraa dariiqooyin kala duwan iyo habraacyo tiro badan oo mid kasta laga filayo in shaqada la qabanayo uu fududeeyo. Hababka ugu fiican waxaa ka mid ah xeerka loo yaqaanno 52/17. Waxaa qaacidadan lagu isticmaalaa ciyaaraha iyo tababarrada jidh dhiska iyo jimicsiga.

Waxaa looga jeedaa, marka aad 52 daqiiqo shaqaysaba in aad 17 daqiiqo nasato. Ciyaaraha iyo jimicsiga oo keliya ma’aha ee hawl kasta waa loo adeegsan karaa.

Cilmibaadhiso ayaa lagu ogaaday, qofka oo shaqada u mara nidaamka ah saacad marka uu shaqeeyaba in uu dhexgeliyo nasasho, in ay u fududayso in uu shaqooyin waaweyn oo badan dhammaystiro isaga oo aan daal ama niyad xumo ka dareemin mar keliya.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *