Nolol Wanaag

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay …

Read More »

Ahmiyadda Ay Leedahay In Aroorta Hore Hurdada Laga Tooso

aroorta hore, subaxda hore, hurdada

Dhaqannada kala duwan ee dunidu, waxa ay isku waafaqsanyihiin, in aroor hore toosku uu ka mid yahay tiirarka muhiimka u ah guusha. Dad kala duwan oo guulo ka gaadhay himilooyinkooda nolosha, ayaa iyaguna isku waafaqay in afarta aroornimo oo la tooso subaxdii ay ka mid tahay sababaha muhiimka ah ee guusha ay gaadheen. Xeeldheeraha Maraykanka ah ee Steve Burns, maqaal …

Read More »

3 Talo Ka Qaado Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan!

Qaar badan oo ka mid ah maalqabeenka iyo dadka guulaystay ee adduunka ayaa marka hoos loo dayo noloshooda gaarka ah waxaa la ogaadaa in hurdada habeennimo aad ugu yartahay iyo in ay tobannaan go’aan maalin kasta qaataan, iyo midda ka sii daran oo ah in aanay naftooda waqti u helin. Laakiin Jeff Bezoz oo ah ninka dunida maanta ugu maalqabeensan …

Read More »

Waayuhu Wuxuu I Baray…

xikmado, waayaha nolosha,

– Waxaa uu waayuhu I baray in dadka kuwa iigu waxyeelka badani ay yihiin kuwa aan kalsoonidayda oo dhan siiyey. – Waxa uu waayuhu I baray in shay kastaaba ku bilowdo yari dabadeedna koro (Weynaado) Masiibadu se ay ku bilaabanto weyni kadibna ay yaraato, sidaa awgeed marka ay masiibo dhacdo ay tahay in aan u sabro inta ay yaraanayso. – …

Read More »

Sababaha Keena Wahsiga Iyo Shaqo Dib U Dhigashada & Hababka Loola Dagaallamo

wahsiga badan

Imisa jeer ayaa ay kugu dhacday in buug ama qoraal kale oo aad xiisaysay haddana aad dib u dhigatay akhriskiisa, adiga oo nafta u sheegaya in hadda aanad waqti kugu filan haysan. Wahsiga, shaqo dib u dhigashada iyo maahsanaantu waxa ay ka mid yihiin caadooyinka iyo dhaqannada ay inta badan ee dadka dunidu maanta ka cawdaan. Caalimka cilminafsiga ee William …

Read More »

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Arday wanaagsan oo guulaysta

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”. Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo. Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo …

Read More »

6 Qodob Oo Sare Loogu Qaado Caafimaadka Iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

caafimaadka maskaxda

Waxaa waajib ah in qofku uu iska xilsaaro ilaalinta iyo wanaajinta caafimaadka maskaxdiisa, si uu u dhiirrigeliyo in unugyo cusubi ay kobcaan, ugana hortago hoos u dhaca maskaxda ku yimaadda mar kasta oo qofka da’diisu ay sii weynaato. Waxa aynu si gaar ah u eegaynaa dhinaca nafaqada iyo cuntada, maadaama oo nooca iyo xaddiga cuntada aynu maalin kasta cunnaa ay …

Read More »

Haddii Aad Raadinayso Farxad Sannado Ah Lacag Ururso, Haddii Aad Doonayso Mid Weligeed Ahna Dadka Baahan Caawi

Waxaa jira halkudheg afka Shiinaha ku jira oo yidhaahda, “Haddii aad doonayso farxad saacad ah, qadada kaddib seexo. Haddii aad doonayso mid maalin dhan ahna kalluumaysi u bax. Haddii aad raadinayso farxad sannad ah, waxa aad u baahan tahay lacag, laakiin haddii aad doonayso mid noloshaada oo dhan ah, qof caawi” Cilmibaadhiso caafimaad ayaa daahfurtay in qofka oo caawiya dadka …

Read More »

Hababka Loo Kaydsado Fikradaha Iyo Hindisayaasha Ku Soo Dhaca Maskaxda

fikradaha, fikrad, fikirka maskaxda,

Waxa aynu maraynaa duni xawaaraha horumarka ay ku socoto iyo isbedellada togan iyo taban ee joogtada ahi ay u ekeysiiyeen, in waqtigu uu intii hore ka dheeraynayo. Cadaadis dhinac kasta oo nolosha ah taabanaya ayaa joogto ugu sii kordha qof kasta, arrimahaasi waxa ay qasab ka dhigayaan in qofku uu joogto maskaxdiisa uga faaruqiyo hadba wixii afkaar iyo hindiseyaal ah …

Read More »

Talo Ku Socota Darawal Kasta

darawalka, gaadhiga, baabuurta,

Qaraxa taayirku waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilalka gaadiidka, gaar ahaan marka safarrada lagu jiro oo uu keeno isku dhac gaadiid ama in gaadhigu uu qallibmo (Gaddoomo). Qaddar lama baajiyo, waxa se muhiim ah in qofka darawalka ahi uu barto dhammaan hababka badbaado ee uu kaga hortegi karo khatartaas, waxaa ka mid ah in uu barto …

Read More »

7 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Samayn Marka Aad Cadhaysan Tahay & Sababta

cadho, cadhada, xanaaqa,

Qof kasta oo garaadkiisu sarreeyaa waa uu garan karaa in cadhadu ay tahay xaalad daciifnimo ah oo uu qofku maro, haddii kale waxa aynu cadhada ku macnayn karnaa dareen raadayn taban ku yeesha caqliga oo sida badan qofka ku dirqiya in uu qaato go’aamo qaldan ama khatar ah, sidaa awgeed qof kasta oo cadhooda talada u horreysa ee la gudbooni …

Read More »

Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Raalligelinta??

raali galin

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelinta ay u fiican tahay caafimaadka nafsadeed ee qofka iyo xidhiidhka bulshada, haddana dadka qaar waa ay ku adagtahay. In ay is illowsiiyaan ama ay si badheedh ah uga warwareegaan ayaa kala fudud in ay raalli gelin siiyaan cid ay ku gefeen. Daraasado badan oo ay xeeldheereyaasha cilminafsigu arrintan ku sameeyeen …

Read More »

Hababka Kor Loogu Qaado Xusuusta Akhriska

xasuusta, wax akhriska

1. Xog ma ka haysaa? Buugga aad si fiican uga faa’idaysan kartaa, waa buugga aad faham iyo xog hore ka haysato mawduuca uu ka hadlayo. Waa haddii aanu ahayn buug loogu talagalay waxbarasho (Manhaj) iyo buug loogu talagalay dadka aan mawduucaas waxba ka fahamsanayn, ama buug sheeko ah. Tusaale ahaan haddii aad akhriyeyso buug ka warramaya dagaalkii labaad ee adduunka, …

Read More »