5 caado Oo Qofka u Suurtagelin Kara in Waqtigiisu u Nidaamsamo

Dad badan oo innaga mid ah waxa ay dhibaato ka haysataa Maaraynta waqtiga, illaa heer ay qaarkood jeclaan lahaayeen in ay kordhaan saacadaha 24 ka ah ee maalintu ka kooban tahay, si ay shaqooyinkooda maalinnimo u dhammaystiran.

Qormadani waxa ay ku baraysaa 5 caado oo qofka u suurtagelin kara in waqtigiisu u nidaamsamo, iyo in uu u madhxo isla markaana muuqdo sida in uu intii caadiga ahayd ka batay.

  1. Shaqadaada ha u samayn kala horreysiin iyo jadwal qasab ka dhigaya in waqtigaas u astaysan oo keliya la qaban karo. Waqtiyada firaaqo ee u dhexeeya qabashada hawlaha waaweyn, uga faa’idayso in aad qabato shaqooyinka yaryar.

2. U fikir sida ruux wahsigu ku badan yahay:

waxa ay dadkaasi xariif ku yihiin in ay hal-abuuraan habab iyo jidad gaaban oo ay ku qabsan karaan hawlahooda, iyada oo natiijada ay ka gaadhayaan la mid tahay uun tii ay gaadhi lahaayeen marka ay jidka dheer ka soo wareegaan.

3. Ka faa’idayso waqtiga socodka iyo sugitaanka;

Ogow in hawlo badan aad qabsan karto xilliga aad gaadiidka dadweynaha saaran tahay ama u kala socoto meelaha kala duwan (Haddii aanad adigu wadin gaadiidka), sida oo kala xilliyada aad sugayso ballamaha iyo Bilowga shirarka iyo kulamada. Ha yaraysan waqtiyadan, farriin muhiim ah oo Email ama WhatsApp kuugu timid ayaad ka jawaabi kartaa, halkii aad ku mashquuli lahayd in aad Facebook iyo baraha kale ee bulshada waqti ku lumiso. Buug ama daraasaad kale ayaa aad akhriyi kartaa.

Ma ogtahay qofka xawaaraha akhriskiisu dhexdhexaadka yahay in uu daqiiqaddii akhriyi karo 250 illaa 300 oo erey, taas macnaheedu waa in uu daqiiqad kasta hal bog akhriyi karo. Ka soo qaad qof aad la ballansanayd ama bilow shir iyo xaflad aad u socotay oo aad 30 daqiiqo sugaysay, waxa aad akhiriyi kartaa 30 bog oo buug ka mid ah ama warbixin iyo daraasad dhammaystiran.

4. Hawl kasta oo aad qabanayso, waa in aad ka fikirto beddelka aad ka helayso:

ujeedada ma’aha in aad hawl kasta lacag ku hesho. Abaalgud san oo aakhiro ayaad ka fikiraysaa, sumcad wanaag iyo magac adduun ayaad u baahantahay, xitaa caafimaadkaaga nafsiga ah ayaa ku kordhaya samafalka aad samayso. Waxa se ayaan darro ah in qofku uu waqti ku lummiyo beddel la’aan. In aad ka fikirto beddelka aad ka helayso waqtigaaga baxayaa waxa ay kugu beeraysaa dabeecad guul horseedda oo ah, in aad garato shaqada mudan in aad qabato iyo midda waqti lumiska ah ee aanad waxba ka dheefayn.

5. Cid kaaga fiican hawshan raadso:

Naftaada ha ku daalin in ay qabato hawlo aanay ku fiicnayn. Waa ay fiicantahay in aad dadaasho, hawlo waaweynna aad waqti iyo maskax geliso si aad uga midho dhaliso. Waxbarasho iyo waayoaragnimo korodhsiguna waa arrin muhiim ah. laakiin ogow qofku kelidii isma wadi karo, hawl aanad aqoon u lahayn oo aad isku qaaddaana guuldarro iyo niyadjab ayey kuu horseedi kartaa. Shaqada xitaa kugu adag ama kaa sarraysa ha ka baqan, laakiin kelidaa geeddigaas ha gelin ee wehel kaaga aqoon badani ha kugu garabsiiyo. Kala sheekayso, kala tasho, ka baro xitaa mararka qaarkood gacanyare mushahar aad ku siiso ka dhigo qofka waayoaragga u ah shaqada aad qabanayso.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *