Nolol Wanaag

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro caalami ah Ha ku ciyaarin shucuurta dadka kale, waa suurtogal in aad ciyaartaa ku guulaysato (Ka gaadhay danta aad ka lahayd ) laakiin khatarta ka dhalanaysaa waa in aad qofkaas weydo. (William Shakespeare) Qofka doonistiisa sharci ka dhigaa, sharci la’aan ayaa uu dhacaa. (Shakespeare) Haddii …

Read More »

Hababka Qofku Iskaga Ilaalin Karo In Niyad Jabka & Rajo Beelka La Qaadsiiyo!

Niyad jab

Qofku noloshiisa waxa uu maraa duruufo iyo waayo ku abuura shucuur kala duwan, sida jacayl, nacayb, uurkutaallo, niyadwanaag, rajo, cafiska, qiiro, wacadfur,liidnimo, awood, khiyaamo, daacadnimo, fikir dheer, kaadsiimo, degdegsiimo iyo tobannaan kale oo aynaan soo kooni karin oo mid kastaa ka dhasho duruufaha iyo xaaladaha ku xeeran qofka. Dareennadan oo dadka qaar ku guulaystaan in ay maamulaan kana guulaystaan, ayaa …

Read More »

6 Qodob Oo Caajiska Iyo Daalka Kaa Ilaalinaya Si Aad Howlahaaga U qabsato

Caajis iyo daal fara badan ma dareenta? Ma iska wayday xiisihi aad hawlaha ku qaban jirtay? Waxyaabihi aad jaclayd xiisahay lahaayeen ma ka wayday? Sideed dareenka iskaga biin lahayd? Sii akhri si aad uga faaidaysato: Qabo wax ka duwan waxyaabahad qaban jirtay: Markaad wax ku celcelisid xiisuhu doonto ha yeeshe marka u danbaysa waad ka xiiso jabi doonta. Ku dadaal …

Read More »

Noloshu Waxa Ay I Bartay..!

-Waxaan bartay in jaamicadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa kaddib markaasaan wax barannaa. -Waxaan bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xigmad badan, ama dood yar ay udhiganto bil duruusteed oo kale. -Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad …

Read More »

Labadaan Qofnimo Midkee Baad Leedahay?

habeen shaqaynta

Qof baa jira ay maalintiisu waaberiga la bilaabato, waxa aanu caado u leeyahay in uu subaxnimada hore shaqo badan qabsado, halka mid kalana aanu waagiisuba beryin illaa ay barqo dheer noqoto, habeenkiina uu yahay waqtiga uu shaqada ugu badan qabsado. Arrintani abuur (Bayooloji) iyo la qabsi (Caado) midda ay tahay muran baa ka jira, laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in …

Read More »

Haddii Aad Doonayso Nolol Farxadeed Iyo Xidhiidho Caafimaad Qaba…

Caana-qubtu Isuma soo dhowaato, maadaama oo qodxaha sida maxaadhka ah ee dusha sare ka taagani is gaadhayaan kaddibna midiba ta kale ku dhaawacayso. Sidaas awgeed xilliga barafka iyo qaboobaha darani jiraan aad ayaa ay isugu soo dhowaato si ay isu dugsato, laakiin waxa ay ku qasbanaataa in ay u adkaysato dhaawaca iyo xanuunka qodxaha midiba jidhka midda kale ku mudayso. …

Read More »

Waxaa Xaqiiqo Ah…..

Marka uu burbur ku dhaco ummadaha, kharaabka guryaha, ganacsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ku dhaca, waxaa ka xun burburka dhinacyada nolosha oo dhan saameeya. Waxaa burbura anshaxa iyo akhlaaqiyaadka, waxaa hoos u dhaca hab fikirka iyo awoodda tuujinta maskaxda, waxaana luma jiheeya uu qofku ku kala garto tubta saxan iyo qallooca. Maanta dalkeenna qofna ma diidi karo in burbur uu ku …

Read More »

Tubta Guusha

1. Awooddaada diyaargarowga iyo dhirbaaxada dagaal oo aad xoojiso 2. Xeeladda iyo tabaha cabsi gelinta cadowgaaga oo aad horumariso 3. Fulaynimada iyo u habraashada cadaawaha oo aad ka fogaato, yeelatana tab iyo xeelad aad kula noolaan karto adiga oo aan baqdin tusin, cabsina la noolayn, xitaa haddii uu kaa awood badanyahay 4. Iskaashiga iyo midnimada bulshadaada dhexdeeda ka jirta oo …

Read More »

Xeerka 15 Daqiiqo

15 daqiiqo oo maalin kasta ah ayaa kaaga filan in, adiga oo aan dhib dareemin aad si aanad filayn uga midho dhaliso yoolkaaga. Tusaale ahaan 15 daqiiqo oo aad maalin kasta u gaar yeesho waxbarashada iyo diyaargarowga aad naftaada ku horumarinaysaa, waxa ay kuu suurtagelinaysaa in aad sannad gudihii ku aragto isbeddel la taaban karo. Waxaa la mid ah in …

Read More »

Xawaaraha Gaadhiga Waqti Kuuma Badbaadiyo Ee Naftaadu Halligayaa!

Darawal xawaaraha xad dhaafka ahi waa dhagar aad kula kacayso naftaada, iyo nafaha gaadhiga kula saaran ama jidka maraya. Waa dembi aakhiro lagaala xisaabtamayo, adduunkana aanad garawshiyo ku helayn. Sababta ugu badan ee darawalka ama dadka safraya ku dhiirrigeliya xawaaraha sare, waa in ay doonayaan in waqti u badbaado, in goobta ay u socdaan ay gaadhaan goor hore. Laakiin waxa …

Read More »

Sidee U Xoojin Kartaa Fariidnimadaada Caadifadeed (Emotional Intelligence) Qeybtii 2-Aad

2. Garaad badnaanta: Garaad badnaanta guud (IQ), waa midd sababta in ardaydu ay waxbarashada ku kala fiican yihiin, iyo in shaqaaluhu ay hawlgudashada iyo hal abuurka shaqo ku kala horreeyaan. Laakiin sida uu buugga ‘Emotional Intelligence’ ku doodayo, garaad badnaantu ma aha waxa kuu fududaynaya in aad nolosha guulo ka gaadho, tusaale ahaan kaama caawinayso in aad guulo ka gaadho …

Read More »

Sidee Aad U Xoojin Kartaa Fariidnimadaada Dareen (Emotional Intelligence)

Waa aynnu sheegnay in Daniel Goleman uu qabo in fariidnimada dareenku ay tahay xirfad iyo xeelado la baran karo, nolosha iyo waayahana la kora. In qofku uu wanaajiyo, isla markaana horumariyo garaadkiisa caadifadeedna ay ka caawinayso ka faa’idaysiga fursadaha guusha ee ka soo maraya dhinacyada kala duwan ee nolosha. Sida uu ku sheegay buuggiisa “Emotional Intelligence: Why it can mater …

Read More »