Nolol Wanaag

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii Labaad

Maxaa waxbarasho jaamacadeed laga dheefaa? Marka laga tago waxbarashada uu qofku ka korodhsanayo jaamacadda oo ah midda aasaasiga ah ee uu marka horeba u tegey, waxaa jirta faa’ido kale oo arday kasta oo dadaalaa uu ka helo. Waa raad togan oo ay jaamacaddu ku reebto nolosha qofka oo dhan, waxa aynu ka xusi karnaa; 1. in ay kobciso aqoonta guud …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii 1-Aad

Dhammaysashada waxbarashada jaamacaddu waxa riyada ugu weyn ee waalidka iyo ilmihiisa midaysa. Waalidka waxaa u muuqda midhaha tacabkii uu ku dhowaad 20 sanno ilmihiisa gelinayey, dhinaca kalana waxa uu arkayaa dhammaadka itaalkii iyo tamartii ku jirtay oo gabaabsi sii noqonaya, markaasuu niyadda ku dhistaa in geedkii uu beeray (Ilmihiisa) haatan hadhac noqonayo oo uu hadhsan doono. Hadhsashada dantiisa ah oo …

Read More »

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya …

Read More »

Caadooyin Qofka Ku Keeni Kara Caafimaad Darro Nafsi Ah, Xidhiidhkiisa Bulshana Burburiya

caafimaad nafsi

Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho. waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay …

Read More »

Sidee Loo Akhriyaa Wax Ku Anfaca?

WAX AKHRIS KU ANFACA: Wax kasta waad akhriyi kartaa laakiin in aad fahamtaa waa arrin kale, fahamkaasi in uu noqdo mid hoos ugu dhaadhaca maskaxdaada oo dhaqankaaga iyo ficilkaaga ka muuqdaana waa arrinta ugu muhiimsan uguna adag. Wax kasta oo aad akhrido saddexdan xeer mari: AKHRI Akhrisku waxa uu ku siinayaa maskax furnaan iyo qalbi wanaag, waxa uu ku siinayaa …

Read More »

Caadooyin Ay Tahay Inaad Iska Goyso Inta Aanay Da’daadu Gaadhin 35

Qofku qaladaad badan ayaa uu gala inta uu nool yahay, inta badanna qaladaadkaasi waxa ay raad taban kaga tagaan caafimaadkiisa jidheed iyo ka nafsadeed labadaba, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ay saamayn ku yeeshaan dadka ku xeeran. Qoraaga Yana Yakovenko oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ayaa maqaal ay dhowaan ku faafisay shabakadda FPR waxa ay ku tirisay caadooyin ay …

Read More »

Asbaabaha Ay Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga

cimri dheer,

Qormadan waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa mawduuc xiise badan oo ay cilmibaadhayaashu daraasado kadib ku soo bandhigayaan sababo ay u arkeen in ay ka mid tahay kuwa keenay in raggu ay dhimashada kaga bataan dumarka, khubaradu waxa ay sheegeen in celcelis ahaan dumarku ka cimri dheer yihiin ragga qiyaas ah 5 illaa 10 sano. Haddaba sababaha ay khubaradani u arkeen in …

Read More »

Shaqaysiga Madaxabanaan (Freelance)

Waxaa dunida si xawli ah ugu soo badanaya in dadka shaqaalaha ahi ay ka tagaan shaqooyinka shirkadaha iyo hay’adaha dawladda ama madaxbannaan iyaga oo ka doorbidaya in ay iskood si madaxbannaan ugu shaqaystaan xirfadahooda. Sahamin ay samaysay hay’adda Edelman Intelligence ee Maraykanka oo kaashanaysa madasha ‘Upwork’ ayaa daahfurtay in kala badh dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay haystaan shahaadooyin jaamacadeed, …

Read More »

5 Qodob Oo Kaa Ilaalinaya Daalka Xilliga Shaqada

daalka xilliga shaqada, daal, caajis

Shaqada oo lagu dhex caajiso ama lagu dhex luloodaa waa arrin aad ugu badan goobaha shaqada, gaar ahaan xafiisyada, waxaana si gaar ah loo tilmaamaa xiliga duhurkii oo ah gooraha ugu fiican ee qofka hurda hore seegtaa seexan karayo. Ugu horreynba daal, caajis iyo lulo uu qofku dareemo xilliga qadadu waxa ay astaan u tahay in qofkaas jidhkiisu uu tebayo …

Read More »

5 Calaamadood Oo Lagu Ogaado Saaxiibtinimada Dhabta Ah

saaxiibtinimada, saaxiibka wanaagsan, saaxiibka runta

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah halbeegyada ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in lagu dhererin karo saaxiibtinimada si loo kala garto midda danta ku dhisan iyo saaxiibtinimada waarta ee runta ah. waayo waxa inta badan dadka ka qaldama marka xidhiidhka u dhexeeyaa uu saaxiibtinimo gaadhayo iyo marka …

Read More »

Toban khalad Oo Ay Iska Ilaaliyaan Dadka Caqliga Badan!

Dadka caqliga badan, dadka maskaxda badan,

Qaladaadka ay iska ilaaliyaan dadka caqliga badan Qaladaadka oo la qirtaa waa habka keliya ee la iskaga ilaalin karo in qaladka mar dhacay marar badan lagu celceliyo, iyada oo ay sidaas tahay haddana qaar badan oo innaga mid ah ayaa ay dhibaato ku tahay in ay qaladaadkooda qirtaan. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in dadku …

Read More »

Ereyada Iyo Habdhaqannada Ay Caanka Ku Yihiin Dadka Anshaxa Wanaagsan

anshax, dadka anshaxa wanaagsan

Waxaa jira habdhaqanno iyo ereyo astaan u ah anshax wanaag, iyo quluubta dadka oo aad kasbato. Qoraaga Lisa J. Goins ayaa warbixin ay ku baahisay majaladda caanka ah ee Reader’s Digest waxa ay ku xustay ereyada iyo dhaqannada hoos ku xusan oo ay sheegtay in ay astaan u yihiin anshax wanaagga qofka. Ereyada faahfaahintooda innaga ayaa ku darnay ee qoraalkeeda …

Read More »

7 Caado Oo Sare U Qaada Awoodda Maskaxeed Ee Qofka Iyo Garashadiisa

AWOODA MASKAXDA-5

In qofku uu dhiso quwaddiisa maskaxeed iyo garashadiisu waxa ay fure u noqon kartaa in uu ka guulaysto caqadaha iyo taakooyinka nolosha sidaas waxaa lagu sheegtay Amu Morin oo ah dhakhtar uku xeeldheer cilminafsigu mar ay dhowaan u warrantay shabakadda Moto times. Iyada oo tirisay dabeecado iyo tilmaamo ay sheegtay in inta badan laga dhoy la’ yahay oo cidda maalin …

Read More »

Qodobo Qofka Ku Dhaqma Siinaya Hurdo Fiican Habeenkii, Subaxdiina Firfircooni

hurdo fiican, hurdo macaan

Qormadaan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaya in uu subaxda hore hurdada ka tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dardar iyo tamar ah u gelaya. Haddaba qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Jazeera afka hooyana aan usoo rogaynay waxa ay u dhignayd sidan: Hurdada ka hor: Soddonka daqiiqo ee ka horreeya …

Read More »