Sababaha Keeno Khuurada Badan Iyo Cilladaha Lala Xiriiriyo

Khuurada waa xaalad caan ah oo ku dhici karta qof kasta, inkastoo ay ubadan tahay ragga iyo dadka cayilan. Khuuradu waxay u nugushahay iney ka siidarto sanadba sanadka ka dambeeyo

Dadka khuuriya mararka qaar waxa dhib ah kuma ahan, dhibka kaliya ay leedahay ayaa ah iney arbush ku tahay lamaanaha sariirta la jiifo, hasa yeeshee qofka hadii uu si joogta ah u khuuriyo dhibaatadu waxay noqoneysaa in tayada hurdada ay khafiifto, waana arin u baahan karta daryeel caafimaad.

Maxaa sababa?

Khuurada waxaa sababa marka hawada mareysa afka iyo sanka ay xiranto, waxyaabaha xira waxaa ka mid ah

Marinka hawada oo xirma: Dadka qaar waxay khuuriyaan marka uu ku kacsan yahay xasaasiyad, ama marka uu infekshan kaga dhaco sanka, kala qeybiyaha sanka oo qaloocsama iyo burooyinka ka soobaxa gudaha sanka

Murqaha cunaha iyo carabka oo daciifsan: murqahaan oo kala baxa waxay sababayaan iney xiraan marinka hawada, waxayna ka dhalataa marka uu qofku u hurdo si qoto dheer, waxaa kaloo sababa khamriga iyo isticmaalka dawooyinka hurdada qaar ka mid ah, sidoo kale duqnimada wey daciifisaa murqahaan

Cadka cunaha oo weynaada: Cayilka wuxuu ka dhigi karaa cadka cunaha mid weyn, sidoo kale caruurta uu bararsan yahay qumankooda wey khuuriyaan

Dalqa dheer: dhanxanegga qeybta jilicsan oo dheer iyo dalqada oo dheer waxaay yareyn karaan qeybta isku xirta sanka iyo cunaha, sidaasna waxaa kuxirma marinka hawada

Dhibaatooyinka caafimaad ee lala xiriiriyo khuurada

Dadka si joogta ah u khuuriya waxay halis ugu jiri karaan xaalada caafimaad oo kamid ah neefta oo ku xiranta hurdada waana arin horseedi karta dhibaatooyin kale.

Neefsashada oo khalkhal ku yimaado xiliga hurdada

Hurdada oo marar badan laga soo tooso, in kastoo aan inta badan la dareemin

Hurdada fudud, hurdada oo laga soo tooso marar badan waxay is hortaagi karta in qofka uu u hurdo si qoto dheer

Dhibaato soo wajahda wadnaha, neefta oo xiranta xiliga hurdada waxay inta badan sababeysaa in qofku uu ku dhoco dhiigkar iyo faalug

Hurdo xumo, tani waxay horseedeysaa in qofku uu noqdo hurdeysan xiliga maalinti taas oo hoos udhigeysa tayada maalinta qofka

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *