Sababaha Keeno Neefta Oo Qofka Ku Dhegta Xilliyada Hurdada Iyo Xalkeeda

Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo tooso marka uu marxaladaan lakulmo. Dadka khuurada saa’idka ah leh ayaa ugu badan dadka la kulma xaaladan.

Waxaa loo qaybiyaa xanuunkaan la xadhiidha hurdada saddex qaybood oo leh sababo kala duwan. Inta badana astaantaan waa mid raagta oo aan si dhaqso ah looga kabanin. Waxaa kamid ah saddexda qaybood:

  • Obstructive sleep apnea: oo ah nooca ugu caansan lana xadhiidha marka ay murqaha dhuunto dabcaan.
  • Central sleep apnea oo ah marka ay maskaxdu u dirin wax fariin ah ama fariin ku filan murqaha kontoroola hawo qaadashada iyo saarida.
  • Complex sleep apnea ayaa ah nooc ay ku midaysan yihiin labada kor ku xussan

Waxaa sababa neefta qofka ku dhegta oo loo aaneeyaa qodobo kala duwan kuwaasoo wax laga qaban karo. Hadii la daweeyo sababta keentay ama meesha laga saaro, astaantaanta meesha ayay ka baxaysaa. Neefta oo xidhanta waxaa ay timaadaa marka ay dabcaan murqaha sare ee ku shaqada leh neef qaadashada, waxaa jira hilib ka danbeeya cadka dalqaha kaasoo isku gudbiya hawo mareenka, waxay yaraanaysa hawada galaysa hunguriga wuxuuna qofku isku dayayaa inuu si xoog ah ku qaato hawada. Marka ay dabcaan murquhu waxaa yaraanaya dhumucda hawo mareenka, hawada la qaadanayo ayaa yaraanaysa, dhiigga ayaa waxaa ku yaraanaya oksijiinta. Maskaxda ayaa helaysa fariimaha ah in hawo qaadashadu yartahay waxaana ay soo dirtaa fariimo ah in la furo afka si loo helo hawo qofka ku filan, taasoo keenta in qofku uu tooso. Qodobada kale ee lala xidhiidhiyo astaantaan waxaa kamid ah dadka qoorta gaaban, dadka cayilan, dhaxal, sigaarka iyo dadka daroogada isticmaalaba.

Hadii aan la daweyn astaantaan waxaa yimaada xanuuno kale sida xanuunada wadnaha, Macaanka, dhiigkar, walwal, iyo sas. Lamaanaha ayaa ah sidoo kale ah kuwo isku dhib qaba marka ay xaaladaan timaado.

Astaamaha sleep apnea:

  • Khuurada ayaa ah sababta ugu weyn waxaana keena marka ay isu ururaan murqaha hunguriga cad, dadka qoorta gaaban.
  • Hawa qaadashada oo hakad gasha mudo sikino ilaa daqiiqad ah
  • Hurdada oo laga soo kaco mararka la dareemo marxaladaan
  • Hurdada marka laga soo tooso oo la dareemo af qalayl iyo cuno xanuun
  • Subixii oo la dareemo madax xanuun.

Daaweynta:

Hadii ay tahay astaan yar oo aan wax dhib badan ah ku hayn qofka waxaa badanaa lagu xalin karaa qaab la xadhiidha nolosha oo wax laga badalo sida, sigaarka oo la joojiyo, miisaanka oo la dhimo, hadii qofku uu qabo xasaasiyad ama sanboor waxaa lagu dabiibaa qaab daweyn ah. Hadii astaantaan ay tahay mid heersare gaadhay waxaa jira qalab la isticmaalo kaasoo lagu furo hawo mareenka sare.

Talo:

Yaree miisaankaaga, hadii aad khuuriso isku day inaad ogaato waxa khuurada sababay una hel xal adoo booqanaya dhakhtar.

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *