Urta Oo Lunta: Sababaha Keena Iyo Xalkeeda

Sanka ayaa ah xubinta jirka u qaabilsan dareenka urta ah, waana dareen ay tarjunto maskaxda, kaas oo aynu ku kala saarayno waxyaabaha nagu hareereysan. Lumitaanka ama daciifka soo wajaha urta ayaa  noqon kara mid ay sabbabto xaalad caafimaad ama mid ku yimid si caadi ah oo aysan ka danbayn wax la xiriira cudur.  Dhibaatooyin soo wajaha sanka, maskaxa  iyo neerfayaasha jirka ayaa lagu fasiri karaa dareenka urta oo luma. Inta badan astaantaan maahan mid lagu tiriyo xaaladaha halista ah hadana waa mid marwalba u baahan baaritaan ku dheehan taxadar. Lumitaanka urta ayaa noqon kara mid joogta ah ama mid kumeel gaar ah.

Maxaa sababa urta oo lunta?

Urta ayaa u lumi karto si kumeel gaar ah ama waqti aan badnayn waxaana xiligasn sababa  xaalado kala duwan oo ay kamid yihiin hargabka, xasaasiyada, xumadda loo yaqaano Hay iyo sanboorka. Xalaadahaan ayaa ah kuwa ugu badan ee sabbaba lumitaanka urta, mana ahan kuwo ka turjumi kara xaalado halis ah ama dhibaato caafimaad.

Lumitaanka urta ayaa waxaa kaloo sababa sanka oo xirma, taasoo ay keenaan cadad hilib ah oo dadka qaar  kaga soo baxa gudaha sanka kaasoo sababa in qofka neef sashadiisa lamaqlo, sidoo kalena keeni kara lumitaanka urta waxaa kaloo xiri kara sanka burooyin kasoo baxa, kuwaasoo saamayn ku yeelan karta urta. Dhibaatooyin soo wajaha neerfayaasha dareenka ayaa sidoo kale sababi kara, xannuunada sida asaasasq, xididada maskaxda oo daciifa, sonkoroowga iyo waalida, ama qalliinda lagu sameeyo maskaxda, iyo dhaawac soo gaara madaxa iyo nafaqo la’aanta ayaa ah kuwo dhamaantood sababi kara lumintaaka urta. Astaantaan ayaa sidoo kale lagu arkaa dadka waawayn waana mid caadi ah oo inta badan aan lahayn sabab u gaar ah.

Daweynta

Lumitaanka urtu waa mid inta badan joogta ama la arko waqti kooban, waana mid daawadeedu ay ku xiran tahay hadba sababta ka danbaysa astaantaan. Sababta oo meesha laga saaro sida xasaasiyada, sanboorka, iyo xanuunada kala duwan ee keeni kara astaantaan ayaa asal u ah In la suuliyo astaantaan. Xanuunada sababa astaantaan ayaa qaarkood noqon karaan kuwo joogta ah waana sababta astaantaan ay u noqoto mid aan suulin.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *