Waa Maxay Dhibaatooyinka Mustaqbalka Fog Ee Xanuunka Sonkorowga?

Dhibaatooyinka mustaqbalka fog ee xanuunka sonkorowga ayaa si tartiid ah u kobcaya. Hadii qofku uu la nool yahay sonkoroow waqti dheer, uusan xakameynta sonkorta ku jirta dhiig, waaxaa badata khataraha dhibaatooyinka.

Ugu dambeynti dhibaatooyinka xanuunka sonkorowga ayaa noqda kuwo naafeeya bukaanka ama ku keena halis nololeed. Dhibaatooyinka imaan kara waxaa ka mid ah:

  • Cudurada xididada iyo wadnaha. Sonkorowgu wuxuu fududeeyaa cuduro dhowr ah oo ku yimaad habka wareega dhiig, waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas xanuunka xididka wadnaha, faalug, halbolayaasha jirka oo gufeysmo, qofka qaba sonkoroow wuxuu halis ugu jiraa iney soo wajahaan xanuunada wadnaha iyo faalug
  • Dhaawac soo gaara dareemayaasha. Sonkorta badan ee ku jirta dhiiga waxey dhaawici kartaa darbiyada xididada aadka u yaryar ee ku jira jirka, xididadaan waxey nafaqa gaarsiiyaan neerfaha, gaar ahaan kuwo lugaha. Dhaawacaan wuxuu sababi karaa in lugaha laga dareemo kabuubiyo, kuleyl, xanuun iyo cuncun kasoo bilowda faraha lugaha. Hadii aan la daweyn qofku wuxuu weyn karaa dareenka lugaha. Sidoo kale dhawaaca neerfaha waxaa lala xiriiriyaa dhibaatooyinka dheefshiidka, waxaana ka dhasha lalabo, matag, shuban ama calool fadhi. Ragga waxaa soo wajahi kara howl gabka kacsiga.
  • Dhaawaaca soo gaar kilyaha. Kili kasta waxaa ku dhex jira malaayiin xidido oo aad u yar yar, shaqadooduna ay tahay iney dhiiga ka miiraan wasakhda. Sonkorowgu wuxuu dhaawici karaa habka miiraha ah. Dhaawaca hadii uu bato wuxuu sababi kara in kilyaha ay fashilmaan ama in uu gaaro kilyaha dhaawac aan dib looga noqon karin, sidaa darteed bukaanka wuxuu u baahdaa in lagu sameeyo kaadi saari ama kilyo dhaqid ama in laga bedelo kilyaha.
  • Dhaawc soo gaar indhaha. Xanuunka Sonkorowga wuxuu dhaawic karaa xididada kujiraha gudaha isha, dhaawacaan wuxuu sababi karaa arag beel. Sidoo kale sonkorowgu wuxuu siyaadin kara halista xanuuno kale ee ku dhaca indhaha sida gulukooma iyo indhaha oo caad fuula.
  • Dhaawac soo gaara lugta. Dhaawacaan ama qulqulka dhiiga gaar lugta oo yar waxey sahleysaa dhibaatooyin badan oo soo gaara lugaha, sida dillaac iyo bocol. Waxaa sahal noqoneysa in lugta ay infekshan qaado. Infekshanada lugta ayaan dhaqsa ku bogsoon hadii qofku uu la nool yahay xanuunka macaanka. Infekshanada ayaa ugu dambeyti sababo in bukaanka laga gooyo lug ama faraha lugaha
  • Xaaladaha maqaarka. Sonkorta badan ee dhiiga ku jirta waxey u fududeysaa bagteeriyada iyo fangi saran maqaarka iney sababaan infekshanka maqaarka.
  • Maqalka oo xumaada. Dadka qaba sonkorta waxaa inta badan soo wajaha maqal xumo
  • Cudurka asaasaq. Asaasaq iyo sonkoroowgu ayaa la aamin san yahay inuu xiriirka ka dhaxeey walow ayasan jirin cilmi baaris si dhab ah u xaqiijisay.

Dhibaatooyinka sonkorowga uurka

Inta badan dumarka uu heleelo sonkorow xiliga ay uurka lee yihiin waxey dhalaan ilmo caafimaad qaba, hasa yeeshee hadii aan la xakameyn ama la daweyn heerka sonkorta ku jirta dhiiga, waxaa jira dhibaatooyin soo wajaha cunuga. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mdi ah:

  • Cunug aad u weyn. Sonkorta badan ee ku jirta dhiiga waxey ka gudubtaa mandheerta, waxey kicisaa ganaca cunuga inuu soo saaro hormoonka insulin. Arintaan ayaa sababi karta in cunugu uu si xad dhaaf ah u koro. Sidaa darteed waxaa adkaanaya in cunuga ay hooyada ku dhasho sida caadi ah. Waxey u baahaneysaa in qalliin looga soo saaro cunuga
  • Sonkorta cunuga oo hoos u dhacda mar uu dhasho kedib. Maadaama heerka insulin ee ku jirta jirka cunuga ay aad u sareyso, insulin waxey yareynesaa sonkorta. Waxaa qasab noqonaya in cunuga lagu duro dareere wata maadada glucose.
  • Ilmaha oo mustaqbalka u nugul sonkorowga nooca labaad
  • Hadii aan la daweyn sonkorowga uurka. Waxey sababi karta dhimasho ku timaada hooyada ama cunuga.

Dhibaatoyinka khaaska u hooyada

  • Dhiig karka xiliga uurka
  • Sonkoroowga uurka oo hooyada ku soo noqnoqda mustaqbalka, sidoo kale hooyadu waxey u nugushahay inuu ku dhaco sonkorowga nooca labaad.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *