Xanuunka Sonkorowga Iyo Galmada: Sidee Ayuu U Kala Saameeyaa Ragga Iyo Haweenka

Waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 35 ilaa 75 boqolkiiba ragga la nool xanuunka sonkorowga inay siyaaba kala duwan u dareemaan howl gabka kacsiga. Ragga la nool sonkorowga waxey badanaa dareeman kacsi la’aan 10 ila 15 sano ka hor xiliga ay dareemaan asaagooda aan la nooleen xanuunka. Ragga qaba sonkoroow marka ay da’doodu si weynaato waxaa wax iska caadi ah ku noqda howl gabka kacsiga.

Maxay ragga la nool sonkorow uu ugu dhacaa howl gabka kacsiga?

Waxyaabaha ku sababo ayaa waxay isku jiraan dareemaha, xididada iyo murqaha guska oo daciifa. Ragga si ay u kacsadaan waxey u baahan yihiin xidido iyo neerfa caafimaad qaba, hormoonada ragga iyo rabitaan galmo. Sonkorowgu wuxuu dhaawici karaa xididada iyo neerfaha xakameeya kacsiga. Sidaa darteed waxaa ku adkaanka kara bukaanka inuu xejiyo kacsi xitaa hadii jirka uu ku jiro hormoonka ragga xadki laga rabay.

Dumarka muxuu ku sababaa?

Dhaawaca neerfaha iyo xididada maamula kacsiga ayaa ku sababa dumarka in uu ka dhigo xubintooda galmada mid qaleyl ah. Arintaan ayaa ah mid laba laab ugu dhacda dumarka la nool xanuunka macaanka. Qaleylkaan wuxuu sidoo kale soo wajahaa dumarka gaaray da’da dhalma joojinta.

Ilaa iyo hadda si buuxda looma fahansana sababta keenta in uu yaraado qoyaanka marka dhalma joojinta aysan aheyn sababta. Dumarka la nool sonkoroowgu waxey sidoo kale u nugul yihiin inuu kuu dhaco dhibaatooyinka ka dhasha xanuunkaas.

Biyo baxa

Biyo baxa waa abaalmarinta looga gol lee yahay galmada, hasa yeeshee ragga iyo dumarka la nool xanuunka sonkorowga waxey dareemi karaan in yoolkaas uu yahay mid aan la gaari karin

Dhanka dumarka

Guud ahaan dumarka ayaa ku dhiban sida ay ku heli lahaayeen biyo bax, kuwooda la nool sonkoroowga ayaa qaba dhib kaas kasii badan. Xaqiiqada ayaa waxey tahay biyo bax la’aanta dumarka in ay salka ku hayso  hadba xaaladooda dareen ee maskaxiga ama shucuurta ah. Hasa yeshee macaanku wuxuu ka qeyb qaataa dhibaatada biyo bax la’aanta.

Dhanka ragga

Waxaa ragga u fudud iney inta badan biyo baxaan, waana sababta ragga ay ugu caal waayaan marka ay soo wajahdo biyo bax la’aan. Ragga iyo dumarkaba waxay wax yeelo kasoo gaartaa xididada iyo neerfaha, waxyeeladaan ayaa adkeysa iney biyo baxaan.

Talo

Muhiimadda galmada ayaa ah in adiga iyo lamaanahaaga aad ka heshaan farxad, iyo in uu hoos u dhaco walwalka, hadii galmada aysan saxneyn ogoow waxaa jahwareer ku imaanaya noloshaada iyo tan lamaanahaaga. Waa xaqiiqo, ka bulsho ahaan inaan nahay dad aad uga hishooda mowduuca galmada xitaa hadii ay la xiriirto caafimaadka qofka. In kastoo dadka la nool sonkorta ay badanaa soo wajahdo dhibaatada galmada, hadana waxaa aad u yar dad raadiya talo caafimaad.

Ogoo sonkorta waa xanuun saameyn ba’an u geysta jirka bani aadamka, waxaa muhiimad aan la dhayalsan karin ah in si adag loo xakameeyo sonkorta ku jirta dhiiga, sidaa dared waa muhiim in bukaanka uu juhdi badan ku bixiyo sida ay u saxmi laheyd cunnada qofka, sababtoo ah hadii cunnada la saxo waxaa fududaanaya xakameynta sonkorta.

Waxaan kula talineynaa qof walba oo la nool xanuunka sonkorta in 3di bil ba mar uu booqdo dhaqtarka, sonkorta uuna la socodsiiyo sida ay xaalada markaas tahay, iyo in fiira gaar ah lagu haayo caafimaadka kilyaha iyo indhaha qofka.

Akhriso: Cuntooyinka dejiya Sonkorta dhiigga

Dhibaatooyinka mustaqbalka ee sonkorowga

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *