Dhiig Karka Iyo Galmada, Sidee Ayuu Kala Saameeyaa Ragga iyo Dumarka?

Dhiig karka iyo galmada:

Cadaadiska dhiigga oo kaca malahan calaamado lagu garto oo u khaas ah, balse saamaynta uu ku leeyahay galmada waa mid waadix ah. Inkastoo galmadu aysan khatar caafimaad ku keenin qofka, sida wadna xanuun deg deg ah, hadana cadaadiska dhiigaaga oo kaca xilliga galmada wuxuu saamayn ku yeeshaa nuxurka galmada.

Khuburada caafimaadku waxay cadeeyeen in xiriir wayn uu ka dhaxeeyo cadaadiska dhiiga oo kaca iyo galma xumo soo wajahda ragga. Balse xiriir kaasoo kalaa kama dhaxeeyo cadaadiska dhiiga oo kaca iyo galmada dumarka oo xumaata.

Caqabadaha ragga soo wajaha:

Cadaadiska dhiiga oo kacsanaada waqti dheer wuxuu sabbabaa in dhuumaha halbowlayaasha
dhiiggu ay yaraadaan isla markaana adkaadaan, taasoo keenaysa in isu socodka dhiigga ee jirku uu xaddidmo, taasoo sabbabaysa in dhiig aad u yar uu soo galo xubinta taranka ragga.

Ragga qaarkood, yaraanshaha dhiiga maraya xubintooda taranku waxay ku keentaa kacsi la aan, taasoo aakhirka isu badasha hawl gabnimo dhinaca galmada ku timaada.

Kacsanaanta cadaadiska dhiiggu waxay kaloo ka qayb qaadataa kacsi la aanta ragga iyo hamada oo ragga ka guurta. mar marka qaarkood dawooyinka loo isticmaalo in lagu dajiyo cadaadiaka dhiiga ayaa sabbaba fallalkan oo kale.

Hal mar oo ninka ragga ahi uu iska waayo hawadii uu galmada ku samayn lahaa ayaa keeni karta cabsi xoogan iyo argagax ninka soo wajahda, asagoo ka baqaya in arintaas marar kale soo laabato. Taasina waxay ragga ku keentaa inay galmada ka baqaan si aysan lamaanahooda ugu hor fashilmin. Cabsida noocaas ah waxay lamaanayaasha is qaba ku keentaa xiriir xumo iyo qosyska oo duma.

Ragga xaaladaha noocan ahi haystaan waa inay dhakhaatiirta kala tashadaan sida wax u jiraan.

Caqabadaha dumarka soo wajaha:

Saamaynta uu cadaadiska dhiigga ee kacaa ku yeesho galmada xumaata ee dumarka maahan wax si fiican loo fahamsan yahay. Balse waa macquul in kicida cadaadiska dhiiggu ay saamayn ku yeelato galmada dumarka.

Cadaadiska dhiigga oo kaca wuxuu yarayn karaa qul qulka dhiigga ee xubinta taranka haweenka
qaarkood. Tani waxay keentaa in xiisaha galmadu ay ka tagto haweenayda, in xubinta taranka haweenaydu ay qalasho iyo in raaxada galmadu ka tagto haweenayda.

Sida raggoo kale dumarku waxay la kulmi karaan xaalad cabsi iyo argagax leh iyo xiriirka lamaanaha oo xumaada hadii haweenaydu isku aragto in hawadii galmadu ka guurtay.

Dumarka wajaha caqabadahaan waa inay la kulmaan dhakhaatiirta ku shaqada leh xanuunkooda.

Waa maxay saamaynta ay dawooyinka loo isticmaalo dhiigkarka ku keenaan galma xumada ragga?

Dawooyinka lagu yareeyo cadaadiska dhiiga ee saamaynta ku yeesha galmada ragga waxaa kamid ah:

  • Water pills (diuretics): waa nooc kamid ah dawooyinka yareeya cadaadiska dhiiga, dawooyinkaan waxay yareeyaan qulqulka dhiiga ee xubinta taranka ragga, taasoo adkaynaysa kacsiga ragga. Dawooyinka waxay kaloo jirka ka saaraan macdanta loo yaqaano zinc oo muhiim u ah soo saarida hormoonka galmada ka qayb qaata sida hormoonka loo yaqaano testosterone.
  • Beta blockers: waa nooc kale oo kamid ah dawooyinka yareeya cadaadiska dhiiga. Dawooyinka waxay siiba ragga duqoobay ku keentaa hawo la aan iyo tabar dari dhinaca galmada kasoo wajahda.

Talo:

Haddaba si aad u yaraysid saamaynta xun ee dawooyinkan ku yeeshaan galmadaada, u qaado dawooyinka sida dhakhtarkaagu kuu soo sheegay, hadii ay wali dhibaatooyinku sii socdaan waa inaad dhakhtarkaaga kala hadashaa inuu kuu qoro dawooyin kuwaas ka saamayn yar, sabbabtoo ah dawooyinka lagu yareeyo cadaadiska dhiigu kuma wada lahan saamayn galmada ragga.

Hadaba si dhakhtarkaagu u fahmo xaaladahaaga oo dhan, sahalna ugu noqoto inuu xal u helo xaaladaada waa inaadan ka qarin wax walba oo ku saabsan galmada aad samaysid iyo dawooyinka kale ee aad qaadatid, hadaad qaadatid dawo dheeraad ah waa inaad u sheegtaa dhakhtarkaaga.

Ugu danbayntii ku kalsoonoow ilaahay subxaanuhu watacaalaa, waayo Allah kaliya ayaa amuurahaaga fahmi kara, xallina kara.

Akhriso: Xanuunka Sonkoroowga Iyo Galmada: Sidee Ayuu U Kala Saameeyaa Ragga Iyo Dumarka?!

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *