Faa’idada Galmada Aroortii Iyo Ahmiyada Ay U Leedahay Ragga Iyo Dumarka

Ma ogtahay in galmada aroortii ay faai’do u leedahay caafimaadkaaga? 

Tijaabooyin la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lamaanayaal badan ay galmada habeenkii iskaga daayaan daal awgiis, haddaba maxaa diidaya in galmada la sameeyo subaxda hore? 

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, galmada aroorta hore waxay leedahay faai’dooyin caafimaad oo badan. Sii akhri si aad wax badan aad uga ogaato faa’idooyinkaas. 

Kobcinta hammiga kacsiga: 

Aroorta hore waa xilli uu qofku dareemayo nashaad iyo firfircooni, qulqulka dhiigguna si habsami leh u gaadhayo xubnaha taranka, sida awgeed waxaa siyaada rabitaanka galmada. 

Maqaar ifaya: 

Galmada aroortii waxay kordhisaa soo saarista hormoonka “oestrogen”, kaas oo sare u qaadaa dhalaalka maqaarka. 

Ka hortagga wadne qabadka: 

Galmadu waxa ay hoos u dhigi kartaa cadaadiska dhiigga. Marka cadaadiska dhiiggu uu joogo heerka dabiiciga ah, waxaa yaraada halista wadne qabadka. 

Daweynta niyad jabka: 

Sida lagu arkay cilmi baaris la sameeyay marka lagu raaxaysanayo galmada aroortii ee waqtiga dheer socota, maskaxdu waxa ay soo deysaa hormoonka “oxytocin” kaas oo awood u leh daweynta niyad jabka. Hormoonkani waxa uu xiriir lala leeyahay jacaylka, kalsoonida, iyo xiriirka wanaagsan. 

Ka hortagga dhan-qallalka (stroke): 

Galmada aroortii waxa ay yareysaa cadaadiska dhiigga, waxay ballaadhisaa halbowleyaasha dhiigga, waxayna ka hortagtaa guntamaha dhiigga, sidaas darteed waxay ka hortagtaa dhan-qallalka ama faaligga  oo ah xanuun halis ah oo ku soo badanaya wadamada soo koraya, kaas oo ka dhasha qulqulka dhiigga xididada maskaxda oo xannibma. 

Awood siinta difaaca jidhka: 

Galmada aroorta hore waxaa la aaminsan yahay inay ka shaqaysiiso soo saarista barootiina “immunoglobulin A” taas oo xoojisa habdhiska difaaca jirka aadamaha, caawisana in jirku uu si wacan ula dagaallamo cudurrada. 

Dhimista miisaanka: 

Galmada aroortii waxay gubtaa kalooriska, sidaas darteed waxay caawisaa miisaan dhimista.  

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *