6 Faaido Oo Ay Leedahay galmada Xilliga Uurka

Uurku waa marxalad xasaasiya oo ka mid ah nolosha haweeneyda taas oo ka hor istaagi karta inay si waddo xiriirka galmo ee lammaanheeda. Waxaa lagaa yaabaa in haweeneyda uurka leh ay ka fogaato galmada rabitaanka oo aad ugu yar awgeed ama isbeddelada badan ee jirkeeda ku imaanaya awgood ama cabsi ay ka qabto in galmadu ay dhibaato u keeni karto iyada iyo ilmaha caloosha ku jira.

Galmadu waxay aasaasi u tahay nolosha banii-aadamka, waxayna kaalin wayn ka ciyaartaa fayow-qabkooda. Dumarka qaar, uurku wuxuu isbedel ku sameeya xiiseyntooda iyo qanaacadooda galmada inta lagu jiro mudadda uurka halka qaarna uureysigu uusan beddelin rabitaankooda galmada.

Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?
Suurtagal ma ahan in ilmaha ku jira ilmo galeenka ay wax u dhinto galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo lafaha sinta ayaa ka shaqeeya inay ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.

Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala hadal dhakhtarkaaga. Galmada waqtiga uurku maahan mid xanuun leh hadii uusan xanuun kale jirin.

Hadii haweenay caafimaad qabta ay uur yeelato isla markaasna doonayso inay ninkeeda galmo la samayso majiraan haba yaraatee wax khatar ah oo ka hor taagan galmadaas, marka laga reebo isbuucyda ugu danbeeya uurka oo ay fiican tahay in xooga la yara joojiyo.

Faa’idooyinka galmada ee xilliga uurka

Galmada waxay leedahay faa’idooyin jireed iyo kuwo nafsadeed, waxaa ka mid ah kordhinta kalgacalka lammaanaha, daawaynta stress-ka iyo walwalka iyo gubista kalooriska.

Kacsiga xooggan:

Uurku waxa uu siyaadiyaa soo saarista labada hormoon ee kala ah “oestrogen” iyo “progesterone”. Marka uu kordho oestrogen waxaa bata qulqulka dhiigga ee miskaha taas oo kordhinaysa kacsiga haweeneyda taas oo wanaajinaysa qanaacadeeda galmada hoosna u dhigaysa heerka stress-ka. Madooyinka kiimikada ee maskaxdu soo dayso xilliga galmada waxay xoojiyaan awoodda difaaca jirka.

Ka hortgagga dhiig karka xilliga uurka

Preeclampsia waa xaalad ku dhacda dumarka uurka leh waxaana lagu yaqaanaa cadaadiska dhiiga oo yara kaca marka gabadha uurka lihi ku jirto isbuuca 20aad. Preeclampsia ama dhiig karka xiliga uurku wuxuu sababaa in cadaadiska dhiiggu uu siyaado, kadibna wuxuu gaaraa heer uu cadaadiskaas ku dhaawici karo xididada dhiiga qaada ee jirka. dhiiga karka xiliga uurku wuxuu saameeyaa shaqada kilyaha, waxaana lagu gartaa kaadida oo uu soo raaco borotiin. Galmada joogtada ah waxay hoos u dhigtaa khatarta dhiig karka xilliga uurka. Galmadu waa nooc jimicsiga ka mid ah waxay gubtaa kalooriska taas oo ka qayb qaadanaysaa yaraynta cadaadiska dhiigga.

Hoos u dhigista dhabar xanuunka:

Dumar badan waxay isku arkaan dhabar daran xilliga uurka, daraasado dhowr ah ayaa shaaca ka qaaday in galmadu ay waxtar badan u noqon karto dhabar xanuunka. Hormoonka oxitocin ee jirku soo daayo xilliga galmada wuxuu baabi’iyaa xanuunka wuxuuna keena in qofku uu dareemo xasilooni ama istareex.

Adkeynta murqaha miskaha:

Kacsiga wuxuu ka qayb qaataa xoojinta murqaha miskaha, taas oo yaraynaysaa xanuunka foosha, islamarkaana caawinaysaa kantaroollista kaadi haysta. Murqaha miskaha ee adag waxay horseedaa in dhakhso looga soo bogsado dhalmada.

Xakamaynta miisaanka:

Cayilka xad dhaafka ah xilliga uurka waxaa uu keenaa dhibaatooyin badan. Galmadu waxay caawisaa xakamaynta miisaanka jirka xilliga uurka, galmadu waa jimicsi u fiican haweenka uurka leh kaas ka caawiya inay iska ilaaliyaan in cayil badan uu fuulo.

Wanaajinta hurdada:

Galmadu waxay caawisaa in jirku uu soo daayo hormoonka endorphins kaas oo keena hurdo wanaangsan, galmadu waxay daawo waxtar badan u tahay helidda hurdo fiican gaar ahaan haddii hooyadu ay leedahay cillado hurdo. Galmadu waxay kuu sahlaysaa inaad dhakhso u gam’ado, hurdo xasiloonna aad seexato.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *