Qiimaha Caafimaad Ee Liin Dhanaanta

Liin dhanaantu waxaa laga helaa faa’iidooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, laakiin waxaan ka hadli doonaa, insha Allah, faa’iidooyinka badanaa la isku waafaqsan yahay:

  • Liin dhanaantu waa aashito, laakiin markii ay jirka gudaha u gasho, waxay yaraysaa aashitada jirka, taasoo isu dheellitiraysa dheecaannada jirka.
  • Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, fitamiinkaan oo xoojiya difaaca jirka, lana dagaallama infekshannada ay fayrasyadu keenaan sida hargabka iyo ifilada.
  • Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada yuurik (Uric Acid). Waxay kaloo mishaa dacarta. Sidaas daraaddeed, waxaa lagu taliyaa in qofku subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerku u nadiifismo.
  • Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxayna kordhisaa dhaqdhaqaaqooda si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jira. Waxay kaloo la dagaallantaa gooryaannada caloosha ku jira, sida toontu oo kale.
  • Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid-dhiigga (Scurvy), xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha. Waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku filan u qaataan safarradooda.
  • Liin dhanaanta waxaa ku jira aashitada loo yaqaan Citric Acid, taasoo jirka ka caawisa inuu misho ama dhalaaliyo dhagxaanta ku samaysma xameetida iyo kilyaha. Dadka ay ku soo noqnoqdaan dhagxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu boorriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.
  • Qolofka liin dhanaanta waxaa ku jira maaddo loo yaqaan Tangeretin, taasoo la sheegay inay daawo u tahay xanuunka laleemada ee Parkinson’s Disease.
  • Liin dhanaantu waxay xal u noqotaa cabburka iyo oksijiin-yarida, waxayna siisaa jirka awood uu oksijiin yar ku noolaan karo. Arrintaan ayaa la sheegay in la ogaaday markii ninkii ugu horreeyay ee gaaray cirifka buurta Mt. Everest uu sheegay inuu liin dhanaan keliya cuni jiray intii uu safarka buurta ku jiray.
  • Liin dhanaantu waxay xoojisaa xididdada dhiigga, waxayna yaraysaa halista inay xididdadu dillaacaan ama qofka dhiigbax gudaha jirka ah ku dhaco, gaar ahaan dadka qaba dhiig-karka.
  • Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo la sheegay inay daawo u tahay xanuunnada ku dhaca shabakadda isha ee Retina. Waxaa la sheegay inay sabab u tahay maaddo liin dhanaanta ku jirta oo loo yaqaan Rutin.
  • Liin dhanaanta waxaa ku jira 22 walxood oo la sheegay inay kansarka la dagaallamaan, kuwaasoo Alle ku abuuray liin dhanaanta. Howsha ugu badan ee ay qabtaan ayaa lagu sheegay hakinta ama joojinta taranka unugyada kansarka.
  • Liin dhanaantu waxay jirka siisaa nafaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin fitamiin C, fitamiin B, kaalshiyam, bir, magniisiyam, bootaasiyam iyo kuwo kale oo badan.
  • Liin dhanaantu waxay nuurisaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in jirka looga baabi’iyo haaraha wajiga ee noocyadooda kala duwan. Waxaa taariikhda lagu sheegaa in dadka Shiinuhu ay aroosyada ugu qubeyn jireen liin dhanaan dhowr maalmood ka hor inta aan la aroosin. Waxaa sidoo kale la sheegay in liin dhanaantu ay maqaarka ka baabi’iso haaraha, iftiin u kordhiso, unugyada dhintay ka qaaddo, isla markaana yarayso laalaabyada maqaarka.

W/Q: Dr Abdullahi Mahdi

Check Also

Sababaha Keeno Dhibcaha Cadcad Ee Ciddiyaha Ku Samaysma

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa baraha ama dhibcaha cadcad ee ku samaysma ciddiyaha, afka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *