Qiimaha Caafimaad Ee Cabitaanka Yaanyada Ama Tammaandhada

Yaanyadu waa khudrad inta badan laga helo jikada, si fududna loogu beeran karo guryaha.

Yaanyada waxaa laga samayn karaa cabitaan nafaqo badan oo dawo ah. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, yaanyada waxaa ku jira maadooyin kala duwan oo caafimaad faaido ugu jirto waxaana ka mid ah; beta-carotene, GABA, Lycopene, alpha-lipoic acid, lutein iyo zeaxanthin.

Nafaqooyinka yaanyada ku jira waxaa ka mid ah fitamiin C, Fitamiin A, folic acid, choline, phosphorus, potassium, calcium iyo fiber.

Waa kuwaan faaidooyinka waa wayn ee laga helo cabitaanka yaanyada:

Hoos u dhigista kolestaroolka:

Cabitaanka yaanyada waxaa ku jira walxo loo yaqaanno 13-oxo-ODA, kuwaas oo yareya heerarka kolestaroolka kacsan ee jirka kaas oo keeni kara xididada oo xannibma (atherosclorisis), dhan-qallal (stroke) iyo cilladaha kale ee wareegga dhiigga. Cabitaanka yaanyadu waxa uu caawiyaa nidaaminta dheefsiga dufanka kolestaroolka.

Dhiig karka:

Yaanyada waxaa ka buuxa macdanta “Potassium” taas hoos u dhigta milixda jirka ee sodium-ta. Macdanta potassium waxa ay ka qayb qaadataa xakamaynta cadaadiska dhiigga.

Xoojinta difaaca jirka:

Maadooyinka sunsaarista ee ka buuxa yaanyada sida fitamiin C, “lycopene” iyo “beta-carotene” waxaa lagu yaqaannaa inay xoojiyaan difaaca jirka. Cabitaanka yaanyadu wuxuu kordhiyaa maadooyinka “carotenoids” ee jirka kuwaas oo awood siiya difaaca jirka kana hortaga cilladaha difaaca jirka ee khalkhalsan.

Maaraynta sonkorowga:

Buurnida xad dhaafka ahi waxay ka mid tahay sababaha keena cudurka sonkorowga. Walxaha “PPAR” ee ku jira cabitaanka yaanyada, ma ahan oo keliya inay hoos dhigaan heerka dufanka dhiigga, balse waxay kaloo yareyaan heerka sonkorta dhiigga ee sarreysa, taas oo wanaajinaysa firfircoonida hormoonka insulin.

Walxaha “PPAR” waxay kaloo yareeyaan hurka ama waxa loo yawaanno “inflamnation” oo ka mid ah sababaha ugu waa wayn ee keena xanuunka sonkorta waxayna kordhiyaan soo saarista hormoonnada “adiponectin” iyo “AdipoR” oo haddii ay hoos u dhacaan sababi kara sonkorowga ka dhasha cayilka badan.

Ka hortagga kansarka:

Sida aan kor ku soo xusnay, yaanyada waxaa ka buuxda Maadada sunsaarista “lycopene” oo liddi ku ah kansarka. Maadani waa tan yaanyada u samaysa midabka guduudka.  Waxaa la aaminsan yahay in cabitaanka yaanyadu uu yareeyo halista cudurka kansarka, khaasattan noocyadisa ku dhaca sambabada, caloosha, naasaha iyo qanjirka manida ee borosteytka.

Dhimista miisaanka:

Cabista cabitaanka yaanyadu waxa uu noqon karaa mid ka mid ah hababka ugu fudud ee loo dhimo miisaanka. Sida ay tilmaamayso daraasad la sameeyay, cabitaanka yaanyadu wuxuu yareeyaa hormoonnada “cytokines” kuwaas oo haddii ay jirka ku bataan lala xiriiriyo cayilka. Sida oo kale, cabitaanka yaanyada waxaa ku yar kalooriyada, si fududna waa loogu dhergaa, sidaas awgeed wuxuu caawiyaa in si caafimaad leh miisaanka loo maareeyo.

Dawaynta niyad jabka iyo walwalka:

Cabitaanka yaanyada waxaa ku badan maadooyinka “lycopene” iyo “GABA” oo labaduba lagu yaqaanno inay dejiyaan cilladaha nafsiga ah sida niyad jabka, walwalka iyo isbedellada niyadda gaar ahaan haweenka ku jira dhalmo deyska.

Hoos u dhigista halista lafo-beelka:

Dumarka ku jira dhalmo deyska waxay u nugul yihiin cudurrada lafaha la xiriira sida cudurka lafaha burburiya ee loo yaqaanno “osteoporosis”. Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, maadada “lycopene” ee ku badan yaanyada waxay yareysaa halista cudurka lafo-beelka.

La dagaallanka astaamaha gabowga:

Cabitaanka yaanyada waxaa ku jira walxaha loo yaqaanno “carotenoids” oo liddi ku ah gabowga. Cabitaanka yaanyada oo maalin kasta la cabbo, waxay unugyada ka ilaalisaa dhaawaca walxaha sunta ah ee “free radicals” waxayna caawisaa dib u cusboonaysiinta unugyada taas oo muhiim u ah daahinta gabowga. Cabitaanka yaanyadu wuxuu kaloo daweeyaa cilladaha maqaarka sida findoobka iyo kor qalleylka. Fitamiin C-ga ku badan cabitaanka yaanyada waxa uu kordhiyaa soo saarista barootiinta collagen ee maqaarka taas oo hagaajisa awoodda kala jiidmasho ee maqaarka, islamarkaana ka dhigta mid dhalinyaro.

Caafimaadka indhaha:

Yaanyada waxa ay hodan ku tahay maadooyinka lycopene, lutein, iyo beta-carotene oo ah sunsaareyaal awood badan kuwaas oo la arkay inay ka hortagaan cilladaha aragga lumiya sida caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration.

Sidee loo diyaariyaa cabitaanka yaaanyada?

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 illaa 3 xabbo oo yaanyo daray ah (fresh)
  • Far iyo suul milix ah
  • 220 ml oo biyo kulul ah

Habka diyaarinta:

  • Soo qaado baaquli, ku rid yaanyada, ku shub biyaha kulul.
    Walaaq cabbar.
    Kasoo bixi yaanyada, waxaad dareemaysaa in yaanyada diirkeeda uu xooga jilcay. Ka fiiq diirka.
  • Jar jar yaanyada oo ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido.
  • Shiid illaa uu ka noqonayo cabitaan jilicsan.
  • Miir cabitaanka, ku shub koob oo ku dar milixda, isticmaal inta uu fresh-ka yahay.
  • Sida oo kale,  waxaad ku darsan kartaa biyaha liin dhanaanta iyo qaado yar oo sonkor ah si aad dhadhankiisa u wanaajiso.

Xeeldheereyaashu waxa ay ku taliyaan in la cabbo hal koob oo cabitaanka yaanyada ah maalin kasta si loo helo faaidooyinkiisa.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *