Kansarka Ku Dhaco Qanjirka Manida Ee Ragga

Kansarka borosteyt wuxuu ku dhacaa qanjir kamid ah qanjirrada ragga kuwa ugu muhiimsan, qanjirkan wuxuu ka hooseeyaa kaadi haysta waana qanjir yar oo isku uruursan, qanjirkan waxa uu ragga u qabtaa shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay inuu soo daayo qayb ka mid ah dheecaannada shahwada ee ragga.

Qanjirkan wuxuu kamid yahay xubnaha ugu nugul inuu ku dhaco kansarka raggu marka laga reebo kansarka maqaarka oo ah kansarka ugu badan ee ragga ku dhaca.

Kansarka ku dhaca xubintan waa mid ku socda si tartiib ah ama aan lahayn xawaare sare oo uu ku koro ama durbadiiba ku fido waxaana laga yaabaa inuusan khatar saas u wayn yeelan badanaa, balse mar marka qaarkoodna wuxuu noqdaa mid dhib badan oo si xawli ku faafa hadaan ladawayn.

Astaamaha Kansarka qanjirka ragga ee Borosteytka

Maalmaha hore oo uu cusub yahay cudurkaan badanaa wax calaamadaa kama soo baxaan ragga uu haleelo, balse xiliyada danbe oo marayo marxaladaha ugu xun wuxuu yeeshaa calaamado ay kamid yihiin;

  • Kaadi badan waliba habeenkii
  • Kaadida oo bilowgeeda iyo istaajinteedu dhib noqdo
  • Kaadi mareenka oo daciifa
  • Kaadida oo ku gubta ama xanuun daran yeelata

Ma qanjirka borosteytka ayaa ku waynaaday ayadoo aan xanuun jirin mise kansar baa ku haya?

Dadka qaarkiis way ku adagtahay inay kala saaraan in qanjirku si caadiya u waynaaday iyo in uu kansar hayo, qanjirka borosteyt-ku wuxuu awoodaa inuu waynaado ayadoo aan xanuun keenin waynaataas, waxayna tani ku xirantahay da’da ragu ay marayaan, taas micnaheedu waxaa weeye in hadii da’daadu sii waynaaato uu qanjirkan waynaanayo.

Marka taas laga soo tago waxaa kaloo jirta xaalad kale oo aan kansar ahayn oo ku dhacda qanjirkan taasoo ah in mar marka qaarkood hadaad taabatid kaadi haysta ama tuubada kaadi mareenka in aad dareentid calaamadaha lagu yaqaan marka kansarku haleelo qanjirkan, balse nasiib wanaag xaaladani maahan kansar waxaana la dhahaa

Waxaa dhici karta in xaaladaan aan kansarka ahayn mar marka qaarkood, hadii ay taasi dhacdana ha walwalin maahan kansar waana wax sahlan oola dawayn karo.

Waxaa kaloo jirta xaalad sadexaad oo dhib ku keenta qanjirkan balse aan kansar ahayn, waxaaan loo yaqaanaa borostatis. Waa caabuq ku dhaca qanjirka borosteytka kaasoo keena qandho.

Maxaa keeni kara kansarka qanjirkan oo aadan awoodi karin inaad iska ilaaliso?

  • Da’ wayn waa mid kamid ah waxyaabaha sahla inuu kansar ku dhaco qanjirkan, khaas ahaan marka da’daadu dhaafto 50 sano. Cilmi baaris la sameeyay ayaa sheegaysa in dhamaan raga da’doodu dhaaftay 70 sano ay badanaa qabaan kansarka ku dhaca qanjirka prostate-ka inkastoo ay kala sahlanaan karto xaaladoodu.
  • Reerkiina aad sinji ahaan kasoo jeedo oo dhaxal ahaan cudurkaan qabi jiray ayaduna waa mid kamid ah qodobada aadan awoodin inaad iska ilaalilo cudurkaan.

Nasiib wanaag waxaa jira waxyaalo badan oo keeni kara kansarka ku dhaca borosteytka oo laga hortagi karo:

  • Cuntadu waxay door wayn ka ciyaartaa soo if bixida cudurkaan, khuburuda caafimaadku waxay isku raaceen in badanaa wadamada laga cuno hilibka iyo caanaha subaga badan uu cudurkaan ku badanyahay, Inkastoo sababta aan ilaa hada si toosa loo cadayn hadana waxaa jira aaraa oronaysa caanaha subaga badan iyo hilibka cas ama guduudan waxay kor u qaadaan cadadka dheecaanada raggu soo daayo taasoo keeni karta in qanjirka borosteytku uu soo saaro unugyo badan oo kansaraysan.
  • Sidoo kale cunooyinka aan lahayn ama aysan ku badnayn qudaarta iyo fawaakihdu waxay door kale ka ciyaaraan kansarka qanjirkan.

Waaxaa jira waxyaalo badan oo ay sameeyaan bulshada qarnigaan nool oo dadka qaarkiis u haystaan in ay keenaan kansarka borosteytka waxaa kamid ah waxyaalahaas; in aad xaaskaaga la samaysid galmo xadkeedu badanyahay iyo siigaysiga. Sidoo kale waxaa socda wali baaritaan lagu ogaanayo in qamriga, cudurada lagu kala qaado galmada, ama caabuqa ku dhaca qanjirka borostatis ay sababaan kansarka borosteytka

Ugu danbaytii baro oo isku day inaad cuntid cuntooyinkan kaa yaraynaya ama kaa ilaalinaya kansarka ku dhaca qanjirka borosteytka sida:

Cuntooyinka isku dheeli tiran lagana ilaaliyay waxyaalaha wasakhda ah iyo waxyaalaha aan dabiiciga ahayn ayaa la ogaaday inay yihiin kuwo aad uu u sareeyo caafimaadkoodu.

Hadaba isku day inaad taas samaysid kadibna mar labaad isku day inaad joogtaysid cuntooyinka soo socda si aad uga badbaadid khatarta cudurkaan.

  • Cun 5 xabo oo fawaakihaat ah ama qudaar ah maalin walba
  • Cun Cuntooyinka dabiiciga ah tusaale ahaan halkii aad ka cuni lahayd daqiiq ama bur ama bariis ama baasto ku badalo masago, galay, haruur,iyo sareen.
  • Iska yaree cunida hilibka baruurta badan leh
  • Iska yaree ama jooji cunida hilibka lasoo jalaateeyay ama lasoo qasacadeeyay sida.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *