Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Subaga Lawska

Subagga lawsku waa cunno macaan, nafaqo ahaanna hodan ah. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaali karaa sida in roodhida la marsado iyo cabitaannada dabiiciga ah lagu dhex shiito.

Subaga lawska waxaa ka buuxa dufannada loo yaqaanno “monounsaturated fats” iyo nafaqooyin kala duwan.

Cunista 2 qaaddo oo subaga lawska ah waxa ay ku siinaysaa 188 garaam kalooris ah, 8 garaam oo barootiin, 6 garaam oo kaarbohydareet ah iyo 16 garaam oo dufan ah.

Hadda daryeel Magazine waxa uu halkan ku xusayaa 10 faaido oo uu leeyahay subagga lawska. Sii aakhri si aad waxa uga ogaato faaidooyinkaas.

Il hodan ku ah barootiin:

100 kii garaam oo subagga lawska ah waxaa ku jira 25 illaa 30 garaam oo barootiin ah. Barootiintu waxa ay ka mid tahay nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah jirka aadamaha, waxayna siisaa tamarta muhiimka u ah in uu qofku u helo firfircoonida uu ugu baahan yahay hawlgudashadiisa, sidoo kale waxa ay barootiintu u fiican tahay muruqaha iyo Nudeyaasha.

Hoos u dhigista kolestaroolka:

Dufanka ku jira subagga lawska wuxuu u dhigmaa dufanka saliida saytuunta. Waxaa ku jira dufannada loo yaqaanno “monounsaturated fats” oo caafimaadka uroon, wadnahana aan dhibaato ku ahayn. Dufannada caafimaadka leh ee ku jira subaga lawska waxa ay yareeyaan heerarka kolestaroolka xun, waxayna kobciyaan kolestaroolka faa’idada leh.

Ka hortagga sonkorowga nooca 2-aad:

Isticmaalka subagga lawsku waxay kaloo faaido u leedahay ka hortagga cudurka sonkorowga nooca 2-aad. Subagga lawska waxaa ku jira dufanno wanaajiya firfircoonida insulin. Waxaa kaloo ku jirta macdanta magnesium oo nidaamisa heerka sonkorta dhiigga sida oo kalena ka qayb qaadata xakamaynta cadaadiska dhiigga “blood pressure”. Sida lagu arkay cilmi baarisaha, qaadashada subagga lawska oo la kordhiyo waxay hoos dhigtaa halista sonkorowga nooca 2-aad.

Waxaa ka buuxa faytamiinno:

Ma ogtahay in subaga lawska ay ku jiraan faytamiinno u wanaagsan jirkaaga? Faytamiin A waxa uu u siyaadiyaa awoodda aragga, faytamiin C waxa uu xoojiyaa difaaca jirka halka faytamiin E uu wanaajiyo caafimaadka maqaarka iyo timaha.

Sunsaarista:

Subaga lawska waxaa ka buuxa maadooyinka sunsaarista. Maadada “resveratrol” waa sunsaare taas oo la arkay inay xakamayso noocyo ka mid ah cudurka kansarka, cudurrada wadnaha, xanuunka Alzheimer’s iyo infekshannada ka dhasha fangaska.

Ka hortagga kansarka:

Subagga lawska waxaa ku jirta maado la dhaho “B- setosterol” oo la dagaallanta cudurka kansarka khaasattan noocyadiisa ku dhaca mindhicirrada waa wayn, qanjirka ragga ee borosteyt iyo naasaha.

Waxaa ku badan ganka:

Subaga lawska waxaa ku badan ganka loo yaqaanno “dietary fibre”, halkii koob waxaa lagaa helaa oo gan ah. Dietary fibre waa nafaqo aan laga maarmi karin waana inuu ku jiro cunnadaada maalinlaha ah sababtoo haddii uu jirka ku yaraado waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin caafimaad iyo cudurro.

Dejinta maskaxda:

Cunista 1 qaaddo oo subaga lawska ah maalin kasta waxay kaa caawinayssa la dagaallanka stres-ka sababtoo ah waxaa ku jirta maado la dhaho “beta-sitosterol” oo dejisa heerarka sarreeya ee hormoonka “cortisol” islamarkaana isku dheelitirta “cortisol” iyo hormoonnada kale xiliiga stress-ka

Talo:

Marka aad iibsanayso subagga lawska akhri warqadda ku dheggan, si aad u kala ogaato midka dabiiciga ah iyo kan kale. Dooro midka ay ku jiraan lawska iyo milixda keliya ee aan lagu darin waxyaabo kale.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *