Sababaha Keeni Karta Daalka Iyo Burburka Lala Soo Tooso Aroortii

Dad badan ayaa aroortii hurdada ka toosa iyaga oo dareemaya daal iyo burbur aad u badan, xitaa haddii ay habeennimadii saacado fiican seexdeen. Sida ay ku warramayso majaladda TIME ee ka soo baxda dalka Maraykanka, waxaa jira sababo caafimaad oo xaaladdan keeni kara oo ay ka mid yihiin:

1. Restless legs syndrome: Xaalad keenta daal lugaha ah oo uu qofku dareemo in aannu dhaqaajin karin labada lugood ama ay uga baahanyihiin awood iyo isku qasab, gaar ahaan marka uu jiifo ama fadhiyo,
2. Fibromyalgia: Xaalad caafimaad oo keenta garaac muruqyada iyo xaglaha, burbur iyo in hurdadu ka xumaato, iyo dhugmadoa oo hoos u dhacda.
3. Encephalitis and Myelitis: in boog ama nabar ku samaysma maskaxda ama xangulaha
4. Chronic fatigue syndrome (CFS/ME): Xaalad qofka ku keenta daal daran oo joogto ah, nasashadana aanu kaga tegeyn.
5. Sleep apnea: naqaska oo qofka ka go’a marka uu seexdo,
6. Daalka xad dhaafka ah.

Talooyin

Xaaladdan waxaa lagula tacaali karaa tallaabooyinkan:

  1. Hurdo kugu filan oo aad seexato, (7 – 9 saac)
  2. Haddii aad qaadato dawo joogto ah la tasho dhakhtarkaaga, waayo waxaa jira dawooyinka sababa hurdo la’aan.
  3. Yarayso isticmaalka maadadda Kaafiyeenta (Caffeine), tusaale bunka, Shaaha badan, iyo cabitaannada leh kaafiyeenta. Jooji ugu yaraan saddex saac hurdada ka hor.
  4. Jawiga qolku waa muhiim; qol qabow, madow oo deggeni waxa uu caawiyaa in hurdo fiican la seexdo, firfircoonina lala soo tooso.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

Maxaa Keena Qarawga Iyo Calwasaadka?

Qarawga iyo argagaxa habeenkii (night terrors) waxa uu dhacaa marka qofku si kedis ah u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *