Health

Sababaha Keena Cillada Labada Dabeecad (Bipolar Disorder) Iyo Dhibaatooyinka La Socda

cillada labada dabeecad,

Cillada labada dabeecad waxa loogu yeeraa afka caafimaadka “bipolar disorder“, horay waxaa loogu yeeri jiray “manic depression“, waxaa lagu yaqaannaa dabeecad isbedbedel xad dhaaf ah, waxeyna isugu jiraan shucuur kacsan iyo niyad jab. Marka aad niyad jabsan tahay waxaad dareemeysaa rajo xumo, waxaa kaa yaraanaya rabitaanka aad ku sameyn jirtay hawlaha nolosha. Marka dareenkaagu uu kor u koco waxaad dareemeysaa …

Read More »

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay …

Read More »

Nafaqooyinka Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka Leh Iyo Cunnooyinka Laga Helo

nafaqada, hooyada uurka leh, cuntooyinka,

Cunno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo la cuno xilliga uurka waxay sare u qaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqo noocee ah ayaad u baahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka. Ma jirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim …

Read More »

Faaidooyinka Guurka Iyo Xanuunada Uu Ka Hortago

faa.idooyinka guurka,

Faaidooyinka guurka: Nebigeenna suuban NNKH wuxuu dhalinta kula taliyay inay guursadaan haddii ay awoodaan, tani waxay na tusaysaa ahmiyadda guurka iyo inaan laga maarmi karin iyo inuu leeyahay faa’idooyin badan, cudurro badanna ka hortag u yahay. Wixii diinteennu inaggu dhiirrageliso xikmad badan ayaa ku jirta. Siduu Alle SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah …

Read More »

Faaidooyinka Joogtaynta Karootada Ama Dabacasaha Iyo Xanuunnada Lagula Dagaallamo

faaidada karootada, dabacasaha, ,

Karootada waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu caansan uguna waxtarka badan dhanka caafimaadka ee laga isticmaalo guud ahaan caalamka. karootadu waxay leedahay faa’idooyin badan oo aan ahayn keliya in aragga ay wax u tarto. Karootadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin ilaalinta caafimaadka, gaar ahaan indhaha, caloosha, maqaarka iyo wadnaha. Karootada waxaa ku …

Read More »

Calaamadaha Jooniska Iyo Sababaha Keena

jooniska, joonis

Caadi ahaan jooniska ma ahan cudur, waa astaan ka timaada cuduro kale ama xaalad la soo daristay jirka oo ah iney xubin shaqa gabto. Joonis waa marxalad ka bilaabata beerka waxay imaadaa marka ay jirka ku badato maadada loo yaqaano bilirubin. bilirubin-tu waa maado jaale ah ama midabkeedu yahay yellow waxayna ka samaysmataa burburka ka yimaada marka ay dhintaan unugyada gaduudan ee dhiiga ”Red blood cells” …

Read More »

Sababa Keena Sanboorka, Waxyaabaha Kiciya Iyo Sida Guriga Loogu Dabiibo

sanboorka maxaa lagu daaweeyaa, sanboor

Sanboor (allergic rhinitis) waa nooc kamid ah xasaasiyadaha, waxaa sababa xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jirka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahayn oo uu jirka la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jirka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka. Maxaa sababa sanboorka? Marka jirkaaga uu la sameeya xiriir xasaasiyad kiciye, jirku wuxuu soo daayaa maado …

Read More »

Ahmiyada Caafimaad Ee Dufanka Omega-3 Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

dufanka omega-3,

Omega-3 waa nooc ka mid ah dufannada laga helo cuntooyinka kaas oo waxtar ballaaran u leh caafimaadka. Waa dufan lagu sameeyay cilmi baarisyo badan. Dufankani waxa uu xambaarsan yahay faa’idooyin  aan la soo koobi karin waxaana uu wax u taraa wadnaha, xididada dhiigga, qanjirrada, murqaha, lafaha iyo maskaxda. Meelaha ugu fiican ee laga helo dufanka omega-3 waxaa ka mid ah; …

Read More »

Nafaqada Babaayga Iyo Ahmiyadda Uu U Leeyahay Caafimaadka

faaidooyinka babaayga,

Babaayga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka sababtuna waa nafaqooyinka tirada badan ee uu xambaarsan yahay. Waxa uu hodan ku yahay fitamiinno iyo macdano ay ka mid yihiin phosphorus, copper, potassium, iron, kalsiyaam, manganese iyo magnesium. Sidoo oo kale, babaaygu waxa uu qani ku yahay fitamiin A, fitamiin C, fitamiin E, fitamiinnada B-complex iyo maadooyinka sunsaarista. Sonkorta ku jirta babaayga bisil …

Read More »

Cuntooyinka Aan U Fiicnayn Hooyada Ilmaha Nuujisa Ee Ay Tahay Inay Ka Dheeraato

Sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmuhu jaqo, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan …

Read More »

Noocyada Joodariga Ama Furaashka: Kuwa Cafimaadka Uroon Iyo kuwa Udaran

noocyada joodariga

Bismillah, Joodariga ama furaashka tayada leh waa laga maarmaan si aad u heshid hurdo raaxo leh iyo caafimaad. Siyaabo kala duwan ayaa loo sameeyaa joodariga, qaar waxaa laga sameeyaa isbuunyo kala duwan, qaar waxaa laga sameeyaa biro moollo ah, qaar waxaa laga sameeyaa cinjir, qaar waxaa laga sameeyaa dhareerka gel-ka loo yaqaano, qaar kalane waxaa laga sameeyaa biyo aam hawo. …

Read More »

Sababaha Keeno Dilaaca Xuubka Dhegta Iyo Sida Loola Tacaali Karo

xuubka dhegta, maqalka dhegaha,

Dilaaca xuubka dhegta waa marka duleel ama jeex yar uu ku sameysmo durbaanka dhegta ama xuubka maqalka waxaana loo yaqaannaa “ruptured eardrum”. Xuubku maqalka waa cad khafiif ah kaas oo kala bara qeybta dhexe iyo qeybta banaanka ee kannaalka dhegta. Xubkaan wuu ruxmaa marka dhagta uu soo galo hirarka dhawaaqa codka, waxaad wax ku maqashaa ruxmashada xuubka dhegta uu ruxmo, …

Read More »

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

timirta iyo caafimaadka

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan midhadh timir ah. Haddaba marka laga tago in ay sunne tahay, maxaa kale oo faa’ido caafimaad ah oo ay jidhka u leedahay? Faa’idooyinka degdegga ah ee ku afurista timirta Jidhku waxa uu ka helaa tamar xooggan oo mar keliya jidhka wada gaadha Waxa ay dawo …

Read More »

Sababaha Keena Madax Xanuunka Xilliga Soonka Iyo Xalka Ugu Haboon Ee Lagula Tacaalo

madax xanuunka xilliga soonka,

Xilliga Ramadaanta dhibaatooyinka ugu badan ee laga cawdaa waa madax xanuun. Qormadan waxa aynu ku soo koobayna xog muhiim ah oo la xidhiidha madax xanuunka xilliga soonka la dareemo, iyo xalka ugu habboon ee lagula tacaali karo. Noocyada madax xanuunka xilliga soonka: Madax xanuunka xilliga soonka uu qofku isku arkaa waa laba nooc oo kala ah: Madax xanuunka afurka ka …

Read More »