Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga hortago oo muddo dheer la qaato waxay ka mid yihiin sababaha keena dhalmo la’aanta dumarka 

Dhalmo la’aanta haweenku waxay noqotay xaalad caafimaad oo halis ah. 6-dii lammaanaba hal ayay ku adag tahay inay uur qaadaan. 

Cunnadu waxay door weyn ka ciyaartaa bacrinimada haweenka ama awoodda inay uuraysato, cilmi baarisyo badan oo arrintaan lagu sameeyayna waxaa lagu ogaaday in cunista cunno caafimaad leh, ay kordhiso fursadda uur qaadista haaweenka. 

Hadaba waxaan halkaan ku soo aruurinay cunnooyinka sare u qaada awoodda uuraysiga oo ay tahay haweenku inay ku dedaalaan. 

Digirta: 

Digirta waxaa ku jira barootiinno iyo xadiid muhiim u ah shaqada ugxan-sidaha. Waxaa ku badan ganka (fiber), waxaana ku yar dufanka sidaas darteed kama walwalaysid inay cayil kugu siyaadiso. 

Dufannada Omega 3: 

Dufankani aad ayuu ugu fiiccan yahay haweenka raba inay uur qaadaan sababtoo ah waxaa ku jira asiidhada “EPA” “DHA” oo ka qayb qaata kordhinta awoodda uuraysiga. Cunnooyinka hodanka ku ah dufanka Omega 3 waxaa ka mid ah; kalluunka, afakaadhada, lawska, miraha chia seeds iyo qoondarka (flaxseeds). 

Miraha berries: 

Miraha berries-ka sida farawlaha (strawberries), blueberies iyo raspberries waxaa ka buuxa “antioxidants”, sida la ogsoonyahay walxaha jirka sunta ka saara (antioxidants) waxtar ballaaran ay jidhkeenna u leeyhiin, waxa ay yareeyaan dhaawaca unugyada, waxayna uur ku jirta ka ilaaliyaan dhaawaca ay gaarsiyaan xididada xorta ah (free radicals), tani waxay xoojisaa caafimaadka guud, waxayna sare u qaada fursadda uur qaadista. 

Caanaha iyo cunnooyinka laga soo dheegto: 

Cunnooyinka hodanka ku ah macdanta kalsiyaam keliya ma xoojiyaan caafimaadka lafaha, balse sida oo kalena waxa ay kordhiyaan caafimaadka taranka. Caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo, waxaa ku jira barootiinno loo yaqaanno “polyamines”  kuwaas oo kociya caafimaadka ukunta, habsami u shaqaynta ugxan sideyaasha, ismarkaana hoos u dhiga cilladaha ugxanta dumarka. 

Khudradda caleemaha cagaaran: 

Khudraddan cagaaran sida koostada, broccoli-da, sukuumada iyo kaabajka waxaa ku jira maadada “folate” iyo nafaqooyin kale oo muhiim ah, kuwaas sare u qaada caafimaadka guud ee haweenka. Sida oo kale, waxay yareeyaan stress-ka jirka waxayna kordhiyaan fayow-qabka maskaxeed. Labadaan arrimood waxay saameyn toos ah ku leeyihiin nidaaminta wareegga dhiigga caadada, taas oo caawinaysa kordhinta fursadda uur qaadista. 

Lawska almonds: 

Lawskani waxa uu qani ku yahay fitamiin E, manganese, copper iyo biotin. Fitamiin E waxa uu wanaajiyaa tayada ukumaha, wuxuuna ka hortagaa cilladaha ay ilmuhu ku dhashaan.  

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *