Nafaqooyinka Kobciya Bacrinimada Ama Awoodda Uureynta Ee Ragga Iyo Cunnooyinka Laga Helo

bacrinimada ragga

Tayada shahwada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa wayn ee saameeyaa bacrinimada ama awoodda uuraynta. Si la mid ah xumbnaha kale ee jirka bini-aadamka, habdhiska taranku waxa uu ku tiirsanahay nafaqooyinka iyo fiitamiinnada uu helo. 

Cunnooyinku waxa ay si togan saamayn ugu yeelan karaan caafimaadka taranka ee qofka. Waxa ay kordhiyaan tirada, tayada iyo socodka shahwada 
 
Waxaa jira noocyo cunnooyinka ka mid ah oo la aaminsan yahay inay ka qayb qaataan bacrinimada ama awoodda uuraynta ee ragga iyagoo siiya nafaqooyin taageera caafimaadka habdhiska taranka. Cunnooyinkaas waxaa ka mid ah:

Furuutka iyo khudradda:

Walxaha jirka ka saaro sunta: miraha berries, liinta noocyadeeda iyo khudradda caleemaha cagaaran waxaa ka buuxa fitamiinnada C iyo E, kuwaas oo la dagaallama waxa loo yaqaanno “oxidative stress” unugyada shahwadana ka ilaaliya dhaawaca.

Lawska iyo miraha:

Dufanka omega 3: lawska iyo midhaha qoondarka waxaa ku jira asiidhada dufanka ah ee omega-3 kuwaas oo kobciya tayada shahwada iyo socodkeeda.

Kalluunka:

Selenium: kalluunka, khaasattan noocyadiisa salmoonka iyo sardines-ka waxa ay hodan ku yihiin selenium. Macdantani waxa ay muhiim u tahay soo saarista shahwo caafimaad qabta, waxayna ka ka hortagtaa dhaawaca walxaha sunta ah.

Badarka:

Zinc: badarka sida bariiska kafeega ah iyo boorashka waxaa ku jirta zinc oo ah macdan muhiim u ah bacrinimada ragga. Zinc waxa ay ka qayb qaadataa soo saarista shahwada iyo habka dheefsiga ee hormoonka “testosterone”

Hilibka: 

L-arginine: maadadan waxaa laga helaa hilibka xoolaha, digaagga iyo caanaha waxay muhiim u tahay xaga ragannimada, waxa ay sare u qaadaa tirada shahwada iyo socodkeeda, waxayna jirka ku kordhisaa maado kale oo loo yaqaanno “nitric oxide”, tan oo ballaarisa xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasna ay awood ku yeelato. 

Caanaha: 

Kalsiyaam iyo fitamiin D: Caanaha xoolaha waxaa laga helaa macdanta kalsiyaam oo muhiim u ah shaqada shahwada. Fitamiin D waxa uu kaalin mug leh ka ciyaaraa soo saarista hormoonka testosterone. 

Broccoli: 

Folate: khudradda broccoli-da waxaa ku jira maadada folate oo ah fitamiin B-9 taas oo kordhisa tayada shahwada islamarkaana yareysa cilladaha shahwada. 

Miraha bocorka: 

Phytosterols: miraha bocorka waxaa ku jira maadooyinka “phytosterols” kuwaas oo la aaminsan yahay inay faaido u leeyihiin soo saarista hormoonka testosterone iyo caafimaadka guud ee habdhiska taranka. 

Yaanyada: 

Lycopene: yaanyada waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “Lycopene” oo ah sunsaare la xiriiriyo kobcinta socodka shahwada.  

Cunno isku dheellitiran, biyo cabbista oo la badsado iyo in laga fogaado balwadaha sida qaadka iyo sigaarka, waxa ay muhiim u tahay caafimaadka guud ee habdhiska taranka. 

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *