Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud yihiin waxay keeni kartaa khajilaad taas oo sababaysa in had iyo jeer aad dhoolla caddeynta iyo qosolka isku celiso.

Cadayga iyo dawooyinka lagu luqluqdo wax wayn kama taraan ilkaha jaallaha noqday. Dad badan waxay u tagaan dhakhtar ilkood si ilkaha loogu dhaqo oo ay ugu caddaadaan, kharash baana uga baxa.

Haddaba warbixintaan waxa uu Daryeel Magazine kuugu soo gudbinayaa sida ilkaha loo cadeeyo iyadoo la isticmaalayo dawooyin-guri taas oo ku badbaadinaysa kharashkii kaaga bixi lahaa dhakhtarka ilkaha.

Sababaha keena in ilkuhu ay jaalle noqdaan:

  • Cabbista badan ee shaaha iyo kafeega
  • Sigaar nuugista
  • Cunnooyinka qaar
  • Cunnada kadib oo islamarkiiba la cadaysado
  • Cilladdo caafimaad

Sida ilkaha loo cadeeyo iyo waxyaabaha loo adeegsado:

Kicisada burka:

Isticmaalka kicisada burka (baking soda) waa mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee ilkaha lagu caddeeyo. Waxaa la xaqiijiyay inay kaxeeyso hurada, ilkahana ay caddeyso.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado (qaadada yar ee shaaha) oo kicisada burka ah 
  • 1 illaa 2 qaado oo biyo ah

Habka isticmaalka:

  • Ku dar biyaha kicisada burka si ay u noqdaan cajiin jilicsan. Adigoo isticmaalaya cadayga, mari ilkaha. 
  • U daa 1 daqiiqo 
  • Ka luqluqo 
  • Habkaan samee 1 mar asbuucii si aad hesho natiijo ku raalli gelisa.

Digniin: isticmaalka badan ee kicisada burka waxay dhaawici kartaa ilkaha, sida awgeed waa inaan hal mar ka badan la isticmaalin asbuucii.

Khalka tufaaxa:

Khalka tufaaxu waxa uu leeyahay aashito sidaas darteed ilkaha ayuu nadiifiyaa. Waxa u la dagaallamaa dulinka, sida oo kalena waxaa uu caawiyaa caddeynta ilkaha.

Waxaa loo baahan yahay:

Habka loo isticmaalo:

  • Khalka tufaaxa ku dar biyaha. 
  • Isku-darkaan ku luqluqo adigoo afka ku haynaya muddo dhowr daqiiqo. 
  • Biyo kaga luqluqo. 
  • Samee 1 goor asbuucii.

Digniin: ha isticmaalin isku-darkan wax ka badan hal mar asbuucii, hana liqin.

Saliid qumbe:

Saliida qumbaha waxay leedahay lidka bakteeriyada waxay uroon tahay caafimaadka afka. Sida oo kale, waxa caawisaa ka takhalusidda huurada, sidaas awgeedna ilkaha ay caddeysaa.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado oo saliid qumbe ah

Habka isticmaalka:

  • Ku luqluqo saliid qumbada muddo 10 illaa 15 daqiiqo ah. Ku warwareeji ilkaha dhexdooda iyo afka oo dhan. 
  • Iska tuf 
  • Biyo ku mayr afka
  • Cadayso ilkaha

Cusbada (milixda): 

Cusbada waxaa ku jira maadooyinka lidka ku ah dulinka. Waxa ay nadiifisaa oo caddaysaa ilkaha.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado oo milix ah 
  • Hal koob oo biyo ah

Qaabka isticmaalka: 

  • Karkari biyaha,  
  • Ha qaboobaan xoogaa, ku dar milixda oo isku qas. 
  • Ku qooy burushka ilkaha hal daqiiqo
  • Ku cadayso
  • Ku mayr afka biyo qabow 
  • Samee habkaan maalin kasta

Liin dhanaanta: 

Liin-dhanaantu waxa ay leedahay maadooyinka caddaynta, waxa ay iftiimisaa oo ay caddaysaa ilkaha. 

Waxaa loo baahan yahay: 

  • 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah 
  • 1 qaado oo biyo ah 
  • Habka loo isticmaalo: 
  • Isku qas cabitaanka liinta iyo biyaha 
  • Ku cadayso adigoo adeegsanaya burushka ilkaha. 
  • Samee qaabkan hal mar asbuucii.

Farawlaha:

Miraha farawlaha (strawberries) waxaa ka buuxa fitamiin C kaas oo caawiya caddaynta ilkaha. Sida oo kale, mirahaan waxaa ku badan maadooyinka loo yaqaanno “antixiodants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka afka.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 3 illaa 4 xabbo farawle bisil ah
  • Qaado barkeed kicisada burka ah

Habka isticmaalka: 

  • Ku rid miraha farawlaha baaquli oo burburi, ku dar libito/kicisada burka (baking soda), si fiican iskugu qas. 
  • Adigoo adeegsanaya burushka ilkaha, ku cadayso. 
  • U daa 3 illaa 5 daqiiqo. 
  • Biyo ku mayr afka oo dhan 
  • Samee habka maalin kasta muddo dhowr asbuuc si aad u hesho natiijo fiican. 

Talooyin guud si loo kobciyo caafimaadka ilkaha: 

  • Ku dedaal inaad cadaysato 2 jeer maalin kasta 
  • Beddel burushka ilkaha saddexdii bilood oo kasta 
  • Iska yareey isticmaalka sonkorta. 
  • Ku dedaal cunnooyinka ilkaha uroon sida caanaha, yoghurt-ka, karootada, khudradda cagaaran, lawska iyo shaaha cagaaran 
  • Booqo dhakhtarka ilkaha ugu yaraan sannadkiiba mar si loo hubiyo caafimaadka ilkahaaga

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

Beauty Benefits Of Aloe Vera,

Beauty Benefits Of Aloe Vera And How To Use It

Aloe vera is renowned for its numerous beauty benefits due to its rich composition of …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *